Maxay Farmaajo iyo Rooble mar kale xariga u kala furteen, maxaase hadda laga yeeli doonaa?

Xigashada Sawirka, SNT
Maalmihii u dambeeyay waxaa soo daahirayey khilaaf cusub oo hadheeyey geeddi socodkii doorashada Soomaaliya, kaas oo gaadhsiisan heer madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Rooble uu midba midka kale ku eedeeyay carqaladeynta hanaanka doorashada.
Muddooyinkii u danbeeyey waxaa socday doorashada qaar ka mid ah kuraasta aqalka hoose, halka qaarna la soo saaray habraacii kuraastaas.
Dhanka kalena, waxaa soo daahirayey madmadaw iyaga oo mucaaradku ay ka dayrinayeen habka ay u socoto doorashadan.
Madaxweynuhu muxuu sheegay?
Warqad xalay lagu daabacay bogga madaxtooyada Soomaaliya, ayaa madaxweyne Farmaajo uu ku baaqay in la isugu yimaado shir wadatashi, si la isugu waafaqo hoggaan awood u leh hirgelinta doorasho dhammeystiran oo si hufan dalka uga dhacda.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa ra'iisul wasaare Rooble ku eedeeyey inuu gudan waayey waajibaadkii doorasho ee loo igmaday, sida oo kalena uu kala qaybiyey guddiyadii doorashada.
Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa dhowr maalmood ka hor xilka ka qaaday xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka dadban ee Soomaaliya "kadib markii lagu eedeeyay xubnahan in ay lumiyeen madaxbanaanidii guddinimo ayna ku milmeen siyaasadda," sida lagu sheegay War kasoo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.
Rooble oo garowsan in doorashada ay gaabis ku socoto ayaa isugu yeeray Golaha Wadatashiga Qaranka inay Muqdisho isugu yimaadaan 27-ka Desembar.
Xaaladda ayaa cirka isku sii shareertay markii xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho shalay oo Sabti ahayd ay sheegeen in guddoomiye Cirro ay xilkii ka qaadeen ka dib markii guddigu ay eedaymo ka soo gudbiyeen guddoomiyaha. Cirro ayaa ku gacanseyray xil kaqaadistaasi.
War qoraal ah oo lagu daabacay bogga Facebook-ga ee guddigaas ayaa lagu sheegay in aysan jirin xil ka qaadis lagu sameeyey guddoomiyaha iyo ku xigeenka guddigaas.
Farmaajo ayaa ku eedeeyay kala qeybsanaanta guddiga inuu ka dambeeya Ra'iisal wasaare Rooble.
"Markii ay caddaatay in Ra'iisul Wasaarahu uu ka leexday dhibbihii hirgelinta doorashada isaga oo kala dhantaalay wadajirka guddiyadii loo igmaday fulinta iyo qabashada doorashada
"Markii ay caddaatay in Ra'iisul Wasaarahu uu ka leexday dhibbihii hirgelinta doorashada isaga oo kala dhantaalay wadajirka guddiyadii loo igmaday fulinta iyo qabashada doorashooyinka kuna xadgubay madaxbannaanidooda shaqo" ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.
Bishii Maaj horraanteedii ayay ahayd markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu khudbad uu ka jeediyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ka sheegay in uu ra'iisal Rooble uu hoggaamin doono doorashada iyo amniga.
Sidee Rooble uga jawaabay?
Warsaxaafadeed maanta ka soo xafiiska ra'iisal wasaare Rooble ayaa uu isna dhankiisa ku eedeeyey madaxweyne Farmaajo in uu carqaladaynayo hannaankii doorashada uuna ka shaqaynayo sidii uu xilka ku soo joogi lahaa.
"Tan iyo intii uu Ra'iisul Wasaauruhu la wareegay hoggaaminta howlaha doorashada, Madaxwaynuhu waxa uu si joogto ah caqabad ugu ahaa hirgalinta doorashadii lagu heshiiyay, isaga oo isticmaalayay xeelado kala duwan kuwaas oo markii mid la xaliyaba uu abuurayay mid kale ilaa uu saaka si cad oo sharciga baalmarsan u soo saaray baaqan mas'uuliyad-darrada ah."
