Gabadh la sheegay in dhimatay oo dib laga ogaaday in ay nooshahay

Haweeney loo maleynayay in ay dhimatay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Haweeney ku nool Nebraska oo markii hore la shaaciyey in ay ku dhimatay guri dadka waayeelka ah lagu xanaaneeyo ayaa markii dambe la ogaaday in ay nooshahay xilli ay ku sugnayd goobta la geeyo dadka dhintay, sida ay masuuliyiinta gobolkaasi xaqiijiyeen.

Wicitaan degdeg ah oo ay Isniintii sameeyeen mid ka mid ah shaqalaha goobtaas dadka dhintay la geeyo ee ku taal Waverly, oo u dhow Lincoln, ayaa ogaaday in haweeneydaan 74-jirka ah ee goobta la keenay ay wali nuuxnuuxsaneyso oo nafi ay ku jirto.

Constance Glantz ayaa hore loo baahiyey dhimashadeeda, balse hadda waxa la geeyey cisbitaal ku yaal xaafadda hawshu ka dhacday.

Booliiska ayaa baadhaya shilkan, balse waxa ay sheegeen in aysan helin cadeymo muujinaya in gurigan dadka lagu xanaaneeyaa ay wax dembi ah ku leeyihiin kiiskan.

"Tani waa kiis aan caadi ahayn," ayuu yidhi ku xigeenka madaxa Booliska Ben Houchin oo ka socda Xafiiska denbi baadhista ee degmada Lancaster mar uu shir jaraa'id qabtay.

"Waxaan samaynaynay hawlaha baadhista muddo 31 sano ah, horeyna umaana arkin wax sidan oo kale ah ama kiis la mid kan"

Xaaladda haweeneyda hadda lama oga. Mr Houchin ayaa xaqiijiyay in qoyskeeda la ogeysiiyay xaaladda layaabka leh.

Mr Houchin ma uusan magacaabin guryaha magaca saxda ah ee guriga dadka lagu xannaaneeyo ee dhacdadu ka soo bilaabatay markii hore, balse BBC-da ayaa la xidhiidhay goob dadka lagu xannaaneeyo oo warbaahinta guduhu dheegeen in ay ahyd goobta shilkani ka dhacay. Balse wax faallo ah kamaannaan helin.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

BBC-da waxay sidoo kale la xidhiidhay goobta dadka dhinta la geeyo oo lagu magacaabo Buttherus Funeral Home - kuwaas oo bayaan ay warbaahinta u direen ku sheegay qoraal u dhignaa: "Waxaan ku faraxsanahay in agaasimeyaasheenna iyo shaqaalaheenna ay si habboon oo taxadar leh u maareeyeen dhacdadii dhowaan dhacday."

Ms Glantz ma noqonayso qofkii u horreeyey ee dhimasho loo diwaan geliyo, balse dib laga ogaado in ay weli nooshahay.

Bishii Juun ee sannadkii hore, Bella Montoya oo 76 jir ah oo ku nool Ecuador ayaa lagu dhawaaqay inay dhimatay ka dib markii looga shakiyay inuu istaroog ku dhacay, xilligaas oo la qaaday goobta dadka meydka ah la geeyo ka hor inta aan la geyn qabrigii saxda ahaaa, si loo hubiyo xaalkeeda, inta aan la aasin ka hore.

Shan saacadood ka dib kolkii la sheegay dhimashadeeda, waxaa la ogaaday inay nooshahay ka dib markii la furay sanduuq naxash ee ay ku jirtay, si ay u beddesho dharkeeda.

Si kastaba ha ahaatee, way dhimatay maalmo ka dib.

Sannadkii 2018-kii, haweeney u dhalatay dalka Koonfur Afrika oo markii hore la sheegay inay geeriyootay kaddib shil baabuur ayaa iyadana sida oo kale kolkii la geeyey goobta la dhigo tallaagadaha meydka.

Dr Stephen Hughes, oo ah bare sare oo dhanka caafimaadka ah oo wax ka dhiga kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda Anglia Ruskin ee Chelmsford, ayaa sheegay in kiisaskan oo kale ay naadir yihiin, balse “dhimashadu waa geeddi-socod”.

"Mararka qaar qof ayaa laga yaabaa inuu u ekaado sidii wax dhintay , laakiin aanu dhiman," Dr Hughes ayaa u sheegay BBC ka dib dhacdadii Ecuador. "Baadhitaan taxaddar leh ayaa lagama maarmaan ah."

Dr Hughes waxa uu intaa ku daray in dhakhaatiirtu ay inta badan raadiyaan dhawaaqa ama dhaqdhaqaaqa wadnaha ama habka neefsiga qofka, ugu yaraan mudo hal daqiiqo ah, ka hor inta ay ku dhawaaqay I qofkani dhintay, taas oo mararka qaar ay wax is dabamari karaan.