Dilkii Xasan Nasrallah kadib Xisbullah, Iran iyo Israa'iil maxay sameyn doonaan?

Xigashada Sawirka, Reuters
Dilkii Israa’iil ay u geysatay Xasan Nasrallah, oo ahaa hoggaamiyihii muddada dheer ee Xisbullah, ayaa ah mid sii kordhinaya dagaalka ay kula jirto kooxda xagjirka ah ee Lubnaan.
Waxaa suurtagal ah, in tallaabada Israa’iil ay ku dishay ninkaan ay gobolka ka abuurto hal tallaabo oo qarka u dhaweysa khatar waxyeello badan leh oo ka dhex aloosanta xitaa Iran iyo Mareykanka
Haddaba xaggee laga yaabaa in halkaan looga dhaqaaqo?
Jawaabtu waxay inta badan ku xiran tahay saddex su'aalood oo aasaasi u ah arrintaan.
Maxey sameyn doontaa Xisbullah?
Dharbaaxada ku dhacday kadib Xisbullah way murugoonaysaa.
Hoggaamiyihii kooxda ayaa madaxa laga jaray, waxaana la dilay in ka badan 12 taliyeyaal sare sare. Isgaarsiinteeda ayaa la burburiyay iyadoo qaraxyadii naxdinta lahaa loo adeegsaday qalab dhanka is gaarsiinta ah oo ay isticmaalaan, waxaana inta badan hubkooda lagu burburiyay duqeymo dhanka cirka ah.
Falanqeeyaha amniga Bariga Dhexe ee fadhigiisu yahay Mareykanka Maxamed Al-Basha ayaa yiri: "Dilka Xasan Nasrallah wuxuu yeellan doonaa saameyn la taaban karo, taasoo keeni karta inauu khalkhal galo kooxda, isla markaana ay beddesho istiraatiijiyaddeeda siyaasadeed iyo middeeda milateri “muddo gaaban."
Laakiin rajo kasta oo ah in ururkan aadka uga soo horjeeda Israa'iil uu si lama filaan ah u quusan doono waxey u badan tahay oo u muuqataa in la marin habaabinayo.
Xisbullah ayaa horey wacad ugu martay inay sii wadi doonto dagaalka. Waxayna weli haystaan kumannaan dagaalyahano ah, oo qaar badan oo ka mid ah ay yihiin kuwii dhawaan ka soo dagaalamay Suuriya, waxayna xoogga saari doonaan in ay aarsadaan.
Waxay weli haysataa kooxdu hub badan oo gantaallo ah, qaar badan oo ka mid ah waa kuwa riddada dheer, oo gaari kara Tel Aviv iyo magaalooyin kale. Waxaa jiri doona cadaadis uga imaan doonaa kuwa ay isu aragtida yihiin oo ku saabsan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u isticmaalaan hubkaas ka hor inta aan iyagana la burburin.
Laakiin haddii ay sameeyaan, weerar ballaaran oo ka adkaada difaaca hawada Israa'iil dilna u gaysta dad rayid ah, markaas jawaabta Israa'iil waxay u badan tahay inay noqoto mid ba'an, oo burbur gaarsiin karta Lubnaan, ama xitaa u tallaabi karta Iran.
Iran maxey sameyn doontaa?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dilkan loo gaystay hoggaamiyihii kooxda Xisbullah, Iran dhabar jab ayuu ku yahay, iyadoo dalkaas looga dhawaaqay shan maalmood oo baroor diiq ah.
Waxaa sidoo kale Iran, qaadday feejignaan deg-deg ah, iyadoo la qarinayo hoggaamiyaha ruuxiga ah, Ayatollah Cali Khamanei, si isagana aan loo beegsan.
Iran ayaan wali ka qaadin wax tallaabo ah dilkii bahdilaadda ku ahaa ee bishii Juuly hoggaamiyihii siyaasada ee Xamaas Ismaaciil Haniyeh lagu gaystay Tehran. Waxa hadda dhacay waxay keeni doontaa in kuwa mayalka adag ee taliska ay ka fikiraan bixinta jawaab ku saabsan waxa dhacay.
Iran waxa ay leedahay isbahaysi siyaasadeed oo aad u hubaysan kuna hareeraysan Bariga Dhexe, waxaana loogu yeero "Axis of Resistance".
Waxaa ka mid ah Xisbullah, Xuutiyiinta Yeman, iyo kooxo badan oo Suuriya iyo Ciraaq ka jira . Iran ayaa ka dalban karta kooxahan inay kordhiyaan weerarada ay ku qaadayaan labada saldhig ee Israa’iil iyo Maraykanka ee gobolka.
Laakiin jawaab kasta oo Iran ay doorato, waxay u badan tahay inay u qiyaasnaan doonto kicinta dagaal aysan rajeyneynin inay ku guuleysato.
Israa'iil maxay sameyn doontaa?
Haddii qof uu shaki ku jiray dilkan ka hor, hadda xaalku sidaa ma ahan.
Sida muuqata Israa'iil hadda wax niyad ah uma hayso in ay hakiso howlgalladeedaa millatari iyadoo 21-ka maalmood oo xabbad-joojin ah oo ay soo jeediyeen 12 waddan, oo uu ku jiro saaxiibkeeda ugu dhow, oo Mareykanka ah.
Milatarigeedu waxay ku xisaabtamayaan xaaladda ay hadda ku jiraan ee Xisbullah kala dhaxeysa, sidaas darteed waxay doonayaan inay sii wadaan weeraradooda.
Hadal kooban oo ay soo saartay Xisbullaah, ayaa lagu sheegay in adag tahay in la arko sida Israa'iil ay ku gaari karto hadafkeeda dagaal ee ah in meesha laga saaro khatarta weerarrada Xisbullah iyada oo aan loo dirin ciidamo kuwa lugta ah.
Arrinta awgeed ayaa ciidamada difaaca Israa'iil waxaa ay soo bandhigeen muuqaalka tababarka ciidamada lugta meel ku dhow xadka ay wadaagaan Israa’iil iyo Lubnaan.
Khudbadiisii ugu dambaysay ee fagaaro uu ka jeediyo ka hor dhimashadiisa, Nasrallah wuxuu u sheegay kooxdiisa in duulaanka Israa'iil ee koonfurta Lubnaan ay noqon doonto, sida uu yiri, "fursad taariikhi ah".
Milatariga Israa’iil in ay galaan Lubnaan,waxay u ahaan lahayd wax fudud. Laakiin bixitaanku wuxuu qaadan karaa, bilo sida Qasa.

Xigashada Sawirka, EPA













