Shan qaab oo aad ku noqon kartid qof xasuustiisu xooggan tahay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaynu inteena badan rajaynaa in aynu leenahay xasuus wanaagsan oo inaga caawin karta ogaansha liiska waxyaabaha aynu doonayno suuqa marka aynu tagno in aan ka iibsano dukaanka, ama xasuusashada sababta inagu kaliftay in aan dabaqa kore fuulno markii aan kor tagno ama si fudud aan ugu haysano macluumaadka markii aan wax akhrisano.
Waxaa jira qaabab badan oo xoojinaya xasuusteena oo hagaajin kara in aynu adkayno. Laakiin maxay tahay waxa laga helay cilmi-baaristii u dambeysay ee ku aadan farsamooyinka kor u qaadidada xasuusta ee aynu arki karno mustaqbalka?
1:Gadaalgadaal oo loo socdo
Waxaynu u malaynaa goobta iyo wakhtigu inay yihiin laba sheey oo aan wada socon oo aan wax xiriir ah lahayn, in kasta oo wakhtigu ku dul wareego booska wada sheekaysigeena inaga oo aan ogaanin.
Tusaale ahaan waxaynu dhahnaa walwalkii hore waxaynu ka dhignaa wax aynu soo dhaafnay, waxaana dadka badankiis ay sawirtaan in wixii aynu soo dhaafnay yahay cabbir balaaran oo gadaasheena maray iyo ka soo horjeedkeeda.
Cilmi baarayaal ka socda Jaamacada Roehampton ee Ingiriiska ayaa go'aansaday inay hormariyaan xiriirka maskaxeed ee u dhaxeeya goobta iyo wakhtiga si ay u helaan qaab kor loogu qaadi karo awooddeena dib u xasuusashada dhacdooyinka.
Waxay tuseen is xil qaamayaal liiska ereyo qayb kamid ah sawiro iyo muuqaalo haweeney boorsadeeda la xaday, waxayna ay weydiisteen inay horay ama gadaal u socdaan 10 mitir oo hareeraha guriga.
Cilmi baarayaasha ayaa ogaaday kuwa gadaal-gadaal u socday ay macluumaad badan dib u xasuusteen marka loo eego kuwii lamidka ahaa ee horay-horay u socday, gadaal u socodka ayaa maskaxda ku dhiiri galiyay inay wakhti gadaal u laabato si ay u gaarto xasuusta si fudud.
Cilmi-baarayaasha ayaa helay natiijo lamid ah tan dadka sawirtay inay gadaal-gadaal u socdaan iyaga oo aan dhaqaaq sameyn. Natiijooyinkan ayaa ah kuwa joogta ah marka loo barbar dhigo darsaad kale oo la sameeyay 2006.
Waxaa kale oo cilmi-baarayaashu ogaadeen marka dooligu u socdaan siriqda, neerafaha lagu magacaabo ''unugyada goobta uu ka shaqeysiinayo goobta kasta oo ay kasoo gudbeen. Waxa ay kusoo gabagabeeyeen dib u xasuusashada dhacdooyinka ee gadaal loo soo celiyo ay ka caawiso dooliga inuu si sax ah u xasuusto waddadii saxda ahayd.
Hal daraasad ayaa heshay marka bini'aadamku isku dayaan inay dib u xasuustaan dhacda hore ay dib u habeeyaan macluumaadkooda ku jira maskaxda si gadaal-gadaal ah. Tusaale ahaan, marka aynu wax aragno , waxa ugu horeeya ee aan aqoonsanayno waa sawirada iyo midabada, kadib ayaan isku daynaa in aan garano shayga dabiici ahaantiisa. Waxaa dhaca ka soo horjeedka marka aynu isku dayno in aan faahfaahinta gadaal dib ugu xasuusano. Shayga laftirkiisa ayaan marka hore xasuusanaa, ka dibna, haddii aynu nasiib leenahay, faahfaahinta.

Xigashada Sawirka, Getty Images
2: Sawiritaanka
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ka waran sawiridda liiska dukaamaysigaada adiga oo aan qorin? Sannadkii 2018, cilmi-baarayaashu waxa ay weydiiyeen koox dhalinyaro iyo waayeel isugu jira inay xifdiyaan liis ereyo ah, ka dibna waxa ay u qaybiyeen laba kooxood. Waxa ay ka codsadeen hal koox inay erey kasta ku xiriiriyaan sawir gaar ah. Kooxda kalana ay u qoraan kalmad kasta sidii ay u barteen.
Saameynta sawir qaadista ee xasuusta ayaa ahayd mid waayeelka kooxda koowaad ay ku awoodeen inay dib u soo celiyaan ereyada si hufan sida kuwa dhalinyarada. Sawiritaanka waxaa uu kaloo caawiyay bukaannada dhimirka in ay wax xasuustaan.
