Kuraasta 16-ka: Muxuu yahay qorshaha guddiga doorashada heer Federaal ee gaaray Garbahaarrey?

Xigashada Sawirka, Wardoone Mowliid Galwaaq
Waxaa maanta magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo gaaray xubno ka tirsan guddiga hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya ee heer federaal iyo kan xallinta khilaafaadka.
Xubnahaas ayaa BBC-da u sheegay in ujeedada ay halkaasi u tageen ay tahay qiimaynta ah in ay magaaladu diyaar u tahay in doorasho lagu qabto iyo sidii doorashada kuraasta baarlamaanka ee taalla magaaladaas loo qaban lahaa.
Arrintan ayaa timid iyadoo ay soo baxayso kala qaybsanaan guddiga FIET dhexdiisa ah, xilli guddoomiyaha guddiga doorashada heer Federaal iyo xubno la socda ay ku sugan yihiin magaalada Kismaayo iyagoo doonaya in kuraasta Garbahaarrey taalla lagu qabto magaalada Ceelwaaq.
"Annagu waxaan nahay guddiyada hirgelinta doorashooyinka ee FEIT iyo xallinta khilaafaadka. 6 xubnood oo guddiga FEIT ah iyo 4 xallinta khilaafaadka ka socda ayaan maanta ku gaarnay magaalada Garbahaarrey," ayuu BBC-da u sheegay Cabdiweli Maxamuud Cilmi oo ka mid ah xubnaha guddiga doorashooyinka ee maanta tagay magaaladaas.
Cabdiweli oo maaliyadda u qaabilsan guddiga FEIT ayaa sheegay in iyagu ay is xilqaameen, isla markaana ay ku dedaalayaan in kuraasta Gedo aysan ka harin doorashada guddoonka baarlamaanka oo lagu wado inay dhawaan dhacdo.
"Go'aankii 14-kii bishan lagu sheegay inuu ka soo baxay guddiga FEIT ee lagu shaaciyay in lagu wareejiyay deegaan doorashadii labaad ee Jubaland looguna wareejiyay Ceelwaaq ma ahayn go'aan rasmi ah oo guddiga ka soo baxay, mana jirin guddi inta uu farriistay go'aan ka qaatay arrintaas. Guddigana awood uma laha in deegaan sharci ah uu bedalo," ayuu yiri Cabdiweli.
Waxa uu sidoo kale sheegay in isla maantaba ay billaabeen qaban-qaabada doorashada ay rabaan inay ku qabtaan Garbahaarrey, sida ugu dhaqsaha badanna ay u soo saari doonaan jawdalka doorashada.

Xigashada Sawirka, Jubaland State House
Degmada Ceelwaaq
Maamulka Jubaland iyo xafiiska ra'iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa doonaya in doorashada ay ka dhacdo degmada Ceelwaaq, maadaama aan la "isku halayn karin amniga Garbahaarrey".
Waxaa arrintaas diiddan maamulka gobolka Gedo ee taabacsan Madaxweyne Farmaajo, kuwaas oo ku doodaya in aan doorashada laga wareejin karin Garbahaarrey.
Jadwal uu soo saaray guddiga doorashada Jubaland ayaa lagu sheegay in kuraasta 16 ka ah lagu dooran doono Ceelwaaq mudada u dhexaysa 18-ka ilaa 27-ka April, taasoo u muuqata inay dib u dhacday.
Guddomiyaha guddiga doorashada heer Federaal, Muuse Geelle iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maalin ka hor gaaray Kismaayo, waxaana wararku ay sheegayaan in qorshahoodu yahay inay tagaan Ceelwaaq.
Guddiga doorashada ee heer Federaal ayaa u muuqda mid ku kala aragti duwan arrinta Gedo.
Xiisadda Gedo ayaa taagneyd dhowrkii sano ee la soo dhaafay, kadib markii ay gacan ku haynta gobolkaas la wareegeen ciidamada dowladda Federaalka, kuwaas oo meesha ka saaray maamulkii Jubaland ee gobolka xukumayay.
Arrinta Gedo ayaa kamid ahayd dhowr qodobo oo muddo ay u xayirnayd doorashada Soomaaliya, inkastoo dhammaan kuwii kale xal laga gaaray.










