Doorashada Soomaaliya: Farmaajo iyo Rooble oo weli isku mari la' kuraasta Gedo

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Federaal, Muuse Geelle Yuusuf, ayaa ku baaqay in la dhaariyo 16-ka xubnood ee ku soo baxay doorashadii Jimcihii iyo Sabtida maanta ah ka dhacday degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Muuse ayaa ku dooday in waqtiga uu gabaabsi yahay, ayna waajib tahay in kuraastaas ay ka qeyb qaataan doorasahada guddoonka golaha shacabka ee la filayo inay dhacdo Arbacada soo socota.
Ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhankiisa u hambalyeeyay xubnaha lagu doortay Ceelwaaq iyo guddiyada ka shaqeeyay.
Waxaa baraha bulshada maanta lagu faafiyay war ah in wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Abuukar Xaaji (Carab) oo kamid ahaa xubnaha shalay lagu doortay Ceelwaaq maanta loo diiday in loo dhaariyo xildhibaannimo.
BBC-da ayaa fahansan inuu jiro xeer dhigaya in qofka ku guulaysta xildhibaannimo la dhaarin karo uun saddex maalin kadib marka la doortay, si fursad loo siiyo guddiga xallinta khilaafaadka. Sidaa oo ay tahay, ma cadda in xubnaha lagu doortay Ceelwaaq la dhaarin doono saddex maalin kadib. Balse guddiga xalinta khilaafaadka laftiisa ayaaba xalay warqad uu soo saaray ku sheegay in doorashada ka dhacday Ceelwaaq ay waxbo kama jiraan tahay.
Arrintan ayaa muujisay in khilaafka hareeyay kuraasta Gedo oo taagnaa muddo ka badan laba sano uu weli xooggan yahay.
Guddiga doorashada ee heer Federaal ayaa laba u qeybsan. Magaalada Garbahaarrey oo ku xusan deegaannada doorashada labaad ee heshiiskii 17-ka September 2020 ayaa waxaa ku sugan xubno kamid ah guddiga.
Doorasho barbar socota tan Ceelwaaq ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka dhacdo Garbahaarrey oo maamulka ka arrimiya uu diiddan yahay maamulka Kismaayo.
Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Jimcihii war ka soo saaray doorashooyinka isbarbar socda ee Gedo ayaa ku taliyay in arrintaas ay ka fariisato Madasha Wadatashiga Qaranka.
"Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka iyo Xeerka Lam. 30 ma yeelan karo xuquuq lamid ah xildhibaannada lagu soo doortay hab waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020."
"Sidaas darteed, kama qeyb qaadan karo doorashooyinka Guddoonka iyo tan Madaxweynaha ayadoo aan la helin heshiis ay wadar-ogol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar ama uusan soo saarin Barlamaanka 11aad sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaanka labadaiisa aqal ay hore u ansixiyeen," ayaa lagu sheegay qoraalka Madaxweynaha.

Xigashada Sawirka, OPM Somalia
Madasha Wadatashiga Qaranka
Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaranka oo ka kooban ra'iisal wasaaraha, madaxda shanta maamul goboleed iyo gudgoomiyaha gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin doorashooyinka isbarbar socda ee Gedo.
Balse madaxweyne Farmaajo ayaa war saxaafadeedkii uu shalay soo saaray ka codsaday Golahan in ay dib uga xaajoodaan arrinka gobolka Gedo iyo kuraasta lagu muransanyahay.
Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay ka degay Ceelwaaq ayaa doonaya in la dhaariyo xubnaha Ceelwaaq oo laga tago kuwa Garbahaarreey.
Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa ku sugan Muqdisho, waxaana sidoo kale ku wehliya Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni oo u taagan xilka madaxtinnimada Soomaaliya.
Beesha caalamka oo si weyn ugu cadaadinaysa madaxda Soomaaliya in doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha ay dhacdo ka hor bartamaha bisha May ayaan weli ka hadlin jahawareerka ka taagan kuraasta Gedo.
Xiisadda Gedo ayaa taagneyd dhowrkii sano ee la soo dhaafay, kadib markii ay gacan ku haynta gobolkaas la wareegeen ciidamada dowladda Federaalka, kuwaas oo meesha ka saaray maamulkii Jubaland ee gobolka xukumayay.
Arrinta Gedo ayaa kamid ahayd dhowr qodobo oo muddo ay u xayirnayd doorashada Soomaaliya, inkastoo dhammaan kuwii kale xal laga gaaray.











