Qalalaasihii Tigray: Maxay ku saaxiibeen Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki

Eritrea's leader, Isaias Afwerki, and Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed

Xigashada Sawirka, Getty Images

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo mar ahaa qof aan laga jecleyn Itoobiya ayaa xulafo dhow la noqday Ra`iisul Wasaaraha Itoobiya ee qaatay Biladda Nabadda ee Nobel Peace Prize, Abiy Axmed, isagoo ciidamadiisa u fidiyay taageeradii ay u baahnaayeen si ay ula dagaallamayaan kooxda (TPLF) ee gobolka Tigray, arrintan oo calaamad u noqotay isbeddelka siyaasadeed.

Khudbad uu goor dhow u jeediyay baarlamaanka Itoobiya, ayuu Abiy sheegay in Eritrea, oo ah dal milatari oo uu hal xisbi xukumo, ayaa quudinayay, oo siinayay dharka isla markaana hubeynayay ciidamada Itoobiya markii ugu horreysay ee ay soo weerareen TPLF ayna la wareegeen saldhigyadooda ku yaalla Tigray, oo ah gobol Itoobiya ku yaalla oo xad la leh Eritrea.

Mr Abiy ayaa sheegay in arrintaas ay suurto gal ka dhigtay inay laabtaan oo ay la dagaallamaan TPLF, oo ahaa dhaqdhaqaaq heystay 250,000 oo ciidamo ah, ilaa laga qaaday talada gobolka 28-kii November.

"Dadka Eritrea waxay inoo muujiyeen... inay yihiin qaraabo maalin adag na garab istaagtay," ayuu intaas ku daray.

Addis Sissay, 49, walks in front of his destroyed house in the village of Bisober, in Ethiopia's Tigray region on December 9, 2020

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dagaalkii ka dhacay Tigray wuxuu saameeyay nolosha dad badan

Tani waa garowsho uu muujiyay Mr Abiy, inkastoo uusan ku talax tegin oo uusan qiran sheegashada ah in Mr Isaias, uu sidoo kale soo diray ciidamo gacan ka geystay xil ka tuurista TPLF, oo muddo dheer cadow u ahayd hoggaamiyaha Eritrea oo xilka hayay tan iyo sanadkii 1993.

Isbitaalka oo la sheegay in la duqeeyay

Arrinta ah in ciidamada Eritrea ay ka dagaallamayaan Tigray waxaa markii hore sheegay TPLF, rayid ka qaxaya dagaalka, iyo dadka Eritrea ee ku sugan gudaha iyo dibadda dalkaas.

"Isaias wuxuu dhaliyaro reer Eritrea ah u dirayaa inay ku dhintaan Tigray. Dagaalku wuxuu sii wiiqayaa dhaqaalaha. Balse Isaias wuxuu xilka heyn doonaa muddo dheer. Wuxuu dadka ku qasbaa inay u dagaallamaan badbaadooda si aysan ugu dagaallamin xorriyaddooda," ayuu yiri Paulos Tesfagiorgis, oo u ololeeya xuquuqda aadanaha Eritrea, kaas oo maamulka Asmara uu ku qasbay inuu dibad joog noqdo.

Afhayeen u hadlay waaxda arrimaha gudaha Mareykanka ayaa sheegay inay jiraan warar la rumeysan karo oo sheegaya in ciidamada Eritrea ay ku sugnaayeen Tigray.

Labada dowladood ayaa arrintaas beeniyay, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda Eritrea, Osman Saleh Mohammed, uu arrintaas ku tilmaamay mid dacaayad ah.

Map
2px presentational grey line

Madaxa Qaramada Midoobay António Gueterres, ayaa sheegay in Mr Abiy uu u xaqiijiyay inaysan jirin ciidamo Eritrea ka socda oo ku sugnaa Tigray, marka laga reebo dhul ay Itoobiya oggolaatay inay ku wareejiso Eritrea kaddib heshiis nabadeed oo taariikhi ah oo ay labada dal yeesheen sanadkii 2018.

Heshiiska ayaa soo afjaray xaaladdii "nabad la`aanta iyo dagaal la`aanta ahayd" ee ka dhex jirtay labada dal tan iyo dagaalkii xadka ee sanadihii 1998-2000, kaas oo ay ku dhinteen 100,000 oo qof. Wuxuu heshiiskaas Mr Abiy ku muteystay abaalmarinta Nobel Peace Prize, inkastoo dhulkaas aan lagu wareejin Eritrea xiliggii uu dagaalku ka bilowday Tigray horraantii November.

