Paul Rusesabagina: Qoyska halyeygii Hotel Rwanda oo Mareykanka ka furay dacwad magdhaw oo $400m ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoyska Paul Rusesabagina, ninkii uu ku socday filimkii Hotel Rwanda kaas oo loo sharraxay abaalmarinta Oscar ee filimaanta, ayaa waxa ay maxkamadda geeyeen dacwad ay ku dalbanayaan magdhaw ku kacaya $400m, taas oo ay geeyeen maxkamad ku taal Mareykanka iyagoo xusay eedo ah afduubka iyo jirdilka ninkaasi.
Sanadkii la soo dhaafay ayaa maxkamad ku taal waddanka Rwanda waxa ay ninkaasi 25 sanadood oo xarig ah ugu ridday falal argagixisanimo, arrintaas oo taageerayaashiisa ay ku tilmaameen inay aheyd maxkamadayn aanan waxba ka jirin.
Qoyskiisa ayaa waxa ay sheegayaan in dowladda Rwanda ay ninkaas ka soo kaxaysatay gobolka Texas, halkaas oo uu qurba-joog ahaan ugu noolaa, kaddibna ay gaysay Rwanda.
Waxaa ninkaas lagu amaanay inuu badbaadiyay 1,200 oo qof intii uu socday xasuuqii 1994.
Bayaan uu soo saaray qoyska Rusesabagina ayaa waxaa lagu eedeeyay dowladda Rwanda iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan inay maleegeen "fududaynta hab ulakac ah oo lagu duufsaday" Rusesabagina inuu isaga soot ago gurigiisa oo ku yaal San Antonio oo la geeyo Rwanda "halkaas oo ay u badaneyd in lagu jirdilo oo si sharci-darra ah loogu hayo inta ka dhiman noloshiisa.
Bayaanka ayaa intaasi ku daray in $400m ee magdhawga ah "ay sii kordhi doonto inta uu Paul Rusesabagina ku jiro xabsiga".
Bayaanka ayaa lagu sheegay in cabashada lagu gudbiyay Washington DC, waxaana la gaarsiiyay dowladda Rwanda, taas oo aanan illaa hadda meel fagaare ah umuurtaasi kaga hadal, sidoo kalana kama aanay soo jawaabin codsi ay BBCda u gudbisay oo la xiriiray waxa ay arrintaasi kaga jawaabayso.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xasuuqa Rwanda ayaa waxa uu socday muddo 100 maalmood oo ka bilaabmatay bishii Abriil 1994, markaas oo 800,000 oo qof, oo u badan qowmiyadda Tutsi, ay laayeen kooxo xagjir ah oo ka tirsan bulshada Hutu-ga.
Rusesabagina - oo waagaas ahaa maamule hoteel - ayaa waxa uu 1,200 oo qof ka ilaaliyay qulqulatada, kaddib markii ay hoy u galeen dhismaha. Filim uu Hollywood-ka ka jilay wixii dhacay ee la baxay Hotel Rwanda ayaa 2004 waxaa laga sameeyay dhacdada, iyadoo Don Cheadle uu iska dhigay Rusesabagina.
Sannadkii xigay Madaxweynihii Mareykanka ee xilligaasi George W Bush ayaa waxa uu siisay abaalmarinta madaxweynaha ee Xorriyadda taas oo uu ku mutaystay dedaalladii uu ninkaasi sameeyay.
Hasayeeshee Rusesabagina oo ahaa nin bini'aadamnimada ku dheer oo aad loo qadariyo ayaa Rwanda loogaga arkayay cadaw maadaama dhaleecayntiisa dowladdii dalka timid kaddib xasuuqa iyo Madaxweyne Paul Kagame ay dad badan dhegaha u raariciyeen.
Muuqaal uu 2018 soo duubay ayuu Rusesabagina ku baaqay in maamulka dalkaas la badelo, isagoo sheegay in "la gaaray waqtigii aynu adeegsan lahayn waxkasta ee aan heli karno si aan isbadel uga dhalinno Rwanda".
Waxaa la xiray 2020, markaas oo sida ay sheegayaan taageerayaashiisu, diyaarad gaar ah lagu qaaday taas oo uu rumaysnaa in Burundi ay gaynayso, hasayeeshee ay ka degtay caasimadda Rwanda ee Kigali. Bishii Sibteembar ee sanadkii tegay ayaa maxkamad waxa ay ku heshay dambi ah inuu baritaaray koox fallaago ah oo ka dambaysay weerraro ay dad badan ku dhinteen oo Rwanda ka dhacay 2018 iyo 2019.
Waqtigaas dowladda Mareykanka oo halkii uu Rusesabagina deganaa, ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay xukunka ninkaas lagu riday.












