Ma waxaa la baarayaa taliyaha ciidanka badda mise eedda uu Rooble u soo jeediyay?

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliya, Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliya, Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliya, Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage, ayaa magacaabay guddi soo baara eedayn uu taliyaha Ciidammada Badda Soomaaliya, Cabdixamiid Maxamed Dirir, u jeediyay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Bayaanka Odawaa ayaa qeexaya in guddiga uu qabtay ee ka kooban shanta sarkaal ee sarsare ee ka tirsan ciidammada xoogga dalka ay si hufan u baaraan sarkaalka iyo eedaaha uu soo jeediyayba.

Xoogga Dalka

Isniintii ayey aheyd markii taliyaha Ciidammada Badda Soomaaliya, Cabdixamiid Maxamed Dirir, uu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ku eedeeyay inuu guri raaxo ka dhisanayo dhul uu sheegay inay leeyihiin ciidammada badda ee dalka.

Talilye Cabdixamiid, waxa uu sheegay in ciidammada Badda Soomaaliya oo leh hanti badan oo kala duwan, iyadoo qeyb ka mid ah "Waxaa nasiib darra ah ciidankii badda dhulkiisii oo aad u jeeddaan meeshii ciidanka uu ka dhisan lahaa xafiisyada… in dan shakhsiyadeed loo qaato," ayuu yiri.

"Waxaa dantaas shakhsiga ah oo la rabo in lagu dhisto guryo lagu raaxaysto, lagu nasto, ayna hormuud u yihiin madaxda qaranka ugu sarraysa. Waxaa nasiib darra ah oo ciidankii badda iyo difaacii xeebaha ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay dhabarjab iyo mooraal jab ku noqotay in dhulkoodii ay boob ku dhisanayaan madaxdii qaranka ugu sarraysay oo uu ugu horreeyo ra'iisul wasaaraha qaranka Maxamed Xuseen Rooble." Ayuu yiri Taliyaha Ciidammada Badda ee Soomaaliya, Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Cabdixamiid

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Qoraalka sawirka, Taliyaha Ciidammada Badda Soomaaliya, Cabdixamiid Maxamed Dirir

Ra'iisul wasaare Rooble, wax war ah kama soo saarin eedaha loo soo jeediyay, hasayeeshee waxaa Talaadadii bayaan soo saaray wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, oo uu ku amrayo taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya inuu si degdeg ah u baaro arrintaasi.

"Waxaa warbaahinta lagu faafiyey muuqaalo la sheegay in laga soo duubay Taliyaha Ciidammada Badda, kaas oo ku eedeenayo madaxda qaranka oo uu Ra'isulwasaaraha ka mid yahay inay ku lug leeyihiin dhulka Ciidanka Badda ee loo adeegsaday arrimo shaqsiyadeed. Waxaa lagu farayaa taliye inaad baaritaan deg deg ah ku sameysid arrintaan, sidoo kalana aad ka qaadatid tallaabo waafaqsan shuruucda dalka iyo xeerka Ciidanka Xoogga Dalka," ayuu bayaanka ku yiri wasiirka gaashaandhigga.

Hasayeeshee bayaankaasi waxaa ka daba yimid bayaan kale oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga oo uu ku saxiixan yahay wasiir Xasan Xuseen Xaaji, kaas ii soo baxay maanta, laguna caddaynayo cidda baaritaanka lagu samaynayo.

"Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed u cadaynaynaa in warqadda uu soo saaray wasiirka gaashaandhigga... ay ujeedadeedu aheyd in baaris rasmi ah lagu sameeyo hadalkii gafka ahaa ee ka soo baxay sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo si ka baxsan nidaamka iyo anshaxa ugu gafay ra'iisul wasaaraha qaranka. Baarista ayaa khusaysa oo kaliya sarkaalkaas," ayaa lagu yiri bayaanka.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

Kala diristii Guddiga Xallinta Khilaafaadka

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa Sabtidii kala diray guddigii xallinta khilaafaadka doorashooyinka dalka halka uu dhanka kale magacaabay ciddii badeli laheyd.

Bayaan uu soo saaray Maxamed Xuseen Rooble ayuu ku sheegay in guddiga uu xilka ka qaaday uu lumiyay madaxbanaanidii guddinimo iyo inay xubnihiisa ay ku milmeen siyaasadda isla-markaana ay baal mareen xeerkii anshaxa doorashada.

Arrintan ayaa waxa ay timid xilli muddooyinkii u danbeeyey ay isa soo tarayeen kuraasta lagu muransan yahay ee doorashada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Guddigii Xallinta Khilaafaadka

Xigashada Sawirka, Facebook

Hasayeeshee waxaa arrintaasi gaashanka u daruuray gudoomiyaha guddigii xallinta khilaafaadka doorashooyinka ee maanlintaas la kala diray.

Xuseen Maxamed Maxamuud Laki, oo BBCda u warramay ayaa sheegay inay sharci darro tahay arrintaasi oo uusan ra'iisul wasaaraha xilka ka qaadi karin.

Dhanka kale Xuseen Laki waxa uu ra'iisul wasaaraha ku eedeeyay inuu muddaba ku cadaadinayay in waxa uu rabo la sameeyo taas oo uu sheegay inay sharcidarra aheyd, markii ay iska diideenna ay arrintan soo baxday.

Gelinkii hore ee Sabtidii ayey aheyd markii Xuseen Laki uu sheeegay in dad gaar ahi ay culays saarayaan shaqadii ay hayeen, iyadoo aanan si fiican loogu hoggaansamayn amarradii ka soo baxayey guddigooda.