Dalka uu qof kasta basaaso kan kale ee ay Yurub u daabbuli rabto qaxootiga

Kigali, Rwanda.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dadka booqda dalka Rwanda waxay sida badan la fajacaan in ay arkaan dal wax walba si fiican u shaqeynayo. Waa dal nadiif ah, il-qabad leh oo doog ah. Internet-ku wuu wanaagsan yahay marka la joogo Kigali oo caasimadda ah.

Intaas waxaa dheer inuu yahay dal ay dadkiisu canshuurta bixiyaan, adeegyada dowladdu waa kuwo la isku halleyn karo, jidadkuna waxaa loogu safri karaa si badqab iyo nabad leh. Dawladdu waxay xoogga saartaa buunbuuninta in dalkeedu uu yahay waxa ay ku tilmaantay dalka ugu ammaanka badan caalamka.

Tusaale u soo qaado cudurka Covid-19 , Rwanda kama labalabeyn in ay qaadato buunka oo ay degdeg u soo rogto xayiraad si adag loo hirgaliyay.

Marka la eego kor-u-kiciii dhaqaalaha ee dalkaas ee labaatankii sano ee la soo dhaafay ayaa keenay in Rwanda lagu naanneyso Switzerland-tii Afrika.

Iskuul-wiidada iyo fasallada luuqadaha

Xeryaha ay Ingiriisku geynayaan magangalyo-doonka sida uu dhigayo heshiiska cusub ee ay la saxiixdeen Rwanda waxay u dhowdahay in ay yihiin kuwo si wanaagsan looga soo shaqeeyay. Wuu ka duwan yahay xeryaha qaxootiga ee laga sameeyay teendhooyin iyo baco ee inta badan lagu arko caalamka.

Dalka oo dadkiisu ay gaarayaan 13 milyan oo qof ayaa horay u qaabbilay 900 oo qof oo magangalyo-doon ah oo ka yimid Libya tan iyo sanadkii 2019-kii, kuwaas oo ku yimid heshiis wadajir ah oo ay Hay'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) la gashay ururka Midowga Afrika.

Gashora Rwanda

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Xarunta Gashora oo ay maamusho Qaramada Midoobay waxay ka dhisan guryo, iyadoo qaar badan oo dadkii ka yimid Liibiya ah ay horay u sii aadeen meelo kale oo adduunka ah

Dadka magangalyo-doonka ah ayaa guryo looga sameeyay deegaanka Gashora oo 60 km u jirta magaalada Kigali.

UNHCR ayaa sheegtay in ay tahay xarun qaxooti, laakiin u dhisan qaab xarun degdeg ah oo lagu sii hakado. In ka badan kala bar dadkii ku noolaa waxaa loo qaaday Sweden, Canada, Norway, France iyo Belgium.

Xaruntaas oo ay maamusho Qaramada Midoobay waxaa dadka lagu baraa xirfadaha gacanta oo ka caawinaya in ay abuurtaan nolol cusub. Waxay leedahay dugsi lagu barto baabuur-wadidda iyo fasallo lagu barto luuqadaha iyo kuwo kale.

Dad basaasa dadka kale

Dalka Rwanda waxaa la sheegaa in dadkiisu uu qof kasta basaaso qofka kale, xitaa xilliyada ay baararka ku sheekeysanayaan. Waxaa jira warar kale oo dowladda ku eedeynaya in ay adeegsato barnaamijyo lagu shubo teleefoonnada oo u suurtagelinaya inay dhegeysato wada-sheekeysiyada.

Marka laga hadlayo fulinta sharciga iyo ubaxa baahsan ee ku goglan Kigali waxaa ku hoos jira cabsi.

Haddii aad gasho maqaayad oo aad isku daydo in aad billowdo sheeko ku saabsan dhinacyo is-haya waxaa lagu weydiisan doonaa in aad aamusto, waxayna u badan tahay in lagugu dacweeeyo maamulka.

Kuwa loo arko in ay halis ku yihiin dalka waxaa loola dhaqmaa oo lagu qabtaa gacan adag.

"Waxay u eg tahay Switzerland-tii Afrika, laakiin waa dal aad wax u cadaadiya oo cabsigelin badan," ayuu yiri Michela Wrong oo ah qoraha buug dhowaan la daabacay oo ku saabsan Rwanda oo loo bixiyay "Ha rabshin".

Maalinta Sabtida ah ee ugu dambeysa bil walba qof kasta wuxuu u tagaa deriskiisa si loo sameeyo olole nadaafeed oo wadajir ah. Waxaa la xaaqaa waddooyinka, waxaana la ururiyaa qashinka.

Howshan waxaa loo yaqaannaa "Umuganda" oo macnaheedu uu yahay "Shaqo dadweyne".

Qof Rwanda u dhashay oo codsaday in aan la magacaabin ayaa faahfaahiyay in uu jiro sharci dadka ku qasbaya inay ka qeyb qaataan shaqadaas nadaafadeed, laakiin waxaa jirta cabsi ah in ay kugu dhici karto sumcad-xumo haddii uu qof kaa warbixiy, laguuna diiwaangalin doono in aad tahay qaswade.

Cunsuriyad aan la aqbali karin

Dowladda Denmark ayaa sanadkii hore shaacisay in ay qorsheyneysay heshiis la mid ah kan Ingiriiska in ay la gasho Rwanda, waxaana u jawaabay Ururka Midowga Afrika .

"Isku-dayga la doonayo in lagu joojiyo tahriibeyaasha Afrika ee ku sii jeeda Yurub waa cunsuriyad aan gebi ahaanba la aqbali Karin," ayuu Midowgu ku dooday bishii August ee la soo dhaafay.

Afrika waxay horay u qaabbishay 85% qaxootiga caalamka, "iyadoo ay jiraan xaalado dabadheeraanaya, halka dalalka horumaray ay qaabbileen 15% oo keliya," ayuu sii raaciyay.

"Waa diginin loo jeedinayo magangalyo-doonka oo ah qof kasta oo ka carara cadaadiska Afrika ka jira, waxaana lagu cabsi-gelinayaa in dib loogu soo celiyo Rwanda."

Qorshaha Ingiriiska ayaa shaaca ka qaadaya in magangalyo-doonka ay waqti badan joogayaan Rwanda, halkaasna ay degi karaan oo ku baraari karaan, sida uu sheegay Xoghayaha arrimaha Gudaha ee Ingiriiska.

Ma cadda inta qof ee Rwanda ay rajeyneyso in ay aqbasho iyadoo dalkaas uu ka mid yahay dalalka Afrika ee cufka dadkoodu uu aadka u badan yahay. Laakiin, Raysul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson wuxuu sheegay in ay doonayaan tobannaan kun oo dad ah inay sanadaha soo socda geeyaan Rwanda.

Wrong wuxuu xusay in Rwanda uu yahay dal ay dadkiisu yihiin beeraley, isla markaana hal inji oo kasta oo ay wax ka bixi karaan la beerto, dalkaasina uusan tabar u lahayn in uu qaabbilo qaxooti.