Doorashada Kenya 2022: Duco, oohin iyo hanjabaad hareeyay ololaha doorashada Kenya ee maanta la soo gabagabeeyay

Ololaha doorashada oo maanta lasoo gagabeeyay

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Ololaha doorashada oo maanta lasoo gagabeeyay

Tallaabo u dhiganta Trump in uu Clinton ku taageerayo doorashada Mareykanka, ayaa ka socota Kenya, iyadoo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu doonaya in madaxweyne loo doorto ninka ay horey cadaawadda uga dhexeysay haatan ay saaxibka yihiin Raila Odinga-isaga oo arkayo

Ku xigeenkiisa William Ruto ayaa halgan ugu jiro sidii uu uga guuleysan lahaa doorashada 9-ka bisha August.

Waxay keentay loolan siyaasadeed oo uu Mr Ruto isku sheegay inuu yahay "nin xoogsata ah", isagoo la dagaallamaya waxa uu u arko qoysaska horey u heystay awoodda Kenya sida - Kenyatta iyo Odinga - oo doonaya inay xukunka u sii hayaan.

isaga oo isku dayayo in uu soo jiito dareenka shacabka Kenyanka ah, waxaa la arkayay isaga oo duceysanayo isla markaana ooyayo, wuxuu ku anddacooday in madaxweyne Uhuru uu u hanjabayo.

"Aniga iyo adiga waan loolami karnaa mar haddii aadan dili doonin carruurteyda. Aan is xushmeyno," ayuu yiri Ruto oo ka hadlayay isu soo bax siyaasadeed.

Uhuru oo ka jaawabayay eedeymaha uu jeediyay wuxuu yiri, "Ku dhawaad saddex sano ayaad i aflagaadeyneysay, ma jiraa qof ku taabtay?"

Murankooda Uhuru iyo ku xigeenkiisa wuxuu wejo kale u yeelayay ololaha doorashada Kenya iyadoo Kenyatta uu taageero u muujiyay Raila Odinga oo kamid ah musharraxiinta ugu cad cad doorashada madaxtinnimada.

"Madaxweynaha wuxuu arrinta Ruto u baddalay inay is dhaafsadaan hadallo kulul, Ruto wuxuu hilmaamay ninka la tartamayo oo ah Raila" ayuu yiri brofasoor Masibo Lumala oo ah falaanqeeye siyaasadda Kenya mar uu la hadlayay BBC-da.

Wuxuu hadalkiisa raaciyay "Madaxweynaha wuxuu ku guuleystay in uu kasoo horjeesto ku xigeenkiisa, taasoo ka careysiisay ku xigeenkiisa, ma ahan tallaabo fiican"

Madaxweyne Ku xigeenka William Ruto oo ay isku dhaceen Uhuru Kenyatta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Ku xigeenka William Ruto oo ay isku dhaceen Uhuru Kenyatta

Tallaabada uu madaxweyne Kenyatta ku taageeray Mr Odinga ayaa loo arkayay isku day uu ku doonayo in uu ka tego saameyn si uu mideeyo laba qoys oo si wada jir ah ula dagaalamay gumeystihii Ingiriiska - kuwaas is khilaafay 1966.

Maxay ka dhigan tahay in Uhuru uu tuuro Ruto, waxay sanadkii 2013-kii sameysteen isbaheysi ay kaga hortagayeen dacwadihii loo gudbiyay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC kadib rabshadihii doorashada ee dhimashada horseeday ee ka dhacay Kenya sanadkii 2007-dii.

"Wixii iyaga mideeyay ayaa meesha ka baxay," ayuu yiri Prof Munene oo intaas ku daray: "Hadda Ruto wuxuu rabaa in la doorto, Uhuruna wuxuu rabaa in uu raad ka tego sidaas darteed danahooda ayaa isku dhacay."

Mr Kenyatta iyo Odinga ayaa isku dhawaaday kadib doorashadii la isku khilaafay sanadkii 2017-dii, Raila Odinga wuxuu xilliggaas qaadacay natiijada doorashada, wuxuu ku baaqay in la qaadaco badeecadaha ay soo saaraan shirkadaha lala xirirriya qoyska Uhuru, wuxuu xilliggaas Raila isku tilmaamay 'madaxweynaha shacabka' kadib isu soo baxyo ballaaran uu ku qabtay Nairobi.

"Mr Odinga waxa uu u muuqdaa mid quus ka taagan xaaladda, da'diisa awgeed, tanina waxay u muuqataa inay tahay fursadiisii ​​ugu dambaysay ee doorashada," ayuu yiri Prof Munene.

Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua-musharraxiinta doorashada madaxtinimada Kenya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua-musharraxiinta doorashada madaxtinimada Kenya

Qoysaska Uhuru iyo Raila waa kuwa taajiriin ah, waxa ay hantidoodu ku fadhido ma cadda, laakiin dadweynaha waxay arkeen hantida Kenyatta markii la shaaciyay warbixintii Pandora Box ee qeexeysay maalgashiga dibadda iyo shirkadahooda kuwaas oo lagu qiyaasay $30 malyan oo doolar.