Dowladda Mr Abiy ayaa gelitaanka Tigray u diidday warbaahinta, hay`adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa xuquuqda aadanaha, taas oo adkeysay in la xaqiijiyo wararka ama la baaro eedeymaha tacaddiyada halkaas ka dhacay ee ay ku lug lahaayeen dhammaan dhinacyadii dagaallamayay - waxaa eedeymahaas ku jira in la isbitaal laga soo duqeeyay gudaha Eritrea.

Eritrea wax war ah kama aysan soo saarin sheegashada duqeynta, ee lagu xusay warbixinta madaxa arrimaha xuquuqda aadanaha ee QM. Mr Abiy ayaa beeniyay in ciidamadiisa ay hal qof oo rayid ah ku dileen Tigray.

"Dagaalkan wuxuu ka dhacay meel mugdi ah. Cidna ma oga xaddiga dhabta ah ee dagaalka iyo saameyntiisa," ayuu yiri Rashiid Cabdi oo falanqeeya arrimaha Geeska Afrika oo saldhiggiisu yahay Kenya.

Ciidamada Eritrea oo xatooyo lagu eedeeyay

Falanqeeye ku sugan Mareykanka oo lagu magacaabo Alex de Waal ayaa sheegay in ilo Qaramada Midoobay ah ay ku wargeliyeen in dagaalku uu "barakac baaxad leh" u horseeday dadka Tigray oo ah kuwa ugu saboolsan Itoobiya iyadoo ay gobolkaas ku nool yihiin ilaa 5 milyan oo qof.

"Haddii ay sidaan ku sii socoto, macluul ba`an ayaa ka dhici doonta Tigray, iyo bulshada oo careysan," ayuu yiri Mr de Waal.

Wuxuu intaas ku daray inuu sidoo kale ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Tigray, oo ay ku jiraan culimo ka maqlat in ciidamada Eritrea ay ku lug lahaayeen xatooyo.

"Waxaan maqalnay inay xitaa xadayeen albaabbada [iyo] fadhiyada musqulaha," ayuu yiri.

2px presentational grey line

Warar dheeraad ah oo la xiriira qalalaasihii Tigray:

2px presentational grey line

Dad kale oo Eritrea ka soo jeeda ayaa sheegay in ciidamo ay la socdaan qaraabadooda ay dhowr aag dagaal kula dagaallamayeen TPLF, isla markaana ay qaarkood xitaa xirnaayeen dharka ciidamada Itoobiya.

Eritrea ayaa ku adkeysaneysa inaysan ciidamo ka joogin Tigray, iyadoo wasiirkeeda arrimaha dibadda laga soo xigtay: "Kuma lug lahayn."

Balse diblomaasi hore oo Eritrea u dhashay isla markaana dibadjoog ah laguna magacaabo Abdella Adem ayaa sheegay inuu shakhsi ahaan yaqaanno ciidamo ku dhaawacmay dagaalka, iyadoo ilo laga soo xigtay isbitaalka dadweynaha ee ku yaalla magaalada Senafe ee koofurta Eritrea ku taalla ay BBC-da u sheegeen in ciidamada Eritrea iyo kuwa Itoobiya labadooduba lagu daweynayay halkaas.

'Isaias oo doonaya baabi`inta TPLF'

Ilo kale oo ku sugan Eritrea ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay isku urursanayeen magaalada bartamaha ku taalla ee Hagaz, ayna dhaawacyadooda u qaadayeen Isbitaalka Milatariga ee Gilas.

Aqoonyahan Eritrea u dhashay oo ku sugan UK laguna magacaabo Gaim Kibreab ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Mr Isaias uu ciidamo u diray Tigray si uu ugu guuleysto "baabi`inta" TPLF, oo uu sheegay inay ahayd hadafka ugu weyn ee hoggaamiyaha Eritrea tan iyo dagaalkii xadka ee sanadihii 1998-2000.

Kooxda TPLF ayaa xilligaas heysay xukunka dowladad federaalka Itoobiya iyo maamulka gobolka Tigray.

Military tank graveyard, Central region, Asmara, Eritrea on August 22, 2019 in Asmara, Eritrea.

Xigashada Sawirka, Art in All of Us/Getty Images

Qoraalka sawirka, Qubuuro taangiyada milatariga lagu aasay ayaa laga sameeyay Eritrea kaddib dagaalkii xornimo doonka ee sanadihii 1961-1991

"Dagaalkii 1998-2000, TPLF ayaa ceebeysay madaxweynaha [Mr Isaias] iyagoo la wareegay tuulada yar ee Badme. Xitaa markii maxkamad caalami ah ay xukuntay in tuulada ay ka tirsan tahay Eritrea, the TPLF way diideen inay ka baxaan muddo 18 sano ah.