Arrintan waxaa u sabab ah marka aynu wax sawirno in nafsadeena ku qasabno in si taxadar leh u tixgalino faahfaahinta, waxaana fikiridaasi qotada dheer ay inaga caawinaysaa in aan wax xasuusano. Waana sababta marka aynu qorayno liiska waxa aynu iibsanayo ay kuu caawiso in aad sheeyo kale oo badan aad u doonayso in aad iibsato, xataa haddii aad liiska ku soo ilowday guriga.
Waxaa intaasi dheer in sawiritaanka uu kaga wanaagsan yahay qoraalka marka la eego dib u helitaanka macluumaadka. Tayada sawiritaanku ma saameyso natiijada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
3: Jimicsiga jirka wakhtiga ugu haboon
Sida la ogyahay jimicsiyada u wanaagsan wadnaha iyo dhiiga sida orodka uu ka qayb qaato xoojinta xasuusta, iyada oo jimicsiyada kale ee caadiga ah ay saameyn xaddidan ku leedahay xasuusta, jimicsiyada gaagaban ee culus waxaa ay gacan ka gaysan karaan hagaajinta xajinta xasuusta muddada gaaban.
Hal daraasad ayaa lagu soo koobay jimicsiga wakhtiga saxda ah uu kaa caawiyo xoojinta macluumaadka iyo xasuusta muddada dheer.
Waxaa ay ogaadeen cilmi-baarayaashu in dadka jimicsiga sameeya 35 daqiiqo afar saacadood ka dib markii ay xifdiyaan liis sawiro ah oo la xiriira goobo gaar ah ay kaga awood bada yihiin inay dib u xasuustaan dhigooda jimicsada durba markii ay wax xifdeen.
Cilmi-baarayaashu waxa ay mustaqbalka rajaynayaan inay aqoonsadaan wakhtiga ugu wanaagsan ee jimicsiga si loo caawiyo xoojinta xasuusta.

Xigashada Sawirka, Getty Images
4: Nasashada
Cilmi-baarayaasha ayaa weydiiyay dadka ilowshaha badan inay xifdiyaan liiska 15 erey, ka dibna waxa ay weydiisteen inay qabtaan howl kale. Markii la tijaabiyay 10 daqiiqo ka dib, waxaa ay ka xasuusteen oo kali ah 14% liiska. Markii ay fariisteen qol mugdi ah oo aysan waxba sameyn ilaa 15 daqiiqo, waxa ay xasuusteen 45 boqolkiiba ereyada.
Michaela Dewar oo ka tirsan jaamacada HeriotWatt ee Edinburgh ayaa isla habkan u isticmaashay dhowr daraasadood, iyada oo ogaatay in nasashada gaaban ay wanaajiso xasuusta oo dadka caafimaadka qaba ay macluumaadka dib u sheegi karaan, xataa asbuuc ka dib markii ay xifdiyeen.
Waxaa si loo hubiyo maadooyinka in ereyada mar kale ku soo celiyaan ayaa inta qolka mugdiga ku jireen 10 daqiiqo muddo ah ay Dewar ku weydiisay iyaga inay xifdiyaan ku dhawaaqida ereyada luuqad ajnabi ah oo adag taasi oo ahayd mid adag in lagu soo celiyo.
5: Hurdo indho-guduudsi
Haddii gadaal-gadaal loo socdo, sawiritaanka, jimicsiga ama xataa nasashada ay u muuqato howl-adag ka waran hurdada indho-guduudsiga?
Waxaa culimada sayniska ay rumaysan yihiin in hurdadu, haddii ay tahay tan maalintii ama habeenkii ay caawiso xasuusta aynuna dib u xasuusanayso macluumaadkii aynu baranay.
Cilmi-baarayaal u dhashay Jarmalka ayaa ka codsaday mutadawicii inay xifdiyaan laba erey, waxayna ogaadeen in tirada ereyada ay xasuusteen 90 daqiiqo hurdo yar ka dib ay ka badan tahay markii ay filimaan daawadeen.
Waxaase cilmi baaris kale ay muujisay in habkani uu ka waxtar badan badan yahay dadka hurdadada indha guduudsiga badan.
Arrintan ayaa ku kaliftay Elizabeth McDevitt iyo kooxdeeda jaamacada Riverside inay isku dayaan inay dadka u tababaraan inay ku raaxaystaan hurdo maalmeedka.
Waxa ay xustay in hurdo la'aantu aanay ka qayb qaadanayn xoojinta xusuusta dadka aan joogteyn. Waxaana laga yaabaa inay u baahdaan tababar wakhti dheer ah, ama dib u socod, sawiritaan, orod, ama nasasho ka caawin karta inay dib usoo celiyaan macluumaadka.













