Cilmi baaris: Shimbiro Soomaaliya ay caan ku tahay oo laga cabsi qabo in Afrika ay dabar go'aan

Mid ka mid ah shimbiraha laga baqayo in qaarada afrka ay ka dhamadan

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah shimbiraha laga baqayo in qaarada afrka ay ka dhamadan

Cilmi baaris cusub oo dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in shimbiro badan oo Soomaaliya iyo Afrika ay caan ku tahay ay wajahayaan hoos u dhac weyn, iyadoo 90% noocyadan ay halis ku jiraan.

Shimbiraha laga cabsi qabo in ay ka dabar go’aan qaarada Afrika waxa ka mid ah gorgorka iyo galayrka, sida daraasada lagu sheegay.

Hoos u dhaca ku yimid shibirahan ayaa loo sababeeyay in qaarada ay ku yaraatay helida cunto iyo deegaan ku haboon oo shimbirahaan ay ku noolan karaan iyo habka taranka oo isbedalay.

Cilmi baarista oo ay sameeysay Jaamacadda St Andrews iyo Sanduuqa Peregrine, ayaa lagu sheegay in jiritaanka Shimbiraha ee qaarada ay tahay khatarta sii kordheysa.

Sida laga soo xigtay cilmi-baarayaasha waxa khatar kale oo weyn ah ugaarsi shibmirahaan lagu hayo.

Darasaddaan oo lagu daabacay joornaalka, Nature Ecology ayaa lagu sheegay in guud ahaan aduunka oo dhan ay tahay khatar jirta, balse qaarada Afrika ay gaartay heerka ugu sarreeya .

Dr Phil Shaw, oo ka mid ah khabiirada daraasaddan sameeyay ee jaamacadda St Andrews, ayaa sheegay in la waayo noocyo badan oo ka mid ah shimbiraha taas oo keeni karto cawaaqib aan loo baahnayn oo bini'aadamka ah.

Mid ka mid ah shimbiraha laga baqayo in qaarada afrka ay ka dhamadan

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah shimbiraha laga baqayo in qaarada afrka ay ka dhamadan

Waxaa uu sheegay in 2015-kii daraasad lagu sameeyay gorgorrada iyo Galayrka Afrika lagu ogaaday in qaar badan ay halis ugu jiraan in aduunka ay ka dhamadan.

Xilgaas ayuu tilmamay in taloyinkii ay soo jeediyeen aan la qaadan taas oo uu sheegay in ay ahaan lahyeed mid waxtar leh hadii la raaci lahaa.

Cilmi-baarayaasha oo soo xiganaya muhiimadda ay leedahay bartilmaameedka Qaramada Midoobay si loo ilaaliyo shimbaraha muhiimka si aduunka aysan uga dabar go'in ayaa ku baaqay in la ilaaliyo deeganka dabiiciga ah.

Kooxda Jaamacadda St Andrews iyo Sanduuqa Peregrine waxay cilmi baaristaan iyo sahanka ay ku sameeyaan ilaa afar dal oo ka mid ah Afrika.

Galbeedka Afrika ayaa loo arkaa in ay tahay halka ugu badan ee dabar go'a ka jira iyada oo celceliska heerka hoos u dhaca uu ka badnaa laba jeer marka loo eego gobollada kale.

Ian Newton oo ah Khabiir shimbiraha iyo duurjoogta ayaa yiri "Sababaha hoos u dhaca ayaa ah kuwa badan, laga soo bilaabo burburinta deegaanka ilaa isticmaalka sii kordhaya ee sunta ee beeralayda iyo ugaarsiga bin,aadmka ee xad dhaafka ah.

Waa shimbir nooce ah Galayrku
Galayr

Xigashada Sawirka, Socia media

Qoraalka sawirka, Galayr

Galayrku waa shimbir ka mida shimbiraha, waxaana lagu tiriyaa inuu yahay Shimbirka ugu cimriga dheer marka loo eego noocyada shimbiraha.

Khabiir shimbirada iyo duurjoogta waxaa ay sheegeen inuu noolaan kara mudo dhan ilaa toddobaatan sano.

Galayrku waxuu leeyahay sifooyin gaar ah oo uu ku tilmaaman yahay, sida noola kasta oo dunida guudkeeda waxaana aad looga istimaal dalalka carabta oo ayga u adeegsada ugaarsiga

Soomaliya ayaa ka mid ah dalalka aad looga helo Galayrk wallow aan loo isticmaalin oo aysan ka faa,iidaysan dadka Soomaaliyeed.

Khatar ay wajahayaan shimiraha Afrika ayaa ah mid weyn waxaana tan qeyb ka qaadanaya isbeddelka cimilada kaas oo la sheegay iney qayb ku leedahay in shimbiraha habki hore ee lagu yaqiinnay iney wax badan iska beddelaan.