Nuur Farey: Faahfaahinta dilka taliyihii Guutada 14 Oktoobar iyo waxa ay dowladdu ka tiri

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay dilka sarkaal sare oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.
Gaashaanle Sare Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey), Taliyihii Guutada 14-Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa la sheegay in lagu dilay deegaanka Caddow Dibile, halkaas oo uu hadal u jeedinayay ciidamo ka tirsan guutada.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada, ciidanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Qoraal lagu faafiyay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu "xusay in Taliye Nuur Farey uu ahaa halgamaa daacad ah oo nolol iyo nafba u huray difaaca qaranka iyo xorriyadda shacabka Soomaaliyeed".
Warka ayaa intaa ku daraya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu tilmaamay in Dowladda Federaalka ay waddo baaritaan dhammeystiran oo ku saabsan weerarkan, uuna adkeeyey go'aanka adag ee dowladda ee ku saabsan in la sii laba jibbaaro dagaalka lagula jiro al-Shabaab.
Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda federaalka oo ku saabsan faahfaahinta dilka taliyaha, hase yeeshee warbaahinnada qaar oo soo xiganaya ilo militari ayaa tebiyay in taliye Nuur Farey - oo gobolka u joogay howlgalka ka dhanka ah al-Shabaab ee ay beryahan waddo dowladda federaalka - la toogtay xilli uu khudbad u jeedinayay ciidanka.
Weli ma cadda cidda dilka geysatay, dowladda federaalka ayaana sheegtay inay baaritaan ku heyso arrintaas, iyadoo meydka taliyaha iyo saraakiil kale oo dhaawac ah shalay la geeyay magaalada Muqdisho.
Gaashaanle Sare Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey) ayaa la sheegay inuu tababarro militari hore ugu soo qaatay dalal uu ka mid yahay Turkiga.

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Dhanka kale, shalay markii uu soo baxay warka dilka taliyaha, falcelinno badan ayaa ka dhalatay baraha bulshada, iyadoo dadka qaar ay ku tilmaameen in Nuur uu ahaa geesi.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka mid ah dadka tacsida u diray taliyaha, isagoo qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook uga tacsiyeeyay qoyska taliyaha.
"Taliye Nuur Farey wuxuu ahaa geesi Qaran oo lahaa karti, daacadnimo, aqoon iyo hoggaamin ciidan isagoo si hagar la'aan ah ugu adeegay Dalkiisa iyo Dadkiisa kahor geeridiisa.
"Taliska ciidanka xoogga dalka iyo madaxda dowladda Federaalka ah waxaan ugu baaqayaa in baaritaan deg deg ah oo daahfuran lagu sameeyo falkaan gurracan si cadaaladda loo horkeenno dambiilayaasha soo abaabulay." Ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Maxay yihiin Guutada 14 Oktoobar?

Xigashada Sawirka, Reuters
Guutada 14-ka Oktoobar waxay ka mid tahay Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliya, waxaana markoodii hore dhowr sano kahor loo aasaasay sababo amni dartood.
Guutada 14 Oktoobar ayaa la aasaasay kadib qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee 14 Oktoobar 2017 ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo kacdoon dadweyne uu ka dhashay.
Qaraxan oo aad u xogganaa laguna fuliyay gaari xamuul oo walxaha qarxa lagu soo raray ayaa ka dhacay Isgoyska Soobe oo aad mashquul u ahaa waxaana ku dhintay ilaa 600 oo qof.
Aggaas ayaa haatan loogu magac-daray 14 Oktoobar.
Kooxda al-Shabaab ayaa beenisay inay ku lug lahayd weerarkaas.
Ciidankan ayaa markoodii hore loo xil-saaray sugidda amniga magaalada Muqdisho, kahor inta aan la geynin furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Nuur Farey ayaa taliyaha guutadan loo magacaabay 13-kii Oktoobar ee sanadkii 2022, isagoo hoggaanka guutada hayay tan iyo intii aan la dilin shalay.













