"Iiga warrama sayidkii" Qisada Mid ka mid ah dagaalyahanada Xisbullah oo bilooyin ka dib ogaaday in Nasrallah uu dhintay

Iyada oo ay jirto cabsida burburka iyo naxdinta ku habsatay magaalooyinkii ku baa'abay duqymihii ay ciidanka Israa'iil ka geysteen Lubnaan ayaa waxaa soo baxaya sheekooyin badan.
Mohammad Daher waa nin dhalinyaro ah oo ka soo jeeda Kfar Kila, waan mid ka mid ah dagaalyahanada Xisbullah - oo ku jira da'da labaataneeyada.
Sawirada la baahiyay ayaa muujinaya isaga oo gar weyn leh oo timuhu ay ku baxeen, oo xiran surwaal jiinis ah.
Qoyskiisa iyo qaraabadiisa ayaa u dabaaldagaya in uu ka badbaaday duqeymaha, waxaana ay rumeysan la' yihiin in uu badqabo ka dib toddobaadyado iyo bilo uu dhulka hoostiisa ku jiray.
Maxamed waxa uu ka mid ahaa dagaalyahannada Xisbullah ee loo tirinayay inay dhinteen iyo kuwa la la'yahay, kuwaas oo keligood ku haray tuulooyinka xuduudda, iyaga oo halkaasi kula dagaalamayay Israa'iil.
Qaar badan oo iyaga ka mid ah ayaa lagu dilay weerarro iyo beegsi ay Israa'iil fulisay. Ka dib ciidamada Israa'iil ayaa gudaha u galay oo la wareegay gacan ku haynta magaalooyinka muddo bilo ah, kuwaas oo ay ka fuliyeen qaraxyo waaweyn oo dhismayaal iyo guryo ah lagu burburiyay.
Magaalada Kfar Kila, oo ah halka laga helay Maxamed, waa mid ka mid ah magaalooyinka gebi ahaanba burburay, kuwaas oo Israa'iil aysan ka tagin hal dhismo oo la deggan yahay.
Ilaa hadda lama tirin tirada dagaalyahannada Xisbullah ee lagu dilay bilihii ugu dambeeyay ee dagaalka, iyo markii dambe duqeymihii dhacay intii ay socotay xabbad joojinta.
Xisbiga ayaan weli tira koob rasmi ah ka bixinin dhimashadiisa, waxaana weli socda baadigoobka haraagii ama raadadka dagaalyahannada la dilay iyo kuwa meydadkooda ku go'doomay goobtii dagaalka.
Maxamed ayaa ka mid ah. Laakin Talaadadii, subaxnimadii hore markii dadka deegaanka ay ku soo noqdeen magaaladooda Kfar Kila, oo ku taal xuduudda, ka dib markii ciidanka Israa'iil ay isaga baxeen, Maxamed wuxuu dib uga soo muuqday burburka guriga awoowgii, isagoo caafimaad qaba.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa lug ku galay goobta burbursan, waxaana dadkaas ka mid ahaa qoyska Maxamed.
Ii xaqijiya halkuu maray sayidkii?

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa noo suuragali waysay inaan si toos ah ula xirirno Maxamed iyo qoyskiisaba. Laakin waxaan la hadalnay qof si fiican u yaqaana - oo u dhashay Kfar Kila.
Sida uu noo sheegay, Maxammad waxa uu dhulka hoostiisa ku jiray ilaa shan bilood, ee ma ahayn saddex, sida lagu sheegay warbaahinta qaarkeed.
Sida naloo sheegay, guriga qoyska Maxamed waxa la dhisay 1950-kii. Waqtigaas, dadku waxay dhisteen guryo dhulka hoostiisa ah oo markii dambe loo isticmaali jiray in lagu kaydiyo cuntada iyo saadka qoysaska muddo dheer.
Sida naloo sheegay, guriga ku xiga guriga Maxamed ayaa isna si la mid ah loo dhisay kaasoo hoosta uu ku lahaa bakhaar. Markii guriga lagu burburiyay duqeynta, Maxamed wuxuu ku haray hoygaas - qaybta hoose.
Suurtagal maaha in si dhab ah loo xaqiijiyo sheekada ama qisooyin kale oo badan oo Maxamed lagu soo celceliyay. Laakin sheekadiisa oo u dhow sida khiyaaliga ah, ayaa saameyn weyn ku reebtay dad badan, kuwaas oo gudbin jiray xogo aan la aqoon xaqiiqadooda.
Iiga warrama sayidkii?
Sida laga soo xigtay mid ka mid ah sheekooyiinka caanka ah, ka dib markii laga soo badbaadiyay guriga, Maxammed wuxuu wax ka waydiiyay Xoghayihii Guud ee hore ee Xisbullah, Sayyed Hassan Nasrallah, oo ay Israa'iil dishay 27-kii Sebtembar.
Waxa la sheegay in uu yiri, "iiga warrama sayidkii."
Tani waxay caddayn u tahay, sida ay qabaan kuwa sheekada soo tebiyay, inuu gebi ahaanba ka go'ay wax kasta oo ka dhacayay dhulka dushiisa, muddadaas oo dhan oo uu ku xayirnaa dhulka hoostiisa.
Saacado ka dib markii uu warku faafay ayaa waxaa wali la sii hadal hayaa sheekadii Maxamed oo ay la yaaban yihiin dhalinyaro ka soo jeeda tuulooyinka xuduudka.
Markii aan weydiinay waxa laga yaqaan sheekadiisa, mid ka mid ah ayaa si kalsooni leh iigu sheegay: "Waxaa hubaal ah inay jiraan kuwo ka badan Maxamed oo la helay iyagoo nool. Laakin waxaa jirta in la qarinayo arrintan".










