Sida 6 sano ka dib lagu ogaaday laba wiil oo isbitaalka ku kala baddelmay markii ay dhasheen

Xigashada Sawirka, Courtesy
December 24, 2018 waxay ahayd mid ka mid ah maalmihii ugu farxadda badnaa nolosha Ruth Yovani Ceza iyo Maria Elita Chalcón Altamirano.
Maalintaas, labadoodu waxay laba carruur ah ku dhaleen issbitaalka guud ee Peru.
Waxay ahayd hadiyaddii ugu fiicnayd ee markaas heelaan, laakiin farxaddu waxay isu beddeshay naxdin iyo murugo markii sannado ka dib baaris DNA lagu ogaaday in carruurtoodii ku kala beddelmeen cisbitaalka.
25-kii Maarso, maxkamad ayaa xukuntay in carruurta aan qaan-gaarin, oo hadda gaaray da'da 6, in lagu celiyo hooyooyinkoodii dhalay.
"Wiilkeygu ma uusan dooneyn inuu baxo, canugga kalena wuxuu rabaa inuu ku laabto hooyadii," Maria Elita ayaa u sheegtay BBC.
'Ilmahaygu wuu ooyay.'
Ruut ayaa iyana taas xaqiijisay oo waxay tiri, Waxaan ku iri, Waa inaad raacdaa hooyadaa runta ah, laakiin weligay kaa tegi maayo.
Hooyooyinka ayaan ku faraxsanayn in aysan helin taageero nafsi ah iyo mid dhaqaale, waxayna dalbanayaan in isbitaalka uu qaato mas'uuliyadda qaladka noloshoodii wax ka beddelay, waxayna sheegeen inay saameyn aan laga soo kaban karin ku yeelaneyso carruurta.
Iyadoo la hadashay BBC Mundo, agaasimaha isbitaalka Diana Bolivar ayaa ku tilmaantay waxa dhacay "mid aad looga xumaado" waxayna sheegtay in markii ay shilalka dhacayeen isbitaalku uu sameeyayay "qaliimo badan sidoo kalana markaas " i"ma aysan lahayn nidaam aqoonsi oo sax ah."
Waxa uu sheegay in isbitaalka uu diyaar u yahay in labada qoys uu si gaar ah u caawiyo, isla markaana uu aqbali doono magdhowga ay u xukumeen maxkamadaha.
Sidee ayaa lagu ogaaday?

Xigashada Sawirka, Courtesy
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Labada haweenba waxay ka tageen Cisbitaalka Guud iyagoo aaminsan in carruurta ay xambaarsan yihiin ay iyagu dhaleen.
Sida laga soo xigtay Maria Aletta, waxay muujisay shaki ku saabsan aqoonsiga ilmaha la siiyay, laakiin shaqaalaha isbitaalka ayaa xaqiijiyay inuu yahay wiilkeeda.
Waxay qaadatay cunuga waxayna ku laabatay gurigeeda oo ku yaal kaynta Peruvian.
Halkaa, waxa ay ka bilaawday in ay ku koriso ilmihii ugu horeeyay iyadoo ku tiirsan dhaqaale yar oo ay hesho beeraaha.
"Marka uu ilmuhu sii weynaadaba, ninkeyga qoyskiisu waxay mararka qaarkood is weydiiyaan sababta uusan iyaga ugu ekeen ilmuhu, laakiin waxaan ku qancinay inuu yahay wiilkeenna," ayay tiri.
Dhanka Magaalada Jane, Ruth Yovani iayadana waxay ku qanacsan tahay inuu yahay ilmaheeda.
Laakiin wax walba way is beddeleen ka dib markii ay Ruth Yovani go'aansatay inay dacwad ka gudbiso nimankii qabay oo ay ku eedeeyso inuusan bixin masruufka carruurta ka dib markii ay kala tageen.
Ruth waxa ay xasuusataa in ay dalbatay in la baaro aabbanimada ninkan.
Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in cunugga uusan ahayn aabihii.
Waxay ahayd wax aan la rumaysan karin. Ruth ayaa mar kale tijaabisay, taas oo keentay isla natiijadii.
Dhanka kale, Maria Aletta iyo ninkeeda Jorge Luis Vázquez wiilka ku koriyeen meelaha miyiga ah ee Chirinos, iyagoo aan ka warqabin waxaas oo dhan.
Laakiin arrimuhu waxay bilaabeen inay is beddelaan bishii Abriil 2023, markii ay heleen warqad ka timid xafiiska xeer ilaalinta, oo loogu yeerayo inay canuga iyo iyaga iska ka qaadaan DNA-ga.
Xafiiska xeer ilaalinta ayaa bilaabay baaritaan lagu ogaanayo wixii ka dhacay isbitaalka maalintii carruurta ay dhasheen.
"Aniga iyo ninkayga waarumaysan kari waynay in wiilkayaga yari aanu ahayn wiilkii aanu dhalnay."
"Markii ay sameeyeen baaritaanka, waxaan codsaday inay xaqiijiyaan inanaga leenahay muunadda nagala qaaday. Xitaa maan rabin inaan ogaado natiijada.
Ugu dambeyntii, 28-kii Maarso, carruurtan ayaa lagu kala wareejiyay hooyooyinkoodii dhabta. Waxaana la sheegayaa in tan markaas ay adkaatay nolosha caruurtii iyo waalidiintiiba.










