Soomaaliya: Labada magaalo ee uu maro halka webi, balse biyo la'aan iyo fatahaad ka kala cabanaya

Xigashada Sawirka, BBC, Getty Images / Abdishukri Haybe
- Author, Abdishukri Haybe
- Role, Wariye
Labadii todobaad ee ee lasoo dhaafay magaalada beledweyne waxaa ka jirtay xaalad fatahaad ah, laakiin gobolka oo ku xiga ee Shabeele hoose beerolaydu waxay ka cabanayaan biyo la’an.
Beeroleyda ku sugan, degmada Janaale oo 413KM u jirta magaalada Beledweyne ayna wadagaan wabiga shabeelle ayaa kamid ah kuwa cabanaya. Sidoo kale deegaannada, Buulo-mareer golweyn, oo ka tirsan isla gobolka shabeelada hoose ayaa wabiga oo biyo yareeyay waxay ku qasabtay in ay ceelal matooro saaranyahiin, beerahooda biyo uga doontaan.
Xuseen Cusmaan Waa’suge oo ah Afhayeenka Beeroleyda Gobolka Shabeelada Hoose, ayaa qaba in arrintaan sabab u yihiin beeraleydu.
“Qulqulka biyaha wabiga oo aad u yaraa, ayay haddana dadyowga qaar, biyahii wabiga xidhayaan si’ay beerahooda ugu leexiyaan, taasna waxay sababtay in wabigii qulqulkiisii hakado; waana musiibo runtii in arrintaan cid wax ka qabanaysa oo ka hadlaysaaye ayna jirin,” Ayuu yiri.
Xuseen, sideedii bilood ee lasoo dhaafay beertiisa ayuu ku waraabinaayay ceel biyood, markii uu rejo qabay in uu helo biyaha wabigana qulqulka biyaha oo hakaday ayaa sababay in ayna biyo soo gaadhin, waxuuna sheegayaa in beeroleyda iyo dadka caadiga ah oo biyaha ka xidha meelo kala duwan, iyo gudaha wabiga oo aan la caro qaadin ay marwalba sababto in wabiga meelna ka fataho, meelna dadku biyo la’aan ka ahaadaan.
“Illaa kuntuwaareey waxaa jirta xaalad biyo yari ah oo baahsan, magaalada Janaalena beerahii moosku qaarkood way qalaleen oo wax lagu waraabiyo oo biyo ah ma jiraan.” Ayuu Khadka taleefanka iigu sheegay Xuseen.

Xigashada Sawirka, Abdishurki Haybe
Hadii aan u laabano Baladweyne iyo deegaanada ku xeeran, oo uu ku fatahay isla wabigaan, dalagyadii u baxaayay beeraleyda oo xilligii goosadka joogay ayaa dhulka la sinmay. Arrintan ayaa dhibaateysay qoysaska beeroleyda ee nolol maalmeedkoodu ku tiirsanaa beeraha.
Maxamed Isaaq Macallin, aabe 37 sanno jir ah oo dhalay 9 carruur ah, 12 kii sanno ee lasoo dhaafay waxuu ahaa beeroleey nolol maalmeedka reerkiisa kasoo saarta dalagyada kala duwan ee ugu baxayaay beertiisa, maantase Maxamed waxba faraha kuma hayo oo beertiisii waxaa burburiyay fatahaadda wabiga.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maxamed ayaa yiri: “Muddo 12 sanno ah ayaan halkaan wax ku beeranaayay, waligey ma arag biyo fatahaaddan oo kale; noloshayadoo dhan beerta ayay ku tiirsanayd, laakiin hadda waxba meel aan u dhaqaaqo xiitaa ma garanaayo, ninweyn oo xaafad joog ah nolol maalmeedkiinna laga sugaayo baan noqday.”
Cabdullaahi Cali Faarax waa waa guddoomiye ku xigeenka iskaashatada Aaran ee Gobolka Hiiraan, waxuu ii sheegay tiro dhan 289 beeroleey ah oo ka tirsan iskaashatada Aaran ay saameyn mugleh ku yeesheen, fatahaada wabigu. “Fatahaadani waa mid runtii saamayn xun ku yeelatay si guud beeralayda gobolka Hiiraan annaga ka iskaashato ahaanna si aad ah bay noo saamaysay, beer hooseedyo (Green Houses) badan oo wabiga jiinkiisii ka dhisnaa ayay burburiyeen fatahaadu, si dhibyara wax aan ugasoo kaban doono ma’aha” ayuu yidhi Cabdullaahi.
Magaalada Beledweyne ayaa si ba’an looga dareemayaa sare u kac ku yimid qiimaha qudaarta la gado, tanagga qudaarta ah oo markii hore qiimo ahaan aan dhaafi jirin $5 ayaa maraya $30, 100 xabo ee liin dhanaanta ah oo markii hore joogtayna 2 dollar-na waxay maraysaa $5.

Xigashada Sawirka, Abdishukri Haybe
“Markii hore qudaarta magaaladu waxay ahayd mid dabaqad walba iibsan karto,” ayuu yiri Cabdullaahi “Oo bulshada danyarta ahi dadka ayay ula sinaayeen in ay adeegtaan maantase; xaaladdu sidii wayka duwantahay; beerahiina biyo ayaa burburiyay, waxyaabo yar oo suuqa yimaadana qiimo ahaan cid walba ma gadan karto.”
Beeroleyda Maxamed Isaaq oo kale ah ee gobolka Hiiraan ku nool ayaa wajahaya caqabad nololeed, nolosha qoysaskooda, oo dalagyada beeraha ugasoo go’a ku tiirsanaa, maanta waxba faraha kuma hayaan. Labo reer uu Maxamed leeyahay iyo carruurtiisa oo sagaal ka koobanba waxay ku tiirsanaayeen beerta oo maanta gabi ahaanba ay biyahu burburiyeen siduu sheegayna aan illaa muddo bil ah biyaha galay ayna ka qalali doonin.
“Carruurta lacagtaan waxbarashada kaga bixin jiray xiitaa maanta ma garanayo meel aanka keenno marka macallinkooda isoo waco, meeshii markii wax lay weyddiiyaba aan babaay, yaanyo, qajaar, yaanyo, masago yaryareey iyo balka kasoo qaadi jiray maanta waad biyaa ku jira.” Ayuu yidhi Maxamed Isaaq oo labo wiil oo uu dhalay hortiisa ku ciyaarayaan.
Tani waa is-diido, waa labo gobol oo dalka ku wada yaala wadaagga wabiga shabeelle. Beeroleyda ku kala sugan, kuwo waxaa beerahoodii burburisay fatahaadda, kuwana beerahoodii waxay la ba’ayaan biyo la’aan.












