Maxay tahay sababta dowladda Soomaaliya ay u mamnuucday adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha laheyn?

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo soo saartay war qoraal ah ayaa ka mamnuucday isticmaalka Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn aagga Garoonka Aadan Cabdulle iyo goobaha ku hareeraysan oo gaaraya ilaa sideed kiiloomitir dhinac walba marka laga reebo kuwa ogalaanshaha ka haysta Hay’adda Duulista.

Arrintaan ayaa hay’addu sheegtay in ay waafaqsantahay shuruucda caalamiga ah iyo tan Soomaaliya ee garoomada.

Sababta tallaabadaan loo qaaday ayaa lagu micneeyay in ujeedadu tahay “ilaalinta amniga iyo bad-qabka dhaq-dhaqaaqa diyaaradaha isticmaala Garoonka Aadan Cabdulle,”.

Sidoo kale duuliyaal kala duwan ayaa wararku sheegayaan in ay ka soo ashtakoodeen dhowr mar oo dhabbaha diyaaradaha iyo meelo ka ag- dhow ay ku arkeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee drones-ka loo yaqaanno, xilli ay dejinayeen diyaarado.

“Waxaa laga mamnuucay sideed kiiloomitir oo ku hareeraysan garoonka Muqdisho oo dhana badda iyo birrigaba ah , sababta loo mamnuucay-na waxay tahay bad-qabka diyaaradaha,” ayuu yiri Maareeyaha guud ee hay’dda Axmed Macallin Macallin Xasan.

Maareeye Axmed Macallin ayaa intaas ku daray in meshiinka ama diyaaradda droneska ah ee aan cidi waddin qaybaheeda kala duwan ay lumin karto kontoroolka taasoo khatar ay ka dhalan karto.

Axmed Macallin Xasan, maareeyaha hay'adda duullimaadyada rayidka Soomaaliya

Xigashada Sawirka, GOOBJOOG TV

Qoraalka sawirka, Axmed Macallin Xasan, maareeyaha hay'adda duullimaadyada rayidka Soomaaliya

Axmed Macallin oo BBC-da u warramay ayaa muujiyay in adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha laheyn uu ku soo badanayo waayahaan dambe magaalada Muqdisho iyo guudahaan Soomaaliya.

“Adduunka waa caadi dayuuradaha aan cidi waddin looma ogolaado in ay tagaan agagaarka garoomada, marka si la’ mid ah adduunka Soomaaliya-na kuma badneyn diyaaradaha aan cidi waddin marka maadama hadda ay soo badanayaan waxaa la gaaray xilligii la mamnuuci lahaa,”

Inkastoo wareegtadaan lagu mamnuucayo isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay soo baxda, haddana maamulku wuxuu sheegay in haddii lagu qabanayo arrin muhiim ah oo aan looga maarmi karin ay tahay in lala soo xiriira maamulka garoonka, iyadoo qofkaas la hordhigayo shuruudo la doonayo inuu ka soo baxo.

“Waxaa jira shuruudo ay hay’addo dejisay oo qofkii soo codsada la hordhigayo, qofkii loo arko daruuri mishiinkiisuna aanu fara-galineyn bad-qabka dayuuradaha aag yar ayaa loo xadidayaa, waana loo oggolaanayaa,” sida uu BBC-da u sheegay Maareeyaha guud ee hay’dda duulista rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macallin Macallin Xasan,

Shuruudahaas waxaa ka mid ah, inuu soo sheego qofku, goobaha uu sida gaarka ah u rabo inuu wax ka duubo ama uu isticmaalo, heerka uu ku duulayo, masaafada uu rabo inuu duulo, mishiinka uu isticmaalayo, culeyskiisa, waxa uu qaadi karo iyo qoddobo kale.

Adeegsiga drones-ka agagaarka dhismayaasha qaarkood waxay noqon kartaa sharci-darro sababo dhowr ah awgood:

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Arrimaha Asturnaanta: Drones leh kamarado ayaa carqaladeyn kara asturnaanta dadka iyadoo sawirro ama muuqaallo aan ogolaansho lo haysan lagu qaadi karo, gaar ahaan agagaarka dhismayaasha la deganyahay ama meelaha xasaasiga ah.

Khataraha Amniga: Drones waxay khatar ku noqon kartaa dhismayaasha qaarkood sida xarumaha dowliga, garoomada diyaaradaha, ama kaabayaasha muhiimka ah. Waxaa loo isticmaali karaa kormeer, ka ganacsi xadgudub, ama xitaa in lagu geeyo waxyaabo qarxa.

Khataraha Badbaadada: Duulimaadyada drone-ka agagaarka dhismayaasha waxay noqon karaan khatar, gaar ahaan meelaha magaalooyinka mashquulka ah halkaas oo ay ka dhalan karto isku dhaca iyo burbur hantiyeed. Haddii drone-ku ku guuldareysto ama la xakamey waayoo oo ay dhacdo, waxay keeni kartaa dhaawac dadka ama burburka dhismayaal.

Shuruucda Hawada: Dalal badan waxay leeyihiin shuruuc xakameynaysa isticmaalka drones-ka hawada qaarkood, oo ay ku jiraan mamnuucyo duulimaadka agagaarka dhismayaasha, garoomada diyaaradaha, iyo meelaha kale ee xasaasiga ah. Jabinta shuruucdan waxay keeni kartaa ganaaxyo ama cawaaqib kale oo sharci.

Dhibaatada Hawlaha: Drones-ka agagaarka dhismayaasha qaarkood, sida garoomada diyaaradaha ama isbitaallada, waxay carqaladeyn karaan hawlaha. Tusaale ahaan, drones-ka agagaarka garoomada diyaaradaha waxay khatar gelin kartaa diyaaradaha, taasoo keeni karta hakad ku yimaada duulimaadyada.

Guud ahaan, sharci-darrada duulimaadyada drone-ka agagaarka dhismayaasha qaarkood waxay ujeedadoodu tahay in la ilaaliyo asturnaanta, la hubiyo amniga, laga hortago shilalka, iyo in la sii wado habsami u socodka shaqada iyo kaabayaasha muhiimka ah ee goobaha dadweynaha.