‘Isku day ama dhimo’ - sida Maxamed oo beeralley ahaa uu ugu bareeray mid ka mid ah badaha ugu halista badan adduunka

Muhaajiriin

Beeralleyga u dhashay dalka Senegal Maxamed Oualy weligii bad ma gelin, balse wuxuu qorsheynayaa inuu galo safar halis ah - kaasoo Badweynta Atlantic u rogay qabuuro.

“Ragga doonta ayaa ii yeeray - waxay ii sheegaan inaan is diyaariyo. Waxaan ku weydiisanayaa inaad ii soo duceyso - waqtiga waa la joogaa,” ayuu yiri.

BBC Africa Eye ayaa daaha ka rogtay dunida qarsoon ee muhaajiriinta rajeynaya inay gaaraan Yurub iyagoo maraya marin halis ah oo u dhaxeeya Galbeedka Afrika iyo Jasiiradaha Canary ee Spain.

Mr Oualy ayaana doonaya inuu ka mid noqdo muhaajiriinta gaaraya archipelago - oo tirada dadka tagaya ay aad u kordheen.

Dowlad-goboleedka halkaas ayaa ka digeysa in waxa ku sugaya xeebaha dhaxaga leh ee archipelago ay yihiin wax aad uga tan badan - balse taasi waxba kama beddeleyso go'aanka Mr Oualy.

Isagoo raacay dooni buux-dhaaftay, oo ka sameysan alwaax, Mr Oualy ayaa ku wajihi kara maalmo, xitaa toddobaadyo mid ka mid ah badaha aan waxba cafin ee adduunka.

Laga soo bilaabo Senegal, qiyaastii masaafo u dhaxaysa 1,000km (600 meyl) iyo 2,000km ayay u jirtaa badweynta furan - iyadoo ay ku xiran tahay halka aad ka tagto, waa qiyaastii 10 jeer masaafo ka fog marinnada kale ee muhaajiriinta ka gudbaya Mediterranean-ka.

Iyagoo la dagaallamaya duufaannada badweynta iyo mowjadaha, muhaajiriinta ayaa aalaaba waxaa ka dhammaada biyaha iyagoo sidoo kalena la daalaa-dhaca xanuun iyo qandho saa'id ah.

Habeenka, oo biyuhu mugdi yihiin, dadka ayaa waxaa soo food-saara xanuun, walwalka ayaa ka tan badiya waxaana ku dhaca fuuq-bax.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Gobolka bari ee dalka Senegals ee Tambacounda, oo ka fog xeebta, carruurta Mr Oualy iyo qoyska intiisa kale ayaa waxay ku tiirsan yihiin lacagta yar ee laga helo tacabka beeraha.

Ninkan 40-jirka ah ayaan arag qoyskiisa ku dhowaad sanad, kadib markii uu u guuray mid ka mid ah meelaha ugu badan ee laga safro oo xeebta ku taalla.

Halkaas ayuu uga shaqeynayay darawal mootada ah, wuxuuna lacago ka deynsanayay saaxiibbadiis, si uu u uruurio $1,000-ka doollar (£765) ee laga doonayo si uu u raaco doomaha tegaya Jasiiradaha Canary.

Isagoo ka baqaya in la khiyaamo, ayaa wuxuu mukhalasiinta kula heshiiyay in lacagta oo dhammeystiran uu bixin doono marka ay doonto gaarto jasiiradaha.

“Cidna ma oga waxa igu dhici doona marka aan badda ku jiro. Waxaa lagaa yaabaa in mowjadaha badda ay i dilaan,” ayuu u sheegay BBC mar uu ku sugnaa xeebta.

“Doonta ayaa quusi karta, iyadoo dileysa qof walba. Haddii aad ku dhacdo biyaha, maxaad qabsan doontaa? Suurtogalnimada keliya waa geerida, balse waa inaad qaadataa khatarta.”

Dhowr doonyood ayaa la waayay oo ay ku dhinteen boqollaal qof oo saarnaa. Iyagoo aan lahayn hannaan badqab, ayay qaarkood socon jireen ilaa Atlaantikada, iyagoo ku caariyay xeebaha Brazil.

Haddii Mr Oualy uu ku badbaado safarka, wuxuu rajeynayaa inuu shaqeeyo uuna biilo qoyskiisa ballaaran, balse qorshihiisa qarsoodi ayuu ka dhigtay si uusan uga nixin iyaga.

Senegal
Qoraalka sawirka, Maxamed Oualy

Iyadoo Senegal uu dhaqaalaheedu soo hagaahay laga soo bilaabo sanadkii 2010, in ka badan saddex meelood meel dalkaasi dadku waxay weli ku nool yihiin saboolnimo, sida laga soo xigtay Bankiga Adduunka.

“Waxaan sameeyay shaqo walba oo aad ka fekeri karto, balse arrimuhu sooma wanaagsanaan. Haddii aadan lacag heysan, waxba ma tihid. Waxaan ahay rajadooda keliya aniguna ma heysto lacag,” ayuu yiri.

