Rwanda oo lagu dilay rag Al-Shabaab lagu xiriirinayo

wararka

Booliiska wadanka Rwanda ayaa sheegay inay toogasho ku dileen wax ay ku tilmeemeen sadex qof oo looga shakisan yahay argagixiso magaalada Bugarama ee dhacda Koonfurta Galbeed ee dalkaasi Rwanda.

Booliisku waxay sheegeen in la tuhunsanyaasha intii aan la dilin ay qirteen inay la shaqeynayeen kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Arintan ayaa ku soo aadaysaa iyadoo maalinimadii Khamiistii ee Shalay ay ciidamada Booliisku ku dileen magaalada Kigali ee caasimada Rwanda nin looga shakisan yahay inuu argagxiso yahay.

Qaar ka mid ah taageerayaasha mucaaradka ayaa sheegay in ninkaasi lagu dhex dilay xabsi qarsoodi ah oo ay adeegsadaan ciidamada sirdoonka Rwanda. Ninkaasi oo ka soo jeeda Waqooyiga dalkaasi ayaa waxaa la sheegay in la waysanaa in ka badan sanad.