Magaca 'Maxamed' oo noqday kan ugu caansan ee loo bixiyo carruurta Britain

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sannadkii 2023, magaca Maxamed ayaa noqday kan ugu caansan ee ay doorbidaan dadka ku nool England iyo Wales inay carruurtooda u bixiyaan. In ka badan 4,600 oo ilmood ayaa loo diiwaan galiyey magacan.
Sida laga soo xigtay xafiiska istaatiistikada qaranka ee UK (ONS), Maxamed ayaa noqday magaca ugu sarreeya 10ka magac ee wiilasha loo bixiyo tan iyo 2016, wuxuuna ka sare maray magaca aadka loogu bixin jiray carruurta ee Noah.
Laakinse waxaa jira meelo magaca Maxamed uusan halka sare kaga jirin magacyada caanka ah.
Waxaa kaloo jira kala duwanaansho ah sida loogu dhawaaqo Maxamed dhanka af-Ingiriiska ee England iyo Wales. Laba nooc oo dhawaaqyada magacaas ah ayaa ku jira boqolka magac ee liiska ugu sarreeya.
Xafiiska ONS wuxuu dhawaaq kasta u arkaa inuu yahay magac gooni ah, ayadoo noocyada kala duwan ee magaca Maxamed ay caan ahaayeen sannadihii la soo dhaafay.
Waxaa xusid mudan in England iyo Wales Magaca MAxamed loo qoro (Muhammad, Mohammad, iyo Mohammed).

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haddaba magacaas waa kan ugu caansan ee wiilasha loo bixiyo, halka gabdhahana uu aad caan u yahay magaca Olivia. Magacyada ku xiga magacaas gabdhaha ugu caansan waxaa ku xiga Amelia iyo Isla, waana magacyada 1aad, 2aad iyo 3aad ee gabdhaha loo bixiyo, kuwaasoo aan isbeddelin tan iyo 2022.
Magacyada jiitinta loo dhaxaysiiyo ee gabdhaha ayaa aad caan u noqday sannadkii hore, waxayna gaareen ilaa 19,240, ayagoo ka soo kacay 12,330 sannad ka hor.
Boqolka magac ee gabdhaha waxaa ka mid ah Leila, Raya iyo Hazel, halka Jax,Enzo iyo Bodhi ay ku jiraan 100ka magac ee wiilasha loo bixiyo.
Magacyada fanaaniinta sida Miley, Rihanna, Kendrick iyo Elton ayaa iyagana caan noqday 2023, ayadoo waalidiin badan ay doorbideen inay carruurtooda u bixiyaan.
Xafiiska ONS wuxuu sheegay in taasi ay sabab u tahay albumyada la sii daayo, bandhig faneedyada aadka u maga dheer ee ay qabtaan Miley Cyrus, Kendrick Lamar,Elton John iyo Rihanna.
Sidaasoo ay tahay, dadka qaar waxay carruurtooda u bixiyaan maalmaha todobaadka, kuwa ugu caansanna waxaa ka mid ah Sunday iyo Wednesday,kuwaasoo aad sare ugu kacay sannadkii hore.

Xigashada Sawirka, X
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xafiiska ONS wuxuu sheegay in mid ka mid ah sababaha uu aadka ugu batay magaca Wednesday laga yaabo in ay tahay musalsal laga daawaday Netflix oo la sii daayey dabayaaqadii 2022.
Magacyada carruur ta loo bixiyo ee England iyo Wales iminka ma aha kuwo ku eg maalmaha todobaadka,laakinse si isa sii taraysa ayaa iyagana waxaa loo adeegsadaamagacyada xilliyada, ayadoo Autumn uu ku jiro halka 96aad, Summer-na uu ku jiro kaalinta 86aad ee liiska iminka jira ee ah magacyada la jecel yahay.
Laakinse waxaa xusid mudan in ay waalidiintu muujin inay danaynayaan inay u bixiyaan ilmahooda magacyada xubnaha boqortoyada 2023.
George, Archie, Harry iyo Charlotte ayaa noqday kuwo aad aad loo isticmaalin sannadihii u dambeeyey. Waxaa kaloo magacyadaas ka mid ah Elizabeth iyo Charles.
Soomaalida ayaa iyagu muddo dheer aad u istcimaalayey magaca Maxamed oo ah magaca nabi Maxamed NNKH. Sidoo kale waxay aad ula baxaan, magacyada todobaadka sida Jimcaale, Jimco, Axado, iyo Isniino. Magacyada kale ee ay la baxaan waxaa ka mid ah kuwa xilliyada sida Jiilaal iyo xagaa.