Sida Mr Oualy, inta badan muhaajiriinta mara marinkan waa kuwa kasoo jeeda dalalka saxaraha ka hooseeya ee Afrika kuwaasoo ka qaxaya gaajo iyo dagaallo, ay uga sii dareen isbeddelka cimilada.

Jasiiradaha ayaa noqday halka ugu weyn ee ay maraan muhaajiriinta sharci-darrada ah iyo qaxootiga rajeynaya inay gaaraan Yurub, gaar ahaan kadib markii dalalka sida Talyaaniga iyo Giriigga ay soo rogeen tallaabooyin lagu ugaarsanayo kuwa mara marinnada kale ee looga gudbo Mediterranean-ka kana imaanaya Libya iyo Tunisia.

Ku dhowaad 40,000 oo qof ayaa gaaray 2023, waa tiradii ugu sarreysay muddo 30 sano ah. Ilaa iyo hadda sanadkan, in ka badan 30,800 ayaa gaaray xeebaha, waa in ka badan lalalaab tirada isla xilligan sanadkii hore.

Iyadoo xaaladaha cimilada ee Atlaantikada ay soo wanaagsanaatay, dowladda Jasiiradaha Canary ayaa ka baqeysa “in waxa ugu xun” ay weli soo socdaan.

Wareysi gaar ah oo ay BBC Africa Eye la yeelatay, Fernando Clavijo, madaxweynaha dowladda Jasiiradaha Canary, ayaa wuxuu xaaladda ku tilmaamay mid degdeg ah halkaasoo samatabixiyeyaasha badda, booliiska iyo mutadawiciinta Laanqeyrta Cas ay awooddooda wa ka baxsan qabtaan.

“Cawaaqib-xumada waa in dad badan ay dhiman doonaan, ma awoodi doonno inaan u caawinno muhaajiriinta sida ay mudan yihiin,” ayuu yiri Mr Clavijo.

“Haatan, Yurub ayaa xirtay Badda Mediterranean-ka, taasoo la micno ah marinka Atlaantikada, taasoo aad u khatarsan ahna sun dad dileysa, inay noqotay goobta baxsashada.”

BBC ayaa la hadashay xubno ka tirsan waaxda gargaarka degdegga ah ee Spain, oo codsaday inaan magaciisa la dhaacin iyagoo sharaxay daalka iyo dhibka ay maraan.

Mid ayaa yiri: “Shaqaalaha uma dulqaadan karaan inay arkaan geerida iyo musiibada wax intaa ka badan.”

Gudaha El Hierro, oo ah jasiiradda ugu yar archipelago, tirada muhaajiriinta tegay tan iyo billowgii 2023 ayaa ka badan laba laab bulshada gudaha oo ah ku dhowaad 30,000.

Mr Clavijo ayaa sheegay in dadka gudaha aysan isticmaali karin basaska dadweynaha sababtuna ay tahay in dhammaanba loo adeegsado in muhaajiriinta lagu qaado, kuwaasoo uu ka baqayo inay dab kusii shidaan nacaybka ajaanibta ayna abuurto kacdoon bulshada ah.

“Waa inaan dhammaanteennaa qaadannaa mas'uuliyadda, laga soo bilaabo Midowga Yurub ilaa dowladda Spain, sababtoo ah ugama tegi kartid Jasiiradaha Canary inay wajahaan xasaraddan iyaga keligood.”

Bilihii lasoo dhaafay kororka saa'idka ah ee imaanshaha ayaa dood qaran ka noqotay Spain taasoo ku aaddan sida wax looga qaban karo tahriibka sharci-darrada ah, iyadoo dadka reer Canary ay ku baaqayeen in dowladdu ay gargaar dheeri ah u fidiso dadka imaanaya, gaar ahaanna carruurta aan la wehlin.

Aan ku laabanno Senegal, Mr Oualy ayaa ugu dambeyn waxaa u yeeray mukhalasiinta si uu ugu biiro muhaajiriinta kale oo qarsoodi ahaa. Calafkiisa haatan gacmahooda ayuu ku jiraa.

“Waxaa jira kuwo badan oo naga mid ah, waan buuxinnay guriga. Waxaa jira dad sidoo kale ka yimid Mali iyo Guinea too. Waxay nagu qaadeen doomo yaryar oo qaadaya 10 ilaa 15 qof ilaa aan ku gaarnay doonta weyn, kadibna waan baxnay,” ayuu yiri.

Si aad ugu badbaaddo safarka dheer, Mr Oualy wuxuu keliya soo qaatay dhalooyin yar oo biyo ah iyo xoogaa buskud ah.

Labada maalmood ee ugu horreeya, aad ayuu u xanuunsanayay. Wuu istaagayay inta badan sababo la xiriira xiriira wuxuuna dul seexanayay biyaha badda oo shidaal uu ku qasmay.

Waxaa sidoo kale ka go'ay biyaha wuxuuna cabayay biyaha badda.