Mr Ruto ayaa sidoo kale ah maalqabeen, balse waxa uu isu muujiyay inuu yahay qof digaag iyo laws mar ku iibin jiray waddada dhinaceeda isla markaana fahmaya dhibka haysta dadka saboolka ah, kana shaqeyn doono danaha dadka haddii la doorto.

"Anaga waxaan ku mashquuli doonaa sare u qaadidda nolosha dadka saboolka ah, halka dad kale ay ku mashquulsan yihiin oo ay ku sugan yihiin huteellada, waxay qorsheynayaan sidii ay meesha ku keeni lahaayeen madaxweyne ay iyagu maamulaan, iyagoo ka shaqeynaya danahooda gaarka ah," ayuu yiri Ruto.

Yaa ku tartamaya Kenya?

Wax ka ogow musharrixiinta madaxweynaha Kenya

Dooro musharrax si aad u aragto taariikhdiisa

Raila Amollo Odinga

Isbaheysiga Azimio la Umoja

  • 77 jirkaan waxaa uu wax ka soo bartay jaamacadda farsamada ee Magdeburg ee loo yaqaano (Otto-von-Guericke Magdegburg) oo ku taalla Jarmalka.
  • Wuxuu ku tartamayaa xisbiga Isbahaysiga Azimio
  • Tani waa markiisii shanaad ee uu tartamayo. Wuxuu soo tartmay: 1997, 2007, 2013 iyo 2017
  • Odinga waa mid ka mid ah halyeeyadii u soo dagaalamay dimuquraadiga Kenya. Horay ayaa loo xiray.
  • Wuxuu noqday ra'iisul wasaare intii u dhaxeysay 2008 - 2013
  • Odinga wuxuu masuul ka ahaa mashaariic waawayn oo ay fulisay dawladii Kibaki, sida koronto galinta deegaanada miyga iyo mashruucii wadoooyinka
  • Kobcinta dhaqaalihiisa isaga oo sameynaya maal galinta ganacsiyo yaryar iyo qaybta warshadaha wax soo saara
  • Bixinta adeegyo caafimaad oo aasaasi ah
  • Tsiilaadka ciyaaraha iyo horumarinta bulshada
  • Kadib isku day afgambi oo dhacay 1 dii Agoosto ee sanadkii 1982 dii, Raila Odinga waa la xiray waxaana ku dhacay xukunno kala duwan, oo ay ka mid tahay khaa'inul wadanimo oo ah tii loo xiray iyada oo an cadeyn loo hayn. Gudiga dib u heshiisiinta iyo cadaaladda dhabta ah ayaa loo sheegay sanadkii 2011 in Odinga uu xariir lalahaa maskaxdii ka dambeysay afgambiga. Odinga marwalba wuu iska diidayay in uu ku lug lahaa afgambiga - Kaydka Taariikhda Kena

William Samoei Ruto

Isbaheysiga Kenya Kwanza

  • 55 jirkaan ayaa haysta shahaadada PhD oo uu ka diyaariyay Cilmiga Beeraha iyo Xaywaanka oo ku dhigtay jaamacadda Nairobi
  • Wuxuu u tartamayaa xisbiga Midowga Dimuquraadiyadda oo xulufo la ah ( Xisbiga Kenya Kwanza)
  • Wuxuu hugaamiyo u ahaa ururka sumcad xumadu ku dhacday ee Youth for Kanu '92 (YK'(92)
  • Wasaaradiisu waxay ahayd tan ugu wanaagsan xukuumadii ay ka tirsanayd xilligii uu ahaa Wasiirka Beeraha
  • Wuxuu noqday madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyay ee Kenya tan iyo markii la badalay dastuurka sanadkii 2010 kii
  • Wuxuu ahaa xildhibaan matala Wuqooyiga Eldoret sanadihii 1997 - 2007
  • Sanadkiiba $424 malyan oo doolar ayuu u quundeyn doonaa ganacsiyada yaryar
  • Wuxuu aasaasi doonaa santuuqa waxbarashada qaran oo bixiya cuntooyinka ardeyda
  • Wuxuu si buuxda u dhaqan galin doonaa sharciga jinsiga ee 3 meelood 2 isaga oo haween ka dhigay kala bar golahiisa wasiirada
  • 2008 dii maxkamadda Sare ee Kenya aya ku amartay mudane Ruto in uu soo ceelinyo beer 100-acre ah uuna bixiyo $62,500 oo uu siinayo Adrian Muteshi, oo ah beeraleey ku eedeeyay in uu xoog uga qaatay dhulka kadib doorashadii 2007 dii. - Sharciga Kenya
  • 2011 kii Ruto wuxuu wajahay dacwad ku aadan saddex dambi oo ka dhan ah bani'aadanimada: Dil, barakicin iyo dad uu si qasab ah uga soo waday deegaano iyo caddibaad uu u geystay dadweynaha taas oo la geeyay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah. Shan sano kadib maxkamadda ayaa lashay dawcadaha iyada oo sheegtay in eedeymuhu aysan haysan cadeymo ku filan

