Wax ka ogow Kooxda Falastiin ee diyaarada la qafaashay ka dejisay Soomaaliya iyo ciidamada gaarka ah ee ka barbar dagaalamaya Xamaas

Xigashada Sawirka, Hamas handout via Reuters
Hoggaamiyaha sare ee Xamaas Muusa Abu Marzouk ayaa wareysi uu dhowaan siiyay BBC-da waxa uu ku sheegay in dhamaan dadkii ku sugnaa Qasa ee la qashaafay aysan iyaga oo kaliya gacanta ugu jirin.
Waxa uu sheegay in qaarkood ay gacanta ku hayaan kooxo kala duwan oo ka qeyb qaatay weerarradii 7-dii October ka dhacay gudaha Israa’iil.
BBC Verify ayaa xaqiijisay in shan koox ay ka qayb qaateen weerarka kuwaas oo ka barbar dagaallamayay Xamaas.
In kasta oo ay ka midaysan yihiin rabitaankooda ku aaddan weerarrada lagu qaadayo Israa’iil, haddana waxay ku kala duwan yihiin sida loo maamulayo dowladda mustaqbalka ee falastiiniyiinta iyo doorka diinta ee gudaha.
Way adagtahay in la sheego tirada saxda ah ee kooxaha hubeysan isla markaana ku sugan Qasa.
Haddaba maxaan ka ognahay kooxahan?

Xigashada Sawirka, Reuters
Guutada militariga Al-Qassam ee Xamaas
Guutada Izz al-Din al-Qassam waa garabka militari ee dhaqdhaqaaqa Xamaas, ee Qasa ka masuulka ah tan iyo 2007-dii.
Waxaana loogu magac daray wadaad loo arkayay in uu calaamad u yahay is difaacidda Falastiin.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kooxdan ayaa dhowr dagaal la gashay Israa’iil, sidoo kale waxa ay Israa’iiliyiinta ku weerartay qaraxyo ismiidaamin ah iyo kumannaan gantaallo ah.
Xamaas waa garab ka mid ah dhaq-dhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiinka Masar, kaasoo bilowday 1920-meeyadii, ujeeddaduna ahayd fidinta dhaqamada islaamiga ah, balse markii dambe noqday kooxo siyaasadeed.
Ujeedooyinka Ikhwaanul Muslimiinka waxaa ka mid ah in la abuuro dowlad ku dhaqanta shareecada Islaamka.
Sanadkii 2017-kii, Xamaas ayaa ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay Ikhwaanul Muslimiin, laakiin weriyaha BBC-da ee afka Carabiga Feras Kilani ayaa sheegay in dad badan oo gobolka ku nool ay rumeysan yihiin in arrintani ay ahayd mid qiimeyn oo kaliya ku saleysan, xiriirkana uu sidiisii hore ahaa.
Waxaa lagu tilmaamay urur argagaxiso oo ay u aqoonsadeen Israa’iil, Mareykanka, Ingiriiska, midowga Yurub iyo kuwa kale, garabka millatari ee Xamaas ee Al-Qassam waa kooxdii hogaaminaysay weeraradii Israa’iil 7-dii Oktoobar.
Waxaa lagu qiyaasaa in inta u dhaxaysa 20,000 iyo 30,000 oo dagaalyahan ay ku sugan yihiin Marinka Qasa.
Iran waxa ay taageertaa Xamaas, iyada oo bixisa dhaqaale, hub iyo tababarro, madaxdeeduna waxa ay dhowr jeer Iran uga mahad celiyeen meel fagaare ah.

Xigashada Sawirka, Reuters
Kooxda Islaamic Jihaad ee Falastiin iyo ciidamadeeda gaara ah Qudus
Guutada Al-Qudus ee kooxda Islaamic Jihaad ee Falastiin ayaa lagu tiriyaa inay yihiin ciidamada labaad ee ugu weyn Qasa.
Kooxdan waxaa la’aas aasay 1980-meeyadii iyadoo ah garab millateri oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Islaamic Jihaad, kaas oo mar kale, sida qaar badan oo ka mid ah kooxahaas, ay dowladaha reer galbeedku ku tilmaamaan urur argagaxiso.
Magacan Qudus, waxa uu caan noqday kadib markii ay kooxdani ku lug yeelatay dagaal culus oo ay ciidammada Israa’iil kula galeen xerada qaxootiga Jenin ee daanta galbeed sannadkii 2002-dii.
Kooxdan ayaa la sheegay in ay haystaan ilaa 2,000 oo dagaalyahan, waxaana xiriirka ay Iran la leeyihiin uu ka xoog badan yahay kan Xamaas, sida uu markale sheegay wariyaha BBC-da.
Iyadoo labada kooxoodba ay rabaan dal iyo dowlad Falastiin oo madax bannaan oo dhaqanka Islaamka uu door muhiim ah ku leeyahay, aragtida Islaamic Jihaadka ah mid adag oo ay ku doonayaan dowlad si buuxda ugu dhisan xukunka islaamka.
Wareysi uu dhawaan siiyay Aljazeera laanta Carabiga, mid ka mid ah hogaamiyayaasheeda ayaa qirtay in 7-dii October ay Israa’iil ka qafaasheen 30 qof, balse waxa ay ku andacoodeen in ay hadda soo celiyeen maadaama ay ahaayeen haween iyo carruur.
Hogaamiyaha kooxdan ayaa diiday inuu xaqiijiyo tirada la haystayaasha ah ee wali gacanta ay ku hayaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kooxda Xoreynta Falastiin iyo guutada Abu Cali Mustafa
Mar ayaa loo yaqaannay ciidamada kacaanka dadweynaha ee iska caabinta, kooxda Abu Cali Mustafa waa garabka milatari oo ku dhisan aragtida koox shuuci ah.
Waxay caan ku ahayd afduubka diyaaradaha iyo weerarrada kale ee caanka ah ee caalamka, gaar ahaan sannadihii 1960-kii iyo 1970-kii. Waxay ku lug lahaayeen diyaaradii laga lahaa Jarmalka ee kooxda Falastiiniyiinta afduubtay ay ka dejiyeen garoonka Aadan Cadde bishii Oktoobar 1977kii.
Rag ka tirsan kooxdan ayaa magaalada Frankfurt kasoo afduubteen diyaaradani, iyaga oo markii dambe kusoo dajiyey garoonka caalamiga ah ee Muqdisho, halkaasi oo markii dambe ay rakaabkii soo furteen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Jarmalka oo gacan ka helayay dowladdii militariga ee xiligaasi Soomaaliya ka talineysay.
Kahor sarakicidda Xamaas, waxay ahayd kooxda labaad ee ugu weyn Falastiin kadib kooxda Fatax ee uu hoggaamin jiray Yaasir Carafaat.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ay gacanta ku hayaan dad ay qafaasheen, balse BBC-du uma suurtagelin in ay si madax bannaan u xaqiijiso arrintan.
Guutada Al-Naasir Saalax Al-Diin
Asal ahaan waxaa la aasaasay 2000, wararka qaar ayaa sheegaya in ay horay u galeen dagaal ay ka barbar dagaallamayeen Xamaas, xilligaas oo la rumeysanyahay in uu dhacay, afduubkii loo geystay askari Israa’iili ah oo lagu magacaabayay Gilad Shalit sanadkii 2006-dii.
Waa kooxda saddexaad ee ugu weyn Qasa, oo xulafo la’ah Xamaas iyo Islaamic Jihaad waxayna gacan ka geysataa ciidamada booliiska ee maamula Qasa.
Waxa ay leedahay awood ku filan in ay gantaaladeeda ku riddo Israa’iil, waxa ayna sheegtay in ay qabatay dhowr askari oo Israa’iiliyiin ah 7-dii Oktoobar, iyada oo aan wax caddayn ah soo bandhigin.
Guutada Shuhadada Al-Aqsa
Waa koox mintidiin ah oo xiriir la leh dhaqdhaqaaqa Fatax, inkastoo aysan si toos ah u taageersanayn.
Fatax waa koox siyaasadeed cilmaani ah isla markaana maamula maamulka Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed ee la haysto.
Laakiin kadib markii ay lumiyeen gacan ku haynta Qasa oo ay la wareegeen Xamaas doorashooyinkii 2006-dii, Xamaas ayaa ku qasabtay in ay ka baxaan dhulkaas sannadkii xigay.
Waxaa jira kooxo kala duwan oo ka tirsan guutada Shuhadada Al-Aqsa oo ku xiran madaxda kala duwan ee Fatax, laakiin hadda awood badan kuma laha Qasa.
Tani ma aysan joojin xubnaha qaar in loo arkayay in ay ka qayb qaateen weerarkii 7-dii Oktoobar, sida ay sheegtay baarista BBC Verify.
Waxay BBC heshay muuqaal muujinaya in ay ku lug lahaayeen weerarka isla maalinta uu dhacay iyo inay ka qeybqaateen tababarada ka horreeyay weerarka.
Weriyaha BBC Feras Kilani waxa uu sheegay inay adag tahay in la ogaado in kaalinta kooxdan ku laheyd weerarka uu ahaa mid koox ahaan u galeen iyo haddii ay ahayd go'aan shaqsiyaadka qaar ku eg.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Guutada Mujaahidiinta
Kooxdan ayaa iyada oo ku xiran Fatax, waxa ay sidoo kale xiriir la leedahay kooxda Islaamic Jihaad.
Waa koox kale oo sheegtay in ay hayaan dad la qafaashay 7-dii Oktoobar.
















