Sheekada gabadh lagu khalday guur ay jilliin u haysatay oo dhab ku noqday

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Haweeney ku nool Australia ayaa maxakamadi soo diidday guurkeeda kaddib markii ay ogaatay in xafladdii aroos ee ay ka qayb gashay si ay aanay ugu tali galin ee ujeedku ahaa keliya baraha bulshada uu dhab ahaan ahaa mid sax ah.

Haweeneydan aan waxba ka ogeyn xaqiiqada ayaa sheegtay in saaxiibkeed oo ahaa qof baraha bulshada caanka ah uu ku qanciyay inay ka qayb gasho xafladda aroos, isagoo sheegay inay tahay "kaftan ama prank" loogu talagalay akoonkiisa Instagram.

Waxay se markii dambe ogaatay in guurku uu dhab ahaa markii uu isku dayay inuu u muuqaalkii guurkaas u isticmaalo waddo u uku helo deganaansho rasmi ah oo Australia ah.

Garsoore ku sugan Melbourne ayaa aqbalay burinta guurkaas, kaddib markii uu oggolaaday in haweeneyda lagu khiyaameeyay inay guursato, sida lagu sheegay xukun la shaaciyay Khamiistii.

Kiiskan layaabka leh ayaa billowday Sebtembar 2023 markii haweeneydan ay ku kulantay lninkan barnaamij shukaansi oo internet-ka ah. Waxay bilaabeen inay si joogto ah u kulmaan iyaga oo ku wada nool Melbourne.

Diseembar isla sannadkaas, ninka ayaa guur u soo bandhigay haweeneyda, wayna aqbashay.

Labo maalmood kaddib, haweeneyda ayaa ninka la tagtay munaasabad ka dhacaysay Sydney, iyada oo lagu wargaliyay inay noqon doonto "xaflad dhar-cad la soo xidhan doono", halkaasoo dadkuna ay sidoo kale dharkaas ku imanayaan. Waxaana loo sheegay inay iyana sidaa samayso.

Markii ay timid goobtii, way "naxtdy" oo "cadhootay" markii ay ogaatay inaanay jirin dad kale oo goobta ku sugan marka laga reebo lammaanahii saaxiibkeed ahaa, sawirqaade, saaxiibka sawirqaadaha, iyo qofka xafladda guurka qabanayay, sida ku cad qirashada ay maxkamadda ka hor dhiibatay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Markii aan halkaas imi oo aan cid kale oo dhar cad oo ku sugan arki waayay, ayaan weydiiyay waxa dhacaya. Markaas ayuu ii wiila baxay meel goonni ah wuxuuna ii sheegay inuu abaabulayo guur ku-sheeg kaftan ah oo loogu talagalay baraha bulshada, gaar ahaan Instagram, si uu u kobciyo akoonkiisa oo uu lacag uga sameeyo," ayay tidhi.

Haweeneyda waxay sheegtay inay aqbashay warkiisa maadaama uu ahaa qof caan ka ah baraha bulshada oo haytay in ka badan 17,000 oo taageerayaal ah Instagram. Waxay sidoo kale rumaysnayd in guur sharci ah uu dhici karo oo kaliya haddii lagu qabto maxkamad xafladda guurkaas ama qaaddi og yahay.

Si kastaba, haddana way ka shakiday. Waxay la xidhiidhay saaxiibteed waxayna u sheegtay walaaceeda, laakiin saaxiibteed ayaa ka qososhay oo u sheegtay in aanay wax dhibaato ah ku jirin, maxaa yeelay haddii guurku run yahay, waa inay marka hore soo gudbiyaan ogeysiis guur, taas oo aanay sameynin.

Waxayna ku qanacday, in ay ka qaybgasho xafladdan kaftanka, taas oo kaddib ay iyadii iyi saaxiibkeed isdhaafsadeen ballan guur oo ay is dhunkadeen kamaarada horteeda.

Markaas waxay sheegtay inay ku qanacsanayd inay u jisho kaalin guur "si ay ugu ekaato mid dhab ah."

Labo bilood kaddib, lammaaneheeda ayaa weydiistay inay isaga ku darto codsigeeda deganaanshaha rasmiga ah ee Australia. Labaduba waa ajaanib.

Markii ay u sheegtay inaanay sidaas sameyn karin maxaa yeelay aysan u guursan si sharci ah, ayuu markaas u sheegay in xafladdii Sydney ay ahayd guur dhab ah, sida ay haweeneydu ku caddeysay markhaatigeeda.

Haweeneydii ayaana hal mar ku warheshay shahaadada guurkooda iyo ogeysiis guur oo la gudbiyay bishii ka horreysay safarkooda Sydney - kahor intaysan xitaa isku soo bandhigin – taas oo ay sheegtay inaanay saxiixin.

Sida ku cad dukumentiyada maxkamadda, saxiixa ku jira ogeysiiska ma uusan la mid ahayn saxiixeeda saxda ah.

"Waan cadhysanahay oo ma aan ogeyn in uu ahaa guur dhab ah, iyo in uu been sheegayay bilowgii, iyo inuu doonayay inaan ku daro codsigeyga," ayay sheegtay.

Ninka ayaa markhaatigii maxkamadda ku sheegay inay "labadoodu ku heshiiyeen xaaladahaas" oo haweeneydu ay aqbashay guurka munaasabad "yar" oo ka dhacday Sydney.

Garsooraha ayaa xukumay in haweeneydu ay "ku qaldanayd dabeecadda xafladdii loo qabtay" oo "aanay si dhab ah u siin ogolaanshaha ka qaybgalka guurka."

"Waxay aaminsanayd inay jilaysay. Waxay dhacdada ugu yeedhtay 'kaftan ama Prank'. Waxay si macquul ah ugu dhaqantay sidii aroosad si ay u xaqiijiso in muuqaalku u ekaado mid dhab ah oo sharci ah," ayuu garsooruhu ka yidhi xukunka.

Guurkan ayaa laga soo qaday waxba kama jiraan. Arrintan ayaa se hadal hayn ka abuurtay dalkaas, sida fudud ee baraha bulshada ee casriga ay wax kastaa uga suuroobaan.