Rooble ayaa intaasi ku daray, "waxaan la wadaagaynaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba in Madaxwaynuhu intii uu Xafiiska joogay uu waqti, maal iyo maskaxba ku bixinayay sidii uu kusii joogi lahaa xafiiska isaga oo isku dayaya in doorashadu noqoto oo kaliya mid ka jawaabaysa doonistiisa ama uu wadada u xaarto muddo kororsi sharci-darro ah." ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Raysalwasaare Rooble.
Dhanka kale, ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay shaley xubno ka socdey Midowga murashaaxiinta ee mucaaradka ah.
Madaxwaynaha ayaa si joogto ah caqabad ugu ah hirgalinta doorashada lagu heshiiyay, isaga oo isticmaalayay xeelado kala duwan kuwaas oo markii mid la xaliyaba uu abuuraya mid kale
Waxey ka wada hadleen dardargelinta iyo hufnaanta doorashada, iyo tabashooyinka jira inta aan la gaadhin shirka lagu wadey inuu maalinta berri ah Muqdisho uga furmo Golaha Wadatashiga Qaranka. Ma cadda inuu kulankaasi dhici doono iyo in kale.
Eedaymaha gaarka ah ee ku aaddan Rooble
Eedaymaha gaarka ah ee loo jeedinayo Rooble kuma salaysna oo keliya dhanka doorashada. Se dhawaan ayay ahayd kolkii taliyaha Ciidanka Badda ee Soomaaliya uu ku eedeeyey raysalwasaaraha dhul boob iyo in uu dhisanayo dhulkii danta guud.
Wasiirka Ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala ayaa shir jaraa'id oo xalay qabtay kaga jawaabay arrintaas isaga oo uu ku tilmaamay olole lagu suurad xumaynayo raysalwasaaraha oo aanay waxba ka jirin. Isaga oo uu eedda saaray wax uu ugu yeedhay "kooxo abaabulan".
"Warar dacaayada oo la soo abaabulay oo ay ka soo shaqeeyeen kooxo abaabulan, sababtuna tahay qorshe diyaarsan oo la rabo in lagu magac dilo Raysalwasaaraha, dadka Sioomaaliyedna lagu niyad jebiyo sababta keentayna waa arrin la xiriirta dedaalka Raysalwasaaruhu uu ugu jiro in uu hagaajiyo oo dariiq saxa oo dadka soomaaliyeed u cuntama uu ku socodsiiyo hannaanka doorashada ee masuulka looga dhigay," ayuu yidhi Wasiir Al Caddaala.

Xigashada Sawirka, Cabdullaahi Maxamed Nuur
Halka sida oo kale warqad ka soo baxdayy Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur ayaa ku amray Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya in aanu safri karin Sarkaalka lagu magacaabo Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ah Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, oo ay sheegeen in "qorshaynayo in uu dalka ka fakado"
Maxaa dhici doono hadda
Doorashada Soomaaliya oo waqtigeeda ka dib dhacday ayaa hadda ku jirta marxalad xasaasi ah, waxaana dhawaan lasoo gabagabeeyay howsha dhismaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka.
Inkastoo hadda lagu guda jiro howsha doorashada Aqalka Hoose o si gaabis ah ku socoto, weli ma cadda waqtiga ay dhaceyso doorashada xilka ugu sarreeya ee madaxweynaha.
Khilaafkan u dambeeyay madaxda ugu sareysay dalka iyo kala qeybsanaanta guddiyada u xil saaran doorashada ayay u muuqataa inay abuureysa hubinta la'aan ku saabsan dhameystirka doorshada. Ma cadda inay dhici doonaan labada kulan ee iska soo horjeeda ee ay madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha si kala gaar ah ay ugu baaqeen.
"Waxa kaliga ah ee hadda furan waxa weeya in dalka ay ka dhacdo doorasho hufan oo bulshadu ay ogoshahay, siyaasiyiintana ay ku wada qanacsan yihiin. Madaxda ayaa laga rabaa inay siyaasadda dhinac iska dhigaan oo umadda ay u tanaasulaan," ayuu yiri Axmed Shire Axmed oo ka tirsan Jaamacada Dowladda Puntland.
Wuxuu intaasi ku daray in qaabka ugu wanaagsan ee looga bixi kara ismarin waagan hadda taagan ay tahay in "Aqalka Sare ee dhawaan la doortay uu la wareego talada dalka. Waa Aqal cusub oo sharciyad haysta. Gudoonkiisa ha doorto aqalka. Dooda kale ayaa soo bixi karta o dhinaca sharciga ah."











