Muxuu yahay ololaha 'nin noqo' ee ka bilaabmay Ruushka?

.

Xigashada Sawirka, Wasaaradda Difaaca ee Ruushka

Olole xayaysiis oo ballaaran oo u muuqda in laga bilaabay Ruushka, kaas oo muwaadiniinta loogu baaqayo inay ku biiraan ciidammada.

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo la sheegay in ciidammada qalabka sida ee Ruushka ay hadheeyeen khasaare xooggan isla mar ahaantaan ay ku adkaatay oo la tacaalayaan sidii ay horumar uga samayn lahaayeen dagaalka ay kula jiraan dalka Ukraine, taas oo ka dhigan in xaalku ku adag yahay kaddin in ka badan sannad markii ay duullaan ku qaadeen.

Wasaaradda gaashaandhigga ee magaalada Moscow ayaa soo saartay muuqaal ay uga codsanayso dadka Ruushka ah inay ka tanaasulaan shaqadooda rayidka ah si ay ugu biiraan ciidammada.

Muuqaal la baahiyey ayay ka dhex muuqdeen waardiye dukaan, macalin jidh dhiska ah iyo darawal tagsi - dhamaantood waxay u muuqdaan inay ka niyad jabeen nolosha rayidka ayna haddan ku qanceen tan cusub ka dib markii ay ku biireen ciidanka.

Muuqaalku wuxuu ballanqaadayaa mushaharka bishii oo ah ugu yaraan 204,000 rubles ($ 2,500; £ 2,000), afar jeer celceliska inta soo gasha qofka caadiga ah ee Ruushka.

Dacaayadaha Yukreeniyaanka ayaa si degdeg ah u rogay xayaysiiskaas, iyagoo soo saaray nooc la tafatiray oo ereyada la beddelay. Jilayaasha ku jira muuqaalka ayaa hadda ka soo horjeeda dilka carruurta iyo madax-goynta dadka shacabka ah, iyagoo leh "ma rabno in lagu qabsado mas'uuliyadda [Madaxweyne Vladimir] Putin ee ah dambiyada dagaal".

Halka nooca Ruushku leeyahay "noqo nin", muuqaalka Yukreeniyaanka ah wuxuu ku jawaabayaa "noqo qof" - si kale haddii loo dhigo, ha sameynin xad-gudubyo.

Muuqaalka ka soo baxay Ruushku ayaa ah qayb ka mid ah olole ballaaran oo wakhti badan lagu baahiyey TV-ga dawladda, oo sidoo kale ka soo muuqday saxaafadda kale.

On VKontakte, shabakada bulsheed ee ugu caansan Ruushka, tirada xayaysiisyada ciidanku waxay kor u kaceen todoba jibaar, sida lagu sheegay cilmi-baadhis uu sameeyay mareegaha madax-bannaan ee Novaya Gazeta.

Ololaha warbaahinta waxaa barbar socday xayaysiisyada ciidamada ee iyana ka muuqda waddooyinka Ruushka.

"Suurtagal ma aha in la dhayalsado sida loo baahiyey dadaalka qorista ciidanka," ayuu yidhi mid ka mid ah dadka isticmaala Twitter-ka ee ku sugan caasimadda Ruushka.

"Waxay gabi ahaanba daadsan yihiin Moscow, waxaadna arki kartaa laba daqiiqoga adigoon socon boodh kale."

.

Xigashada Sawirka, SOLOWVIEW LIVE TV

Maxaan ku qornayn xayaysiisyada ee qarsoon?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ololaha qorista ayaa loo badinayaa in ay ka danbeeyeen ciidamada Ruushka oo baahi weyn u qabay askar cusub ka dib markii in ka badan sanad uu dagaal ka socday dalka Ukraine.

Sida laga soo xigtay dukumentiyada sirta ah ee Maraykanka, Pentagon-ka ayaa ku qiyaasay khasaaraha Ruushka inta u dhaxaysa 189,500 iyo 223,000 dhaawac ah, iyadoo 35,500-43,000 oo rag ah lagu dilay hawlgalladaas.

Bishii Sebtembar 2022, Madaxweyne Vladimir Putin wuxuu ku dhawaaqay "abaabulka qayb ka mid ah", kaas oo uu doonayey inuu qoro askar cusub iyada oo aan loo eegin inay rabaan inay ku biiraan ciidanka, taas oo keentay in dadka qaa saluugaan sida uu wax u wado.

Markan, mas'uuliyiinta Moscow waxay u muuqdaan kuwo doonaya inay ka fogaadaan inay si cad ugu dhawaaqaan abaabul.

"Ma jiro wax hadal ah oo Kremlin ah oo ku saabsan mowjad cusub oo abaabul," ayuu yiryidhii afhayeenka Putin Dmitry Peskov 21kii Abril.

Waxa uu ka jawaabayay su’aal ku saabsaneyd wararka sheegaya in ardayda caasimadda Ruushka ay bilaabeen inay helaan warqadaha wicitaanka ee ku aaddan in ay ciidanka ku biiraan.

Siyaabaha kale ee kor loogu qaadayo tirada ciidamada ee ay adeegsatay dawladda Ruushka waxaa ka mid ah u oggolaanshaha shirkaddd milatariga gaarka loo leeyahay ee Wagner in ay askar ka qoroto xabsiyada.

Sidoo kale bishii Abriil 2023, baarlamaanka Ruushku wuxuu fududeeyay qorista xubno cusub oo ciidan ah.

Sida ku cad wareegto uu soo saaray madaxweyne Putin bishii Sebtembar 2022, kuwa isdiiwaangeliyay ma awoodaan inay ka baxaan ciidanka ilaa dagaalka - oo si rasmi ah loogu yaqaan "howlgalka milatari ee gaarka ah" ee Ruushka - uu dhammaanayo.