"Madaxweynaha ayaa sugayay xilligan halka ay TPLF dhayalsatay samirkiisa," ayuu yiri Mr Gaim.

Gantaallo lagu riday Eritrea

Taageerayaasha Mr Isaias ayaa ku adkeysanaya in ciidamada Eritrean aysan u gudbin Tigray, isagoo sheegay inay keliya doonayeen dib u hanashada dhulkaas iyagoo la wareegay Badme, iyo deegaannada ku xeeran, iyagoo aan wax dhib ah geysan.

Mr Paulos oo feker kaas ka duwan qaba ayaa yiri: "Badme way ku soo laabatay gacanta Eritrea, balse lama ogeysiin shacabka sababtoo ah ma ahayn danta ugu weyn ee Isaias. Weli wuxuu hiigsanayaa burburinta TPLF.

"Abiy wuxuu ku bilaabay nabad doonnimo iyo isbeddel doon, balse wuxuu ku dhacay dabinka ka aargoosashada TPLF, oo ah waxa uu Isaias doonayay."

Women waving and smiling

Xigashada Sawirka, Art in All of Us/Getty Images

Qoraalka sawirka, Dabaaldegyo ayaa ka dhacay xadka Itoobiya iyo Eritrea markii dib loo furay 2018

Mr Abiy ayaa sheegay inuu isku dayay in khilaafaadka kala dhaxeeya TPLF lagu xalliyo si nabad ah, balse lagu qasbay inuu la dagaallamo kaddib markii ay la wareegeen saldhigyada milatariga federaalka ee gobolka xilli habeen ah 3-dii November, isagoo sheegay inay doonayeen inay xilka ka tuuraan dowladdiisa.

Inkastoo Mr Isaias uu caawinaad fidiyay xilligaas, haddana warbaahinta dowladda Eritrea wa dagaalka ku saabsan lama socodsiin dhegeystayaashooda, xitaa wararka sheegaya in gantaal ay TPLF soo ridday uu gaaray bannaanka -caasimadda Asmara horraanrtii November, kaas oo sababay qaraxyo ay dhawaqooda maqleen dadka deegaanka.

"Telefishinka Eritrea wuxuu ka hadlaa bambaanooyinka Suuriya markii gantaal lagu soo ganay Asmara, waxba kama aysan dhihin," ayuu yiri Dawit Fisehaye oo ah sarkaal hore oo dowladda Eritrea ka tirsanaa oo haatan dibadjoog ah.

'Qaxooti la afduubtay'

Internet-ka Eritrea waa mid xaddidan dalkaasna kama jirto warbaahin xor ah iyo axsaab mucaarad ah - xaaladda 11 siyaasiyiin ah iyo 17 weriyeyaal ah oo in ka badan 20 sano kahor la xiray ayaan la ogeyn.

Waxaa intaas dheer, in milatariga lagu biiro waa qasab iyadoo fursadaha shaqo ay yar yihii, taas oo sababtay in dad badan - gaar ahaan dhalinyarada - ay ka qaxaan dalka. Ilaa 100,000 oo qof ayaa muddo sanado ah ku noolaa xeryo ay Qaramada Midoobay ku leedahay Tigray.

Asmara

Xigashada Sawirka, AGF

Qoraalka sawirka, Eritrea waxaa ku nool bulsho ka badan 5.5 milyan oo qof

Hay`adda arrimaha qaxootiga QM ayaa sheegtay inay heshay "tiro badan oo warar lagu kalsoonaan karo" oo sheegaya in intii uu dagaalka socday qaxooti la dilay, la afduubtay si qasab ahna loogu celiyay dalka uu halka xisbi ka taliyo.

Inkastoo uusan sheegin cidda ka dambeysa afduubka, mid ka mid ah qaxootiga ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada Eritrea oo ku sugnaa magaalada Adigratay ay ka buuxiyeen gaari xamuul ayna u qaadeen magaalada Adi Quala.

Eritrea kama warbixin sheegashada inay arrintaas ku lug lahayd, balse waxay hore UNHCR ugu eedeysay olole ay ku qoqobeyso bulshada dalkaas.

Mr Dawit wuxuu sheegay inuusan aaminsaneyn in dowladda Eritrea ay weligeed is beddeleyso.

''Wax isbeddel ah kama jiraan Eritrea ilaa hadda sababtoo ah hoggaanku ma doonayo, burburka TPLF-na ma beddeleyso taas. In isbeddel la fisho waa riyo been ah," ayuu intaa sku daray.