Diyaaraddii ay afduubayaashu ka dajiyeen Muqdisho iyo sidii ay u maareysay dowladda Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Konstantin von Wedelstaedt
Muddo 45 sano ah ayaa laga joogaa markii Soomaaliya ay amaan weyn ku heshay howlgal laga fuliyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kaasoo ay qeyb ka ahaayeen ciidamada Soomaalida.
Subax Talaado ah,18-kii October 1977, ayaa howlgalkaas taariikhiga ahaa lagu badbaadiyay rakaabka diyaarad ay soo afduubteen koox Falastiiniyiin ah.
Iyadoo ay uun 90 daqiiqo ka dhinayd waqtiga ay ku gooddiyeen kooxda wax afduubatay inay laynayaan rakaabka diyaaradda, ayaa ciidamo kumaandoos ah oo ka socday Jarmalkii Galbeed oo gacan ka helaya militariga Soomaaliya waxay weerar ku qaadeen diyaaradda.
Halkaas waxaa lagu soo afjaray afduubkii diyaaradda ee socday 5 maalmood, ilaa 6,000 oo meylna ay ku jartay diyaaradda intii meelaha kala duwan marba mid la geynayay.
Isla goobtaas ayaa lagu dilay labo nin oo ka mid ahaa afartii qof ee afduubatay diyaaradda. Waxaa gacanta lagu dhigay nin kale oo markii dambe u geeriyooday dhaawac, halka qofka 4-aad ay ahayd haweeney la xiray.
Waxaana la badbaadiyay rakaabkii diyaaradda oo ahaa 86 ruux, iyagoo wada nabad qaba.
Sida uu u dhacay afduubka iyo sababta
Afar qof ayaa la wareegay diyaaradda Lufthansa duullimaadkeedii lambarkiisu ahaa 181, maalin Khamiis ah, hal saac kaddib markii ay ka duushay Jasiiradda ku taalla Badda Mediterranean-ka ee Majorca, iyadoo kusii jeedday magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka.
Diyaaradda nooceedu wuxuu ahaa Boeing 737.
Ragga afduubtay ayaa diyaaradda ku khasbay inay duusho 6,000 oo meyl, waxayna sii marsiiyeen Roma, Qubrus, Baxreyn, Dubai, Cadan, ugu dambeyntiina waxay ka dajiyeen Muqdisho.
Waxay dileen duuliyihii waday, dhowr jeerna waxay waqti u qabteen in ay qarxin doonaan diyaaradda oo ay rakaabka saaran yihiin, haddii loo fulin waayo dalab ay u gudbiyeen dowladaha Jarmalka Galbeed iyo Turkiga oo ay ku doonayeen in loo sii daayo 11 xubnood oo ka tirsanaa kooxdii "argagixisada ahayd ee magaceedu ahaa Baader Meinhof" iyo labo Falastiiniyiin ah oo ku xirnaa dalka Turkiga.
Weriyaha ruug-cadaaga ah ee horay uga tirsanaan jiray BBC-da, Axmed Siciid Cige oo xilligaas ka hawlgalayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dhacdadaas ay Soomaaliya ku soo jeedisay indhaha caalamka.
Qaabkii uu howlgalka u dhacay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
“Diyaaradda waxaa la qafaashay 13-kii October 1977, waxaana diiday in garoomadooda ay ku degto dalal u badan Carab. Waxa ay Muqdisho soo gaartay maalin uun ka hor inta uusan dhicin hawlgalka,” ayuu yiri weriye Axmed.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay arrinta diyaaradda u xil saartay Xuseen Kulmiye Afrax oo ahaa Madaxweyne ku xigeenka, kana tirsanaa golihii dhexe ee kacaanka.
“Maadaama uu ahaa nin khibrad dheer u leh baaritaannada dembiyada, waxa uu xarun ka dhigtay garoonka diyaaradda lagu haystay, waxaana kooxda afduubka geysatay uu u sheegay in dalabkooda loo fulin doono,” ayuu yiri Axmed Siciid.
Howlgalkan wuxuu dhacay hal maalin kaddib markii uu aad u xoogeystay cadaadiska la saarayay dowladda Jarmalka iyo walaaca uu caalamka ka qabay xaaladda rakaabka 86-ka qof ahaa iyo 4 ruux oo ahaa shaqaalaha diyaaradda.
Dowladdii Jarmalka ee uu hoggaaminayay Helmut Schmidt ayaa howlgalkaas miro-dhalka ahaa ku tilmaantay guul weyn maadaama ay ku gacan seyrtay dalabkii afduubeyaasha.
Waxaa Muqdisho loo soo diray koox kumaandoos ah oo tababar gaar ah leh, kuwaasoo la diyaariyay ka dib markii uu xasuuq ka dhacay magaalada Munich sanadkii 1972.
Guud ahaan howlgakaas wuxuu socday muddo toddobo daqiiqo ah sida ay ku warrameen warbaahinta caalamiga ah ee uu ka mid yahay wargeyska New York Times.
Kumaandooska Jarmalka oo ay taageerayaan ciidanka Soomaalida ayaa qarxiyay albaabka diyaaradda, si deg deg ah ayeyna gudaha u galeen.
Waxaa kale oo la sheegay in ciidan khaas ah oo ka socday Israa’iil ay howlgalkaas qeyb ka ahaayeen.
Dowladdii Jarmalkii Galbeed maamuleysay xilligaas ayaa sheegtay in isla maalintaas ay Muqdisho geystay lixdan kumaandoos ah oo howlgalkaas ka qeyb qaadatay.
Maxay tahay sababta uu howlgalka diyaaradda uga dhacay Muqdisho?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Soomaaliya ayaa sabab u ahayd in la badbaadiyo dadkii ku afduubnaa diyaaraddaas, sida ay sheegtay dowladda Jarmalkii Galbeed. Laakiin sidee ayey Soomaaliya ku yeelatay amaantaas?
Howgalka lagu badbaadiyay diyaaraddii afduubneyd ee Muqdisho ka dhacay 1977-kii waxaa guushiisa si weyn loogu amaanay dowladda Soomaaliya.
Diyaaradda la qafaashay waxaa lasoo dul mariyay magaalooyin dhowr ah oo la damcay in lagu dajiyo.
Dhammaan meelihii kale ee loo jiheeyay waa laga diiday in ay ka caga dhigato, dal kasta oo lagu leexiyayna wuxuu ku gacan seyray codsigii loo gudbiyay, maadaama ay suuragal ahayd in meesha diyaaradda la geeyo uu ka dhaco xasuuqa rabaabka ama in la aqbalo dalabka afduubeyaasha.
Waxaa kale oo mar walba iska caddeyd in isla goobta diyaaradda la geeyo laga fulin doono howlgal aan la saadaalin karin waxa ka dhalan kara.
Dowladda Jarmalkii Galbeed ayaa heegan ugu jirtay in ay ciidamo deg deg ah geyso meeshii ay noqotaba. Tusaale ahaan, waxaa ciidanka kumaandooska la sii geeyay dalalka Qubrus iyo Iiraan oo labaduba ay macquul ahayd in diyaaradda laga dajiyo.
Ka dib waxaa kumaandooska loo gudbiyay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, halkaas oo ay ku sugayeen amar.
Markii diyaaradda la wareejiyay ilaa 6,000 oo meyl, waddan ku deeqa in lagu soo dajiyana uu soo bixi waayay, ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ayaa oggolaatay in diyaaraddaas laga dajiyo Muqdisho, durbana waxaa la diyaariyay ciidan gaar ah.
Markii lasoo gabogabeeyay howlgalka badbaadinta ee lagu dilay xubno ka mid ah kooxda afduubtay diyaaradda, waxaa ku xigay hambalyadii loo soo dirayay Soomaaliya.
Afhayeenkii dowladda Jarmalkii Galbeed, Klaus Bolling ayaa sheegay in mid ka mid ahaa rakaabkii diyaaadda oo daal badan ka cabanayay lagu daweeyay isbitaal ku yaalla Muqdisho.
Bayaankaas waxaa mahad iyo amaan ballaaran loogu jeediyay dowladda uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.
“Haddii aan oggolaansho buuxda iyo caawinaad laga heli lahayn mas’uuliyiinta Soomaaliya, ma suuroobi lahayn howlgalka militari lamana badbaadin lahayn dadka rabaabka ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Hoggaamiyihii Jarmalka Helmut Schmidt ayaa warqad telegram ah oo uu u soo diray Maxamed Siyaad Barre kusoo qoray: “Weligeen ma illoobi doonno abaalka aad noo gasheen,” sida uu sheegay Mr Bolling.
Hase yeeshee Soomaaliya si wanaagsan ugama aysan faa’iideysan fursaddaas, sida uu tilmaamay weriye Axmed Siciid Cige.
“Waxaan arkay qoraallo uu soo diray AHUN safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Bonn, Jarmalkii Galbeed, Yuusuf Adan Bookax waxaana uu sheegay in aan laga faa’iideysan taageerada uu diyaarka la ahaa dalkaas laga caawiyay badbaadinta diyaaradda iyo rakaabkeeda.