George Wajackoyah

Xisbiga Roots Party

  • 61 jirkaan ayaa laba mastar oo ku saabsan sharciga kahaysta jaamacadaha Warwick iyo Baltimore
  • Wajackoyah ayaa u tartamaya xisbiga Roots Party.
  • Wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan Laanta Khaaska ah xilligii dawladii Daniel Moi ka hor intii aan lagu qasbin in uu dalka isaga tago isaga oo ka cararaya dacwado ay ku soo oogi lahaayeen madaxdu.
  • Wuxuu aasaasay shirkad qareenada sannadii 2018
  • Wuxuu arrimaha sharciga iyo dhaqaalaha ka barayay jaamacada ku yaalla Mareykanka iyo Kenya
  • Sharciyaynta in maandooriyaha marijuana loo adeegsado wax soo saarka warshadaha
  • Inuu ka dhiga maalmaha shaqada Isniin ilaa iyo Khamiis
  • Caafimaad bilaash ah iyo taageerada dadka waawayn, kuwa jilicsan iyo haweenka uurka leh

David Mwaure Waihiga

Xisbiga Agano Party

  • David Mwaure wuxuu u tartamaya xisbiga Agano Party
  • Waa hugaamiyaha xibiga Agano
  • Wuxuu haystaa shaadada koobaad ee jaamacadda oo ka diyaariyay sharciga oo ka dhigtay jaamacadda Nairobi iyo shahaadada labaad oo uu ka diyaariya hugaaminta
  • Waa qareen sare isaga oo ku shaqeynayay sharciga in kabadan soddon sano.
  • Wuxuu leeyahay shirkad ka shaqaysa sharciga isaga oo marar kala duwan u tartamay kuraas siyaasadeed
  • Wuxuu aasaasay xisbiga Agano sanadkii 2006 dii
  • La dagaalanka musuqa
  • Abuurista shaqooyin
  • Dib u soo celinta hantida Kenya ee dibada ku maqneyd

Raila Odinga wuxuu musharrax madaxweyne ku xigeen u xushay haddii uu guuleysto haweeney horey u ahaan jirtay wasiirka caddaaladda, Martha Karua.

Mr. Ruto ayaa sidaas darteed hal-ku-dhigga uu sameystay ee "Qaranka xoogsatada ah" oo uu ula jeedo da'yarta u halgamaysa sidii ay nolol maalmeedkooda u soo dhacsan lahaayeen, wuxuuna ballan qaaday in wax laga qaban doono dhaqaalaha, isagoo sheegay in ay faa'iido u yeelan doonto dadka saboolka ah.

Ololaha doorashada oo maanta lasoo gagabeeyay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ololaha doorashada oo maanta lasoo gagabeeyay

Raila Odinga wuxuu sheegay in uu diiradda saari doono wax soo saarka dalka iyo warshadaha sidii shaqo loogu sameyn lahaa dhalinyarada.

Wuxuu sidoo kale sheegay in laba milyan oo qoys oo danyar ah uu u ballan qaaday in uu bishiiba uu siin doono 6,000 oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta 50 doolar kana mid ah sanduuqa ilaalinta bulshada ee cusub haddii loo doorto madaxweyne

Sidoo kale, waxaa doorashada madaxweynana u tartamaya labo musharrax oo kale oo qareen ah oo lagu kala magacaabo, George Wajackoyah iyo David Mwaure.

  • George Wajackoyah, wuxuu ballaan qaaday in uu sameyn doono shaqo abuur isla markaana uu xoojin doono wax soo saarka xashiishka.
  • David Mwaure, wuxuu sheegay in haddii lasoo doorto uu ciribtiri doono musuq maasuqa.
Ololaha doorashada oo maanta lasoo gagabeeyay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ololaha doorashada oo maanta lasoo gagabeeyay

Khubarada qaar ayaa saadaaliyay in midkoodna musharaxa uusan kheli doonin wax ka badan boqolkiiba 50% codadka doorashada, taas oo horseedeysa in wareeg labaad la qabto.

Kuwo kale ayaa aaminsan in wareegga labaad aan la isla gaari doonin balse natiijada waxaa loolan adag kala kulmi doonaa musharaxa laga guuleystay.

Doorashadii 2017-kii ayaa waxaa hareeyay wax is-daba-marin taasoo keentay in maxkamadda sare ee Kenya ay laashay natiijadii doorashada - waxayna amartay in doorasho hor leh la qabto taasoo uu ku guuleystay Mr Kenyatta kaddib markii uu qaadacay Mr Odinga.