Maxay tahay xerada uu Siyaad Barre isugu magac daray ee askarta lagu laayay?

Khasaaraha qaraxa
Ugu yaraan 22 askari ayaa la ogyahay inay ku dhinteen weerarkii shalay subax uu qof miidaamiyey ku qaaday askar ka tirsan milateriga Soomaaliya oo ku sugnayd kulliyadda ciidamada ee Jaalle Siyaad.
Xilliga uu weerarku dhacay ayaa la sheegay in askartu ay saf ku jireen, qofka i sqarxiyeyna uu safka la soo galay.
Maxaan ka ognahay askarta ku dhimatay
Wararku waxay sheegayaan in ciidankan ay ka tirsan yihiin guutada 14ka Oktoobar oo ah guuto la aasaasay wixi ka dambeeyey qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee maalintaas ka dhacay isgoyska Zoobbe.
Guutadaas ayaa fadhigoodu ahaa gobolka Shabeellada hoose, gaar ahaan magaalada Marka, wararkana waxay intaa ku darayaan in ciidankaas Muqdisho loo keenay in dib u habayn xagga qaabdhismeeka ah lagu sameeyo.
Ciidankaas ayaa u badnaa dhallinyaro. 2019 ayey dawladda Soomaaliya sheegtay in ciidankaas loo dhamaystiray qalabkooda si ay uga qayb qaataan dagaalka Al Shabaab.

Maxay tahay kulliyadda ciidamada ee Jaalle Siyaad?
Sarreye guuto Mahdi Aadan Cali wuxuu ka mid yahay saraakiishii wax ku soo baratay kulliyadaas. Wuxuu BBC u sheegay inkulliyaddan la dhisay 1975, uuna dhismaheeda lahaa madaxweynihii dawladdii kacaanka ee Soomaaliya Jaalle Maxamed Siyaad barre oo sidoo kalena kulliyadda loogu magac daray.
Taas waxay yaraysay tababarradii iyo waxbarashadii saraakiishu ay u aadi jireen dalka dibadiisa oo in badan oo ka mid ah saraakiisha ciidanka qalabka sida ee Soomaaiya ay kulliyadda wax ku barteen.
"Waxay ahayd kulliyad aad u adag oo waxbarashadeeda uusan qof kasta ka soo bixi jirin, waxaana ardayda loo qaadan jiray ka mid ahaa kuwa ka soo baxa iskuullada afafka ajnabiga ah lagu dhigo ida iskuulka xisaabaadka iyo cabiradda ee (Ragioneria) oo aan anigu ka mid ahaa” ayuu yiri jeneral Mahdi oo ka sheekaynayey taariikhda kulliyadaas.
"Takhasusyadii ciidanku lahaan jiray baa looga bixi jiray sida madaafiicda goobta, difaaca cirka, taangiyada, sancada, Ciidanka lugta, war isgaarsiinta iyo nooc kasta oo tababar ciidan ah. Waxaan rajeynaynaa in kulliyaddan ay noqoto meel ay saraakiisha ciidamadeennu ka soo baxaan sidii ay horeba u ahaan jirtay, innagoo maanta haysanna saraakiil aqoontoodu dhisan tahay” ayuu ku sii daray Jeneraal Mahdi Aadan Cali.
Kulliyadda ciidamada ee Jaalle Siyaad waxaa sannadihii dambe fariisin ka dhigtay ciidanka nabad ilaalinta AMISOM ee ka socday dalka Burundi, inkastoo 2019 ay dib ugu wareejiyeen milateriga dawladda federaalka ee Soomaaliya.

Jeneraal Bile Aadan Ibraahim oo isna ka tirsan milateriga Soomaaliya, kulliyaddana ka baxay 1980kii ayaa kulliyaddan ku tilmaamay mid muhiimad weyn oo xagga tababarka ah u lahayd milateriga dalka, ayadoo qalabkii tababarkana uu yaallay.
"Muddadii ay kulliyaddan jirtay toban dufcadood ayaa ka qalin jabisay iyo lix guruub oo qaadanayey koorasyo gaar ah, kuwaasoo ahaa saraakiil xigeen, waxayna saraakiishaas wax weyn ka bedeleen hawshii ciidanka” ayuu yiri jeneral Bile.
"Wixii ka soo hara xirfadda ciidanka cirka iyo ciidanka badda kulliyaddan ayaa lagu baran jiray” ayuu sii raaciyey.

Xigashada Sawirka, SNTV
Sida u sheegay sarkaalkaas waxaa markii la furay kulliyadaas gacanta ku hayey macallimiin isugu jiray Ruush iyo Soomaali.
"Macallimiintii xilligaas waxay duruustii la qaadan jiray u turjumeen af-Soomaali, saraakiisha maanta ka hawlgasha badankoodna kulliyaddan ayey ka baxeen. Sidoo kale waxaa ka baxay saraakiil ka socotay dalal Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin, Jabuuti, Burundi, Rwanda, Namibia iyo dalal kale oo Afrikaan ah oo Soomaaliya ay xagga ciidanka ka caawisay” ayu sii raaciyey Jeneraal Bile.
Sannadihii dambe ee uu dalku burburka galay waxaa kulliyadda la soo dersay burbur weyn ayadoo aysan helin wax dayactir ah.
Dawladda Soomaaliya maxay ka tiri qaraxii kulliyadda
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay inay samaynayso baaritaan ku saabsan falkaas uu askarta ku laayey qof is miidaamiyey.
"Waxaan cambaareynaynaa falkii fulaynimada ahaa ee naxariis darrada ahaa ee dhibaatada lagu gaarsiiyey ciidanka qalabka sida ee uu "qof ehlu-naar ah oo naftii hallige ah soo dhex galay oo dadkaas sidaa lagu dhibaateeyey” sidaa waxaa yiri Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).
Sheekha oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri "meesha dadkaas shalay lagu baabi’iyey meel la iska imaan karo ma aha. Raggan inay naftooda u huraan dalkooda diyaar ayey u ahaayeen, hadday dagaal ku dhiman lahaayeen wax niyad xummo ah kama qabi lahayn, laakin ayagoo xeradoodii jooga in fulay uu soo dhex galo oo la halaago wax loo adkaysan karo ma aha, waxaana meeshaas ka muuqda mas’uuliyad xummo” ayuu yiri Guddoomiye Sheeklh Aadan Madoobe.
Sheekhu wuxu intaa ku daray inuu ka shakisan yahay in "khaa’miin ay arrintaas fududeeyeen".













