Ma run baa in Hargeysa laga joojiyey Bandhig faneedyada

Gudoomiyaha gobolka Maroodi-jeex

Xigashada Sawirka, baraha bulshada

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa ka noqday go'aan uu isla maanta soo saaray oo uu ku sheegay inuu gebi ahaanba joojiyey bandhig faneedyada iyo cawaysyada xilliyada habeenkii lagu qabto Magaalada Hargeysa.

Axmed Maxamed Cadaad, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ayaa BBC-da u xaqiijiyey in ay ka noqdeen go'aanka ay soo saareen ee ahaa in aan Hargeysa lagu qaban karin Bandhig faneed.

Go'aankan oo hadal hayn badan ka dhaliyey bulshada dhexdeeda ayaa waxa uu soo baxay saaka subaxii hore.

Maxaa beddelay go'aanka Guddoomiyaha?

Warqad shalay ka so baxay xafiiska Axmed Maxamed Cadaad, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ayaa lagu mamnuucay bandhig faneedyada Hargeysa lagu qabto.

Warqadaas ayaa lagu farayay hoteelada Hargeysa in la joojiyo bandhig faneedyada lagu qabto halkaasi.

"Waxa la farayaa labada taliye qaybeed in laga bilaabo maanta oo ay bishu tahay 19/10/2025, dhammaan huteellada Hargeysa laga joojiyo cawaysyada iyo bandhig-faneedyada, maadaama oo ay liddi ku tahay diinteena Islaamka iyo dhaqanka suubban," ayaa lagu yiri amarka kasoo baxay Guddoomiye Cadaad.

Axmed Maxamed Cadaad, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex oo BBC la hadlay ayaa qiray in go'aankaas hore uu isagu soo saaray balse uu imika ka laabtay.

Bayaankii hore ee bandhig faneedyada aan ku joojiyay waa ka noqday ayuu yiri Mr Axmed Cadaad.

Waxaa uu sheegay in go'aankii hore uu ahaa mid uu ku ilaalinayo anshaxa iyo diinta islaamka, balse si kale loo fasirtay.

"Markii hore anigaa soo saaray go'aankaas oo waxaan ku saleynayay anigoo eegaya ka barasaab ahaan in aan ilaaliyo anshaxa iyo asluub wanaagsan iyo dhaqan wanaaga" ayuu yiri barasaabka.

Balse waxaa uu sheegay in qabashada Bandhigga ay ku xireen shuruudo ay ka mid tahay in aan ilaa saqda dhexe lagu gaarin.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ayaa dhanka kale sheegay in laga tashan doono qaabka ay noqonayaan bandhig faneedyada mustaqbalka lagu qaban doono magaalada Hargeysa.

"Bandhig faneedyadan dambe iyagana go'aan ayaa laga soo saari doonaa dowladda ayaa ka tashan doonta sida loo qabanayo, habka loo qabanayo, ogolaanshiyahooda dwoladda ayaa talo qaran ka gaaraysa" ayuu yiri Mr Axmed.

Muranka ku xeeran bandhigga fannaanada Haboon Nuura

Haboon Nuura

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Haboon Nuura
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Fanaanadda lagu magacaabo Haboon Nuura ayaa waxaa bandhig faneedyadeeda muddooyiinkii u dambeeyay hareeyay muran xooggan.

Bandhig ay ku qaban lahayd magaalada Muqdsho ayaa la baajiyay ka dib is-qabqabsi dheer.

Fanaanada ayaa imika ku sugan magaalada Hargeysa halkaasi oo lagu wado in bandhig faneed ay qabto maalmaha soo socda .

Axmed Maxamed Cadaad, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ayaa sheegay in maadaama go'aanka loo qaatay in looga hortagayay fanaanad bandhig faneed ku qaban rabtay Hargeysa uu hadda fanaanadaasi uu u fasax qabsashada bandhigeeda.

"Go'aanka cusub waxaa uu yahay in anigoo eegaya inantaa laga soo celiyay xamar ee loo diiday inay halkaas wax ka sameysato darteed waa koow, iyo iyada oo loo qaatay inaan gobol gaar ah u jeedo ayaa waxaan qaatay go'aan ah inaan inantii u fasaxo inay bandhigeedii qabsato" ayuu intaa ku daray Mr Axmed.

Markii uu soo baxay go'aankii hore ee gudoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ayaa waxaa ka dhashay fal-celino badan oo ay dadka qaarkooda kaga soo hor jeesteen.

Magaalada Hargeysa ayaa hormuud u ah magaalooyinka caanka ku ah fanka, halkaasoo suugaan iyo maanso kala duwan oo heesaha iyo riwaayaduhu ugu badan yihiin ay ka soo baxeen 70kii sano ee u dambeeyey. Sidoo kale waxaa muddooyinkii ugu dambeeyey lagu qabanayey bandhig faneedyo kala duwan.

Waxaa magaalada ku sugan fanaanin badan oo isugu jira kuwa dambe iyo fanaaniintii hore, isla markaana waxaa magaalada jooga abwaanno caan ka ah gayiga Soomaalida.