Xasuuqii Rwanda: 'Waxaan ka mid ahay Carruurtii kufsiga ku dhashay'

Carine iyo wiilkeeda Jean-Pierre
    • Author, Flora Drury
    • Role, BBC News

Wiil 24 jir ah oo reer Rwanda ah oo hooyadiis lagu kufsaday xasuuqii dalkaas ka dhacay ayaa BBC-da uga warramay sidii uu ku ogaaday duruuftii u ku dhashay. magacyadoodii ayaa la baddalay sababo la xiriira ceebta ku gadaaman kufsigaas, oo ilaa maanta jira.

Jean-Pierre ayaa sheegaya in markii uu sii dhammaynayey dugsiga hoose laga codsaday in uu warqad buux buuxiyo balse uu iswadiiyey cidda dhab ahaantii aabbe u ah.

"Ma aanan aqoon- ma aanan garanayn magaciisa," ayuu yidhi.

Digniin: dadka qaar waxaa laga yaabaa in ay ka xumaadaan waxyaabo ka mid ah qoraalkan.

In aabe aanu guriga kugula noolayn waa wax aan caadi ahayn: carruur badan oo kale ayaa sidaas oo kale laga yaabaa in aanay aabbe lahayn - in ka badan 800,000 oo qof ayaa lagu dilay xasuuqii Rwanda ka dhacay sannadkii 1994-tii.

Hand of Carine (not her real name) in Rwanda
BBC
My son kept asking who his father was. But among 100 men or more who raped me, I could not tell the father"
Carine
Rwandan genocide rape victim
Presentational white space

Waxa uu maqli jiray xanta dadka tuulada ku nool, iyo magacyada loogu yeero - balse sanooyin badan ayay ku qaadatay in uu xaqiiqada ogaado.

Hooyadiis ayaa mar ay sheekadaan ka hadlaysay waxa ay tidhi: " Ma ahan wax hal mar la wada qaadan karo".

"Waxa uu maqlay xog kala duwan. xan ayuu maqlay. qof kasta oo bulshada ka mid ah waa uu ogyahay in la i kufsaday. ma jirin wax aan arrintaas ka qaban karey," ayay tidhi.

"Wiilkayga waxa uu waligiisba i waydiin jiray waa kuma aabbahay. balse 100 nin iyo ka badan ayaa in kufsaday, ma sheegi karo aabbihiis."

'Meel aan u cararo ma leh'

Dhab ahaantii sida ay carruur badani ku dhasheen ayaa ah natiijadii ka dhalatay kufsigii ka dhashay xasuuq 100 maalmood ah oo 1994 ka dhacay dalkaas.

Qamada Midoobay ayaa samaysay dadaallo ay ku doonaysay in ay kusoo afjarto gaboodfalladan la xiriira galmada - Kufisiga ayaa sannadkii hore sida hubkii loogu adeegsaday dagaallada ka dhacaya laga bilaabo Suuriya ilaa Colombia iyo sidoo kale laga bilaabo Jamhuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo ilaa Myanmar,

Dadkii ka badbaaday kