Wadahadallada Xamaas iyo Israa'iil oo la shaaciyey xilliga ay bilaabanayaan

Taangiyada Israa'iil

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Taangiyada Israa'iil ee ka dagaalamaya gudaha Marinka Qasa

Masuul sare oo Falastiini ah oo si dhaw ula socda wadahallada ayaa weriyaha BBC-da Rushdi Abul Cawf u sheegay in wadaxaajoodyada aan tooska ahayn ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas ay sideed iyo afartanka saac ee soo socda ay ka bilaaban doonaan magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar.

Shalay oo Isniin ahayd waxa magaalada Qaahira ee dalka Masar ku kulmay madaxa CIA-da Maraykanka William Burns, madaxa sirdoonka Israa’iil ee Mosad David Barney iyo madax sirdoonka Masar Cabaas Kaamil, waxana lagu wadaa in maanta oo Talaado ah ay u duulaan magaalada Dooxa.

Masuulka sare ee Falastiiniga ah waxa uu weriyaha BBC-da Rushdi Abul Cawf u caddeeyay qodobada dhinaca Xamaas ka daadagi la’ , waxaana uu yiri "Xamaas waxay doonaysaa in ciidamada Israa’iil si buuxda uga baxaan Marinka Rafax iyo marinka kale ee Filadalfiya", sidoo kale Xamaas waxay ku gacan seyrtay diidmada Israa’iil ee sii deynta illaa 100 maxbuus oo saraakiil sare ku jiraan oo ka tirsan Islaamik Jihaad iyo ururka Fatax oo Xamaas dooneyso in la sii daayo.

Waxa uu caddeeyay in Xamaas ay ka hartay shardigii ahaa in xabad joojin joogta ah laga gaaro dagaalka, kaas oo ahaa mid ay shuruud uga dhigeysay in wadahadalladu bilowdaan, waxaana il wareedkaasi sheegayaa in wadaxaajoodyada aan tooska ahayn ay ahaayeen kuwa adag oo waqti dheer qaatay laakiin ay jirto rajo ah in ay guuleystaan.

‘’Xaalado naxdin leh’’

Dad qaxaya

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Kumannaan qof oo ka baxsanaya duqeynta iyo dagaalka

Dhankiisa Muniir Al-bursh oo ah Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ee Marinka Qasa ayaa ka digay in ay soo fool leedahay xaalad caafimaad oo ‘’naxdin leh’’ waqooyiga Marinka Qasa, gaar ahaan marka la eego shidaalka oo gabaabsi sii ah.

Waxa uu sheegay in shidaal la’aantu ay sababtay in ay joogsadaan adeegyadii sifeynta kilyaha ee Isbitaalka Kamaal Cadwaan, iyo qaybo badan oo kamid ah Isbitaalka Cawda, sidoo kale waxa uu ka digay in si buuxda uu shaqada u joojin doono Isbitaalka kaliya ee bixiya gurmadka degdeg ah ee Qasa, kaas oo ah Isbitaalka Induunisiyaanka, waxa uu hoosta ka xariiqay in qalabka ICU-da ee la galiyo dadka aadka u liita uu shidaal badan cunayo.

Muniir Al-bursh ayaa ku eedeeyay in muddaba Israa’iil in ay is hortaagaysay in shidaal galo waqooyiga Marinka Qasa ‘’taas oo keentay in shaqadoodu istaagto waaxyo iyo adeegyo badan’’ , waxaana uu yiri shidaalka hadda la heli karo ‘’kaliya wuxuu ku filan yahay maalmo kooban’’.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in shidaal la’aantu horseeday in foornooyinka rootigu shaqadoodu istaagto, ‘’tanina waxay khatar ku tahay caafimaadka guud’’, isagoo leh ‘’foornooyinku dhammaantood shaqadoodu way istaagtay waqooyiga, taas oo sababaysa in macluul ka dilaacdo waqooyiga Marinka Qasa,’’ waa sida uu hadalka u dhigaye.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Muniir Al-bursh waxaa kale oo uu sheegay in dhammaan Isbitaalada Qasa shaqadoodu istaagtay sababo la xiriira gulufka milatari ee Israa’iil ku balaarisay bariga iyo galbeedka magaalada, waxaana isbitaalkii ugu dambeeyay ee shaqadiisu joogsatay uu noqday Isbitaalka Mucamadaani, kaas oo ay go’doomiyeen taangiyada ka soo gudbay xaafadaha Tufaax iyo Shujaaciya.

Al-burshi waxa wareysi uu siiyay BBC-da ku sheegay in ku dhawaad 80 bukaan loo wareejiyay isbitaalada ku yaala waqooyiga Marinka. Waxa uu caddeeyay in taangiyada Israa’iil foodda u saaran yihiin isbitaallada Asdiqaa iyo adeegga guud ee bartamaha Qasa taas oo keentay in adeegoodu istaago, isagoo tilmaamay in isbitaalada hadda shaqaynaya ay yihiin kaliya kuwa waqooyiga ku yaala sida kan Induunisiyaanka, Kamaal Cadwaan iyo Al-cawda.

Wasaaradda caafimaadka ee Qasa ayaa Isniintii shalay ahayd sheegtay in tirada dagaalka ku dhimatay tan iyo markii uu bilowday todobadii Oktoobar ee sanadkii hore ay gaarayso 38,193 qof, iyadoo tirada dhaawucana kor u dhaaftay 87,903 qof, waxaa kaloo bayaanka wasaaradda lagu sheegay in afar iyo labaatan kii saac ee la soo dhaafay ay ku dhintaan Qasa 40 qof.

Israa'iiliyiin mudaaharaadaya

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Israa'iiliyiin dalbanaya in dagaalka la joojiyo

Ciidamada Israa’iil ayaa habeenadii la soo dhaafay balaariyay gulufkooda milatari ee dhinaca dhulka, iyagoo isku fidiyay bariga iyo galbeedka degmada Qasa, waxaana rasaas iyo duqeyn aan loo aabo yeelin ku socotay xaafadaha Daraj iyo Tufaax oo daris la ah xaafadda Shujaaciya halkaas oo muddo toban maalmood ahba ay ku jireen ciidamada Israa’iil.

Mid kamid ah dadka gudaha ku barakacay ee Falastiiniyiinta ah ayaa BBC-da u sheegay ‘’waxaa socda barakac baahsan oo ay dadku ka qaxayaan bariga xaafadda Tufaax, waxayna in badan oo ka mid ah u qaxayaan galbeedka degmada Qasa, tobannaan kun oo kale ayaa iyana u jiheystay dhinaca galbeedka iyadoo rasaas culus ay dhacayso’’.

Waxa uu intaa ku daray ‘’in diyaaradaha Israa’iil oo joog hoose ku duulaya inay rasaas dhinacooda u soo ridayaan, ayadoo duqeynta madaafiicda ah ay si xoog leh u socoto, meel ay uga ganbadaanna aanay jirin’’.