Maxay tahay hadiyadda Somaliland ka timid ee muranka ka dhalisay Ingiriiska?

Hadal hayn badan ayaa ka dhalatay Barnaamijka BBCdu ay baahiso ee Antiques Roadshow kadib markii lagusoo bandhigay hadayiyad uu Boqor Haile Selassie u usoo diray Sir Harold Kittermaster oo ahaa guddoomiyihii Britain ee xukumayey Somaliland intii u dhaxeeysay 1926-1931.
Hadiyadda ayaa ahayd cambuur dahab ah iyo warqad shaqi ah oo uu Haile Selassie usoo diray Sir Harold Kittermaster
Iyaga oo ka jawaabaya arintan , labada gabdhood oo aan la magacaabin oo uu awoowe u yahay Sir Harold Kittermaster waxay yiraahdeen “dhab ahaantii waa mid aanu ka fekereyno waxa aa aan ka yeeli lahayn farshaxanka” iyo waxa ay ku sameynayaan.
Laakiin qaar ka mid ah dadkii arkay hadiyadan oo uu ku jiro taariikhyahan Professor David Abulafia oo ka tirsan Gonville iyo Caius College, Cambridge, ayaa ku tilmaamay doodda ' mid macno la'aana' marka la eego xaaladda taariikheed.
Itoobiya waligeed ma aysan codsan in hadiyado taariikhi ah loo soo celiyo.
"Xitaa kuwa aaminsan soo celinta alaaboyinkan, tani ma ah mid u qalanta , sababtoo ah waxay ahayd hadiyad furan," ayuu u sheegay Professor Abulafia wargeysk Telegraph ee kasoo baxa UK .
"Waxay tusinaysaa sida ay dadku ugu dhegaan fikrad weyn oo muuqata oo aanayba ka fikirin mabaadi'da aasaasiga ah”.
"Xaaladdan oo kale,waa in aan eegnaa hadiyadda iyo cidda ay u socotao”.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxa uu ku doodday in Itoobiya boqortooyadii la kala diray oo hadda ay ka taliso doiwlad kacaan ah oo aan u qalmin, halka Somaliland tahay dal aan la aqoonsanayn oo aan aqoonsi caalami ah haysan, "ee xaggee loo diri lahaa haddiyadda dhulkee?," ayuu yiri Professor David Abulafia.
Haile Selassie waxa uu ahaa Boqorkii Ethiopia intii u dhaxaysay 1930 ilaa 1974, waxa uuna yaqiin Sir Harold markii uu ahaa gudoomiyaha Nyasaland oo hadda ah dalka Malawi ah.
Iyaga oo kaga falcelinaye dhacdadan dhanka baraha bulshada, dad badan oo daawaday barnaamijka ayaa ku dooday in ay ahayd in la weydiiyo milkiilayaasha.
Mid ka mid ah dadkaasi ayaa yiri: 'Hadiyadda lamasoo dhicin, lamanasoo xadin. Waa doqonimo in dib loo cleiyaa.'
Mid kale ayaa ku dooday: "In alaabtan dib loo celiyo waa ceeb iyo edebdaro. Tani waxay ahayd hadiyad".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Antiques Roadshow waa barnaamij wargelin ah laakiin waxaan ka baqayaa in dadku ay hadda ka shakiyaan inay keenaan wax alaabooyin ah iayag oo ka baqay in dib looga celiyo ." Ayuu yiri qof kale.
Mid kale ayaa ku kaftamay: "Haddii aad hadda tagto Barnaamijka Antiques Roadshow, hadda ma lagugu dari doonaa liiska si alaabooyinkaada si xoog ah dib loogu celiyo?". Mid kale ayaa sidaasi ku dooday.
Afhayeen u hadlay BBC-da oo ah warbahainta barnaamjikan Antiques Roadshow baahisay ayaa yiri: "Markii aynu helno tafaasiisha la xiriirta sheey, khubaradu waxay sahmiyaan su'aalaha baaxadda leh ee caddaynta ah ee la xiriira, oo ay ku jiraan taariikhda Boqortooyada Ingiriiska, taas oo markaa ku saabsanayd doorka Britain ee Afrika horraantii qarnigii 20aad.'
Sannadkii hore, barnaamijka waxaa looga digay inuu tixgeliyo 'khatarta ku imaan karta sumcadda' marka laga hadlayo arrinta la xiriirta taariikhda gumeysiga.
BBC-da waxay sheegtay in barnaamijka caanka ah uu ku socday 'baaritaan dadweyne' oo heer sare ah, sidaas darteed waa in ay taxaddaraan marka laga hadlayo 'meelaha xasaasiga ah' ee faallooyinka dukumeenti loogu talagalay, taas oo qayb ka ah geeddi-socodka qandaraaska si loo sameeyo barnamaijyada mustaqbalka.
Boqorkii Haile Selassie ee Itoobiya waxa uu saaxiib dhow la lahaa Sir Harold Kittermaster.













