Itoobiya oo ka hadashay weeraro ay jabahada Fano ku qaadeen saldhigyada militariga

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciidamada Itoobiya ayaa ku eedeeyay Jeneraalka ugu sarreeya Tigreega inuu la shaqeeyo kooxaha hubaysan ee ku sugan gobolka ay dariska yihiin ee Axmaarada ka dib markii ay kooxuhu bilaabeen weeraro abaabulan oo ka dhan ah militariga.
War qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada qalabka sida ayaa lagu sheegay in Sarreeye Guuto Migbe Xayle oo kamid ah taliyayaasha ugu caansan ciidamada Tigreega uu gacan ka gaystay abaabulka gulufyada maleeshiyaadka Fano ee gobolka Axmaarada.
Waa markii ugu horeysay ee ciidamada amaanku ay magacaabaan masuul sare oo ka tirsan qowmiyadda Tigreega taas oo la xiriirta ku lug lahaanshaha colaadda Axmaarada.
Arrintan ayaa waxay muujin kartaa inay sii xoogaysanayso xiisada ka taagan Tigrayga.
Janaraalka oo wareysi siiyay mid ka mid ah warbaahinta qurba-joogta ah, ayaa ku gacan seyray eedeymaha loo soo jeediyay isaga iyo ciidanka uu ka amar qaataba in aysan wax xiriir ah la lahayn Eritrea.
Dhawaan Itoobiya waxay ku eedaysay koox ka tirsan xisbiga siyaasadeed ee Tigray inay gacan-saar la leeyihiin Eritrea. Si kastaba ha ahaatee, horraantii todobaadkan Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa meesha ka saaray dagaal uu la galo dowladdiisa oo mar xulafo la ahayd Eritrea.
Maleeshiyada Fano ayaa sheegtay in guulo la taaban karo ay ka gaareen ciidanka duulaanka ay ku qaadeen. Iyadoo ciidamada difaaca ay sheegeen, iska horimaadyo ka dhacay ugu yaraan lix aag gobolka Amxaarada, lagu dilay in ka badan 300 oo maleeshiyaad ah .
Ma jiro warar madaxbanaan oo xaqiijinaya sheegashada xukuumadda Itoobiya.
Xiisadda Itoobiya iyo Eritrea

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa muddooyiinkii u dambeeyay soo ifbaxay xiisad u dhaxeysa Itoobiya iyo Eritrea taasi oo keentay cabsi laga qabo in mar kale labada dal uu dagaal ka dhex qarxo.
Todobaadkii hore wasiirka arimaha dibada Ethiopia Gedion Timotowos ayaa u sheegay diblumaasiyiin ku sugan Addis Ababa in dowladiisa ay aaminsan tahay in mid ka mid ah kooxaha Tigray-ga uu xiriir la leeyahay Eritrea isagoo aan si gaar ah u cadeyn.
Eritrea ayaa dhankeeda beenisay inay wax lug ah ku leedahay khilaafka ka dhex aloosan kooxaha kala duwan ee hogaamiyayaasha waqooyiga Itoobiya ee Tigray.
Diblomaasiyiin kooban oo ku sugan magaalada Asmara ayuu 19 bishan, wasiirka arrimaha dibadda ee Eritrea Cismaan Saalax u sheegay in dalkiisu "si cad u diidayo" eedaymo kasta oo sheegaysa in Eritrea ay door ku leedahay xiisadaha ka taagan waqooyiga Itoobiya.
Mr. Saalax waxa uu Addis Ababa ku eedeeyay "in ay marin habaabisay oo hammigii ay kal ahayd marin badeed iyo saldhig ciidan" isaga oo tixraacaya hadallo isdaba joog ah oo ka soo baxay mas'uuliyiinta Itoobiya oo ahaa in gelitaanka badda ay tahay "arrin muhiim ah" maadaama uu waddanka uu yahay waddanka ugu dadka badan Afrika ee aan bad lahayn.
Gobolka Tigray waxaa uu xudunta dagaal sokeeye oo xooganaa oo lagu qiyaasay in ay ku naf waayeen nus milyan qof.
Heshiis nabadeed ayaa dabayaaqadii 2022 ay kala saxiixdeen dagaalyahanada Tigreega iyo dowladda Itoobiya ka dib waxaa la sameeyay maamul ku meel gaar ah oo maamula gobolka ilaa doorasho laga qabanayo.
Dhawaan madaxda sare ee maamulka ku meel gaarka ah waxay isku dhaceen koox mucaarad ah oo ka tirsan xisbiga Tigray People's Liberation Front (TPLF), oo ah xisbiga ugu weyn gobolka.
Kooxda fallaagada ah oo ay weheliyaan rag hubaysan- ayaa gacanta ku dhigay xafiiska duqa magaalada Makella ee toddobaadkii hore.
Is jiid jiidka ayaa sababay cabsi laga qabo in heshiiska nabada la xagal-daaciyo. Waxaa sidoo kale jira walaac laga qabo in isku dhacyo cusub uu ka dhex qarxo Itoobiya iyo Eritereeya .