Dadka qaar oo doonta saarnaa ayaa bilaabay inay cabaadaan wayna xanuunsadeen. Shaqaalaha ayaa kuwa kale u sheegay inay qabtaan, si aysan u dhicin amaba aysan qof kale u ridin.

Sida laga soo xigtay xogta hay'adda QM u qaabilsan socdaalka ee IOM, marinta Atlaantikada ayaa degdeg u noqonaya kan ugu dhimashada badan dunida ee muhaajiriintu ku safraan.

Qiyaastii 807 qof ayaa ku dhintay amaba lagu waayay ilaa hadda oo aan ku jirno 2024 - waana koror ah 76% marka loo barbardhigo isla muddadan sanadkii hore.

Balse tirada dhimashada ayaa u muuqata mid aad u badan, sababtoo ah dhacdooyinka dhimasgada ee marinkan ayaan qaarkood la diwaan-gelin.

“45-tii daqiiqada, tahriibe ayaa dhinta oo isku dayaya inuu xeebaheenna soo gaaro. Tan waxay la micno tahay maafiyada dadka tahriibiya ayaa aad usoo xoogeysanaya,” ayuu yiri Mr Clavijo, isagoo soo xiganaya xogta laga helay kooxda xuquuqda dadka u doodda ee Spain ee magacoodu yahay Walking Borders.

Spain

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xafiiska QM ee Daroogada iyo Dembiga ayaa ku qiyaasaya in dembiilayaasha ay sanadkii marinkan ka sameeyan ilaa $150m.

“Maafiyada qabanqaabiya safarrada ayaa ogaaday in tan ay tahay sida safrinta daroogada, iyadoo jaaniska ah in la qabtana uu yar yahay," Xiddigle Antonio Fuentes, oo ka mid ah koox wax ka qabata mukhalasiinta, ayaa sidaas u sheegay BBC.

"Iyaga ahaan, tahriibe wuxuu u yahay badeeco oo kale. Waxay dadka u qaadaan sida ay u qaadi lahaayeen daroogo iyo hub. Si fudud waa dhibbaneyaal."

Si si wanaagsan loogu fahmo dalladahan dembiilayaasha, BBC ayaa la hadashay mid ka mid ah mukhalasiinta Senegal ee qabanqaabiya doomaha safarka - kaasoo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

“Haddii aad soo qaadato door weyn, mid qaadi karta 200 ilaa 300 oo qof, mid walbana uu dhiibo ilaa $500, waxaan ka hadleynaa lacag badan,” ayuu yiri.

Marka lagula dooday mas'uliyaddiisa dembiga mukhallas ahaan, ka saaran safar ay ku dhinteen dad badan oo bulshadiisa ah, mukhalaska oo aan wax shallaay ah muujineyn ayaa BBC u sheegay: “Waa dembi, cid walboo lagu qabto waa in xabsi la dhigaa, balse xal ma jiro.

“Waxaad arkeysaa dadka oo biyaha ku jira iyagoo dhintay, balse doomuhu way soconayaan.”

Ilaa shan maalmiid, BBC wax war ah kama helin Mr Oualy. Kadib, xilli fiid ah, ayuu soo wacay.

“Matoorku wuu kululaanayay duufaantuna way soo xoogeysaneysay, qaar ka mid ah kalluumeysatada ayaa soo jeediyay inaan u jiheysanno Morocco. Balse kabtanka ayaa diiday. Wuxuu sheegay in haddii aan tartiib u soconno, aan Spain gaari doonno 6am.”

Mr Oualy keliya wax ka yar maalin ayuu u jiray inuu gaaro Jasiiradaha Canary markii matoorka doonta ay cillad soo food saartay - qaar badan oo muhaajiriinta ka mid ahna, oo ka baqayay dabeysha xooggan markii ay galeen Badweynta Atlaantikada, ayaa la dagaalay kabtanka.

“Qof walba wuxuu bilaabay inuu murmo oo qofka kale caayo. Kabtanka ayaa soo dhex galay wuxuuna doonta kusoo celiyay Senegal.”

Mr Oualy ayaa safarka ka badbaaday, balse waxaa safarka ka soo gaaray dhaawacyo iyo xaalado caafimaad oo halis ah.

Wuxuu dareemaa xanuun joogto ah tartiib ayuuna u socdaa.

Kadib sanad oo uu qorsheynayay safarka, Mr Oualy ayaa halkiisii hore ku soo noqday - wuxuuna haatan dib ugu laabtay qoyskiisa wuxuuna lacago u keydinayaa safar kale.

“Waxaan rajeynayaa inaan dib u laabto oo aan mar kale isku dayo. Haa, daacadda Ilaah, taas ayaan rumeysnahay. Taas ayaa ii fiican. Haddii aan dhinto, waa wax Alle ii dooray.”

Haddii Mr Oualy uu gaaro Yurub, waa sida inuusan sanado arki doonin qoyskiisa. Haddii uu badda ku dhinto, way weyn doonaan weligood.