Abubakar: Sida aan uga badbaaday weerarkii lagu dilay 16 saaxibaday ah

FG: sawirka waa meydadka dad ku dhintay weerar ay kooxda Boko Xaraam ku qaaday magaalada Konduga ee Nigeria

Nin u dhashay dalka Nigeria ayaa BBC-da u sheegay sida ay ugu suuragashay in uu ka badbaado weerar lagu qaaday goob uu ugaarsanayay oo ay ku dhinteen 16 ka mid ah asxaabtiisii, taasoo argagax ku abuurtay shacabka dalkaasi.

Kooxdan dhalinyarada ah oo u badnaa 20-sano jir ayaa la socday gaari nooca xamuulka qaada ah, waxaana halkaasi ka hortagay ciidamo deegaan oo ilaalo ah.

"Waxay naga codsadeen inaan ka soo degno baabuurka, innagoon wax badan oran, ayuu mid ka mid ah faas garabka kaga dhuftay hoggaamiyahayagii," Abubakar Shehu, oo 20 jir ah, ayaa u sheegay BBC Pidgin.

"Kadibna waxay bilaabeen inay na garaacaan, waxaa ii suurogashay inaan dhawr feer iyo dhawr haraanti tuuro, waxaanan u orday intii aan kari karayey.

"Waxaan ku dhacay bohol, waan kacay, waxaana awooday inaan ku dhuunto guri aan la isticmaalin saacado badan ka hor intaanan soo bixin abbaare 10-kii habeenimo," ayuu yiri.

Intuu dhuumanayey ayuu maqlay qaylada iyo oohinta saaxiibbadiis oo la garaacayey kadibna la gubayay.

"Waxa aan maqlayey dhammaan sawaxanka waxa dhacay, waxaanan u baqay noloshayda. Alle ayaa mahad leh cidna ima arag," ayuu yiri Mr Shehu.

Ka dib waxa uu dib ugu soo laabtay wadadii,waxana u suurta gashay in uu istaajiyo gaari xamuul ah,kadibna uu darawalkii kaxeeyay.

Weerarkii foosha xumaa ee todobaadkii hore lagu qaaday kooxda kasoo jeeda waqooyiga Nigeria ayaa sare u qaaday xiisada ka taagan guud ahaan dalkaasi. Dhawr toddobaad ayay ku socdaalayeen koonfurta iyaga oo ugaarsanayay duurjoogta si ay u iibgeeyaan, waxayna u socdeen guryahooda si ay ugu ciidaan.

Amnesty International iyo kooxaha kale ee u dooda xuquuqda ayaa ugu baaqay maamulka inay xaqiijiyaan in cadaalada la horgeyn doono dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Madaxweyne Bola Tinubu ayaa sidoo kale cambaareeyay dilkaas, isagoo sheegay in dadka Nigeria ay xaq u leeyihiin in ay si xor ah ugu guuraan meel kasta oo dalkaas ka mid ah. Wuxuu amar ku bixiyay in hay'adaha ammaanka ay soo qabtaan gacan ku dhiiglayaasha.

Booliska ayaa sheegay in 14 qof ay u soo qabteen kiiskan iyadoo in badan oo ka mid ah dadka ay si dhow ula socon doonaan sida uu xaalku noqon doono.

Xiriirka u dhexeeya waqooyiga iyo koonfurta Nigeria ayaa ah mid aad u wanaagsan ka dib dagaalo sanado badan socday oo u dhexeeya xoolo dhaqatada woqooyiga iyo beeralayda koonfurta, kuwaas oo isku khilaafay biyo iyo dhul daaqsimeed, waxayna dagaalladaas galaafteen nolosha kumanaan qof.

"Alle waxaan ugu mahad celinayaa in uu naftayda uu bad-baadiyay oo dalka igu soo celiyay, intii ku dhimatayna waan u duceeyaa"ayuu yiri.
Qoraalka sawirka, "Alle waxaan ugu mahad celinayaa in uu naftayda uu bad-baadiyay oo dalka igu soo celiyay, intii ku dhimatayna waan u duceeyaa"ayuu yiri.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Iyadoo ay weheliso amni la'aanta guud ahaan Nigeria, tani waa mid ka mid ah sababaha dadka deggan magaalada Uromi ee gobolka Edo, iyo kuwa kale oo badan, ay u sameeyeen kooxo difaac oo feejigan.

Ugaarsatadan oo ka soo jeeda waqooyiga gobolka Kano ayaa ku hubaysnaa qoryo dhaqameed balse waxay sheegeen in ay tuseen shatiyada hubkan markii ay ka hortageen ciidamada feejigan.

Qoyska dhibanayaasha ee tuulada Toronkawa, oohinta iyo baroorta ayaa sii socota in ka badan toddobaad ka dib dhacdada naxdinta leh.

Adama Cali oo ah hooyada dhashay mid ka mid ah dadka la laayay ayaa aad u murugeysan. "Telefoonkiisa waan wacay laakiin cidi igamay qaban," ayay tiri iyadoo ilmadu dhabannada ka daadanayso.

Horaantii todobaadkan, barasaabka gobolka Edo Monday Okpebholo ayaa booqday dhigiisa Kano si uu isugu dayo in uu qaboojiyo xiisada. Sidoo kale waxa uu tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi, waxa uuna u balan qaaday magdhow.

Tuulada oo ay waaysay dhalinyaro aad u tiro badan, ayaa weli waxaa ka jira baroordiiq qof kastaa uu garanayo dhibanayaasha. Guryaha qoysaskooda waxaa ka buuxa marti ka tacsiyeynaysa dilka dhalinyarada.

Guddoomiyaha ururka ugaarsatada tuulooyinka, Mustapha Usman, ayaa sheegay in aysan jirin wax ay ku farxaan oo aan ahayn in ay arkaan cadaalad.

Mr Shehu wuu ku raacsan yahay.

"Alle waxaan ugu mahad celinayaa in uu naftayda uu bad-baadiyay oo dalka igu soo celiyay, intii ku dhimatayna waan u duceeyaa"ayuu yiri.