Muxuu yahay xanuunka halista ah ee ku dhacaya askarta Israa'iil ee Qasa kula dagaallamaysa Xamaas?

Dhakhaatiir dhowr ah oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Israa'iil (IDF) ayaa ka warbixiyay xanuunno ba'an oo dhanka mindhicirka ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Adam Taylor
    • Role, The Conversation

Dhakhaatiirta Israa'iil ayaa sheegay in qaar ka mid ah askarta dalkaas ee ka qayb qaadanaya weerarrada dhulka ee Qasa ay la ildaran yihiin cudur dhanka caloosha ah oo halis ah oo lagu magacaabo "shigella".

Waxaa loo malaynayaa in xanuunka uu ku faafto nadaafad-xumada iyo cuntada aan nadiifka ahayn ee goobaha dagaalka.

Muxuu yahay xanuunka Shigella, maxayse yihiin calaamadaha lagu garto?

Shigella waa nooc ka mid ah bakteeriyada. Marka uu jirka galo waxa uu keenaa shuban nooca loo yaqaan "shigellosis".

Xigashada Sawirka, Getty Images

Shigella waa nooc ka mid ah bakteeriyada. Marka uu jirka galo waxa uu keenaa shuban nooca loo yaqaan "shigellosis".

  • Astaamihiisa waa:
  • Qandho
  • Shuban dhiig leh ama muddo dheer soconaya
  • Calool xanuun daran
  • Fuuqbax

Dadka caafimaadkoodu liito, ama difaacooda ay wiiqeen cudurro uu ka mid yahay HIV, waxaa laga yaabaa in xanuunkan uu aad u soo rito.

Haddii aan la daweyn, shigella wuxuu keeni karaa xanuun halis ah, ama xitaa dhimasho.

Khatarta dhimashada aad bay u badan tahay marka bakteeriyadu gasho dhiigga. Dadka qaba xanuunka HIV, sonkorowga, kansarka, ama nafaqo-xumada ayaa si gaar ah ugu nugul.

Sidee ayuu u faafaa xanuunka Shigella?

Sida laga soo xigtay Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Maraykanka (CDC), shigella waxa uu “si fudud” ugu faafaa taabasho toos ah ama mid aan toos ahayn

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sida laga soo xigtay Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Maraykanka (CDC), shigella waxa uu “si fudud” ugu faafaa taabasho toos ah ama mid aan toos ahayn.

Sida laga soo xigtay Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Maraykanka (CDC), shigella waxa uu “si fudud” ugu faafaa taabasho toos ah ama mid aan toos ahayn oo la xiriirta saxarada qofka cudurka qaba.

Tani waxay u dhici kartaa sida:

  • Cunista cunto uu diyaariyey qof qaba Shigella
  • Biyaha la cabbo oo wasakhaysan
  • Taabashada qaybaha musqusha ama shay kale oo uu taabtay amaba isticmaalay qof qaba Shigella.
  • Beddelidda xafaayadda ilmaha ee qaba shigella
  • Shigella waxaa inta badan laga helaa dadka guri la'aanta ah, dadka safarka ah ee caalamiga ah, ragga la galmooda ragga, iyo kuwa jirkoodu uu hooseeyo heerka difaaca.

Guud ahaan dunida imisaa qof ayuu xanuunkan haleelay?

2022, WHO waxay sheegtay in 99% caabuqyada shigella laga helay wadamada dakhligoodu hooseeyo ama dhexdhexaadka ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, 2022, WHO waxay sheegtay in 99% caabuqyada shigella laga helay wadamada dakhligoodu hooseeyo ama dhexdhexaadka ah.

Xarunta CDC waxay ku qiyaastay in inta u dhaxaysa 80 milyan iyo 165 milyan oo qof uu shigella haleelo sanad walba aduunka oo dhan, waxaana xanuunka u dhintay 600,000 oo qof.

2022, WHO waxay sheegtay in 99% caabuqyada Shigella laga helay wadamada dakhligoodu hooseeyo ama dhexdhexaadka ah.

Dhimashada ugu badan ee Shigella waxay ka dhacdaa dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika iyo Koonfurta Aasiya, qiyaastii 60% dadka uu xanuunkan haleelo ayaa ah carruurta ka yar shanta sano.

Mid ka mid ah daraasado ay saynisyahano ka tirsan machadka talaalka caalamiga ah ee Kuuriyada Koonfureed ayaa muujisay in Shigellosis uu boqol jeer ku badan yahay wadamada Aasiya sida Bangladesh, Shiinaha, Pakistan, Indonesia, Vietnam, iyo Thailand marka loo eego wadamada warshadaha leh.

Sidee loo daweyn karaa ama looga hortagi karaa Shigella?

Xarunta CDC waxay sheegeysaa in Shigella looga hortagi karo gacmo-dhaqid joogto ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xarunta CDC waxay sheegeysaa in Shigella looga hortagi karo gacmo-dhaqid joogto ah, tusaale ahaan:

  • Kahor intaadan cuntada karinin ama cunin
  • Kadib markaad musqusha gasho ama beddesho xafaayadda caruurta ama dadka waaweyn.
  • ka hor inta aan la samayn galmada ama ka dib.

Kiisaska intooda badan waxaa lagu daweyn karaa in la cabbo biyo badan iyo la helo nasiino fiican.

Shan nooc oo ka mid ah dawada antibiyootik ah ayaa wax ka tari kara cudurka.

Balse saraakiisha caafimaadka ee Maraykanku waxay heleen nooc ka mid ah bakteeriyada shigella oo u adkaysata antibiyootiga, oo loo yaqaan Shigella XDR ama Shigella sonnei.

Xarunta CDC waxay sheegtay in sanadkii 2022, boqolkiiba shan kiisaska shigella ee Maraykanka ay la xiriireen noocyada daawooyinka u adkaysta. Waxay tani ku tilmaantay "khatar caafimaad oo halis ah".

WHO ayaa sidoo kale xustay inay kordheen tirada kiisaska nooca XDR ee UK iyo Yurub oo dhan tan iyo 2020.

Sidee xanuunka Shigella ugu dhex faafay askarta Israa'iil?

Ciidamada Israa'iil oo ku dul taagan taangiyo la geeyay xadka Qasa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ciidamada Israa'iil oo ku dul taagan taangiyo la geeyay xadka Qasa
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhakhaatiir dhowr ah oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Israa'iil (IDF) ayaa ka warbixiyay xanuunno ba'an oo dhanka mindhicirka ah oo ku dhex faafay askarta ka dagaallamaysa Qasa, sida uu sheegay Dr. Tal Brosh, oo ah agaasimaha qaybta cudurrada faafa ee Isbitaalka Jaamacadda Assuta Ashdod.

Waxa uu sheegay in uu cudurka uu ku tilmaamay Shigella.

Askarta xanuunkan uu ku dhacay ayaa la karantiilay dib loo celiyay si loo daweeyo.

Dr Broch ayaa sheegay in sababta ka mid ah sababaha uu xanuunka u dilaacay ay tahay in askarta ay cuneen cunto ay kariyeen dad rayid ah oo reer Israa'iil ah taas oo loo diray ciidamada Qasa.

Waxa uu sheegay in laga yaabo in cuntadu ay ku wasakhowday xanuunka Shigella, iyo bakteeriyada kale ee khatarta ah. Waxa uu sababta ku inay noqon karto in gawaarida la saaray iyada oo aan la qaboojin in la cunay cuntada oo safiican loo kululeyn.

"Markii uu askarigu shuban ku dhaco, xaaladaha nadaafadda xun ee ku badan goobta dagaalka waxay keentaa in qofba qofka kale u sii gudbiyo," ayuu yiri.

Adam Taylor waa borofisar iyo Agaasimaha Xarunta Daraasaadka Anatomy Clinical ee Jaamacadda Lancaster, UK. **Maqaalkan waxaa markii hore lagu daabacay The Conversation oo ay kasoo dheegatay BBC.