Doorashada Soomaaliya: Ma baaqan doontaa doorashada guddoonka Golaha Shacabka?

.

Iyadoo maanta loo madlan yahay in guddoonka Golaha Shacabka lagu doorto teendhada Afisyoni ayaa waxa tan iyo xalay soo baxay arrimo dhowr ah oo caqabad ku noqon karo doorashadaas.

Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha ayaa iska mari la' cidda sugaysa ammaanka goobta doorashada.

Ra'iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa doonaya in hawlgalka ATMIS uu gebi ahaanba sugo amniga teendhada, halka Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in hawshaas looga dambeeyo ciidanka booliska Soomaaliya.

Dhanka kale, xubno kamid ah guddiga qaban-qaabada doorashada golaha shacabka ayaa sheegay in aanay teendhada tegi karin xildhibaannada laga soo doortay labada degmo ee Gedo, xilli gudoomiyaha guddigaas uu ku adkeysanayo in xubnaha aanay xaq u lahayn inay go'aan ka gaaraan xildhibaannada ka qaybgalaya doorashada iyo kuwa aan ka qaybgalayn.

Xaalad hubaanti la'aan ah ayaa weli ka taagan qabsoomidda doorashada guddoonka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka oo qorsheysneyd in maanta lagu qabto hangarka garoonka diyaaradaha ciidamada cirka ee Afisyoone kadib khilaafka ka dhashay xubnaha laga soo doortay gobolka Gedo uu harreeyay xildhibanaada Golaha Shacabka.

Waxaana khilaafkan siyaasabo kala duwan uga hadlay hay'adaha sare ee dowladda, arrimaha amniga ayaa sidoo kale kamid ah waxyaabaha horseedaya in doorashadaas aysan suurtagal aheyn in maanta ay dhacdo.

Taliyaha booliska Soomaaliya, janaraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in iyo ilaa aanay heyn liisaska dadka ka qeybgalaya doorashada guddoonka Golaha Shacabka isla markaana ay aheyd in liisaskaas loo soo gudbiyo maalin ama labo maalin ka hor.

Wuxuu ku taliyay in doorashada dib loo dhigo maadama aanan loo soo gudbin liiska dadkii ka qeybgeli lahaa.

" Liiska lamana keenin wax aan hayno ma lahan, taas waxay i tuseysaa in aan anagu ka boolis ahaan mas'uuliyadda amniga ee doorashada aanan damaanad qaadi karin , taladeenuna waxaa weeyee in dib loo dhigo asbaabahaa awgood iyo amngi dartii" ayuu yiri Janaraal Cabdi Xasan Xijaar.

Dhanka kale, warqad kasoo baxay wasiirka amniga, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayuu ku sheegay in uu shaqada ka joojiyay taliyaha booliska oo uu ku eedeeyay in uu faragelin ku hayo doorashada isla markaana uu isku dayay in uu hor istaago doorashada guddoonka Golaha Shacabka, sidaa darteed, wuxuu sheegay in taliye ku xigeenka booliska uu shaqada sii wadi doono.

Wasiirka amniga ayaa sidoo kale booliska uga digay inay ku milmaan siyaasadda.

Cabdi Xaashi ayaa shaley mar kale loo doortay guddoomiyaha Aqalka Sare
Qoraalka sawirka, Cabdi Xaashi ayaa shaley mar kale loo doortay guddoomiyaha Aqalka Sare

Iyadoo xaaladda ay halkaa mareyso, xubno kale oo kamid ah guddiga doorashada ee Golaha Shacabka oo xaley shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in doorashada guddoonka Golaha Shacabka ay maanta dhici doonto balse shirka aysan ka qeybgeli doono xubnihii dhawaan lagu kala soo doortay gobolka Gedo si looga hortaggo in xiisad ay halkaa ka dhalato.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in xildhibaanada aanay xaq u laheyn inay go'aan ka gaaran xildhibaanada shirka ka qeybgalayo iyo kuwa aan ka qeybgaleynin balse taas uu gacanta ku hayo guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka.

War saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaanadii lagu kala doortay Ceelwaaq iyo Garbaaharrey in aysan ka qeybgeli doonin doorashada guddoonka Golaha Shacabka "yada oo aan la helin heshiis ay wadar-oggol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020, ama uusan Barlamaanka 11-aad soo saarin sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaankii 10-aad labadiisa Aqal ay horey u wada ansixiyeen".