Faah-faahinta xarigga Guddoomiye Cabdiraxmaan Suleymaan iyo sida looga falceliyay

Xigashada Sawirka, Facebook
Cabdiraxmaan Suleymaan Jaamac, Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka ayaa xalay loo taxaabay xabsi ku yaalla Muqdisho, ka dib markii sida ay booliska Soomaaliya sheegeen lagu soo eedeeyay "inuu ku kacay falal liddi ku ah amniga Qaranka."
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Boliiska ee degmada Xamarweyne ayaa xalay xiray Cabdiraxmaan Suleymaan Jaamac.
Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo qoraal ka soo saaray xarigga Cabdiraxmaan Suleymaan ayaa sheegay in la horgeyn doono "Maxkammadda Awoodda u leh."
"Waxaa lagu wargalinayaa muwaadiinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan dhiiragalinta Cadawga Khawaarijta ah, qof walba oo ku kaca falal liddi ku ah Ammanka Qaranka waxa uu wajihi doonaa hay'adaha cadaaladda," ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.
Cabdiraxmaan Saleebaan waa siyaasi da' yar oo ka soo jeeda deegaannada mamulka SSC-KHAATUMO.
Waxa uu ka mid ahaa musharrixiintii u tartameysay kuraasta xildhibaanada federaalka ee Puntland.
Weli laamaha ammaanku may aysan faah-faahinin sababta dhabta ah ee loo xiray Cabdiraxmaan Saleebaan marka laga soo tago inay sheegeen inuu ku kacay falal liddi ku ah amniga Qaranka.
Balse waxaa jiray wareysi uu shalay siiyay telefishinka Shabeelle kaas oo ay dadku qaar sheegayaan in taasi ay tahay sababta loo xiray.
Wareysiga ayuu ku dhaliilay wasaaradda gaashaan-dhigga iyo amniga: "Ninkaan Wasiirka Gaashaandhigga ah waxaa uu u qalmaa in maxkamad la soo taago, maanta in uu xilka wareejin la'yahay waa kalsooni uu madaxweynaha ka heysto" ayuu Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka Cabdiraxmaan Saleebaan ku sheegay wareysiga uu siiyay warbaahinta Shabeelle.
"Afgooye iyo Balcad meel ka sokeysa ayey DFS difaac uga jirtaa, saadkii ciidankana waa la xaraashtay, MW Xasan Sheekh waa fashilmay anagoo xisbiyo dhowr ah ayaana Ingiriiska iyo Mareykanka ku dacweynay" ayuu sidoo kale ku yiri wareysigaan uu siiyay telefishinka Shabeelle.
Hase yeeshee xarigga Cabdiraxmaan ayaa waxaa ka falceliyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo madaxweyneyaashii hore.
Sida looga falceliyay xarigga Cabdiraxmaan

Xigashada Sawirka, Facebook
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Farmaajo
Mas'uuliyiinta ka falceliyay waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si adag u cambaareeyay xarigga Cabdiraxmaan. Waxa uuna ku tilmaamay mid sharci darro oo ay laamaha ammaanka dowladda Federaalka u geysteen Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka, Mudane Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac.
"Xarigga sharci darrada ah ee laamaha ammaanka Federaalka Soomaaliya ay u geysteen Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac waxa uu muujinayaa nooca doorashada ee uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hannaanka siyaasadeed ee uu qaatay," ayuu yiri Madaxweyne hore Farmaajo bayaan uu soo saaray maanta.
Sheekh Shariif
Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweyne hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isna si xooggan u cambaareeyay tallaabada ee ay ciidamada ammaanka ay ku xireen Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac.
"Falkaani oo u dhigma afduub siyaasadeed, wuxuu xisbiga Himilo Qaran u arkaa mid gebi ahaanba baalmarsan shuruucda iyo dastuurka dalka, wuxuuna sidoo kale xarigaani waji gabax ku yahay Xukuumadda Federaalka ah maadama ay madaxda dowladu caado ka dhigteen caburin joogta ah oo taabanaysa ururada siyaasadda iyo saxaafadda xorta ah," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Xisbi Siyaasadeedka Himilo Qaran.
Xisbiga Wadajir
Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo siyaasi Cabdiraxamaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale xarigga Guddomiye Cabdiraxmaan ku cambaareeyay qoraal uu soo dhigay barta Facebook ee xisbiga Wadajir.
"Xisbiga Wadajir wuxuu canbaaraynayaa xarigga Guddoomiyaha Xisbiga Shacabka Soomaaliyeed Md. Cabdiraxmaan Sulaymaan Jaamac. Xarriga Cabdiraxmaan wuxuu xad-gudub ku yahay xuquuqda iyo xorriyaadka aasaasiga ah ee muwaadinka iyo mabaadi' da xoriyatul qawlka."
Xarigga guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka ayaa kusoo aadeya iyadoo hadda dalka ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhexeyso madaxda sare ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, taas oo ka dhalatay sida loo wajahayo hanaanka doorashooyinka 2026-ka. Xarigga Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale ku soo aadaya iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu dhawaan ku dhawaaqay inuu gogol dhigayo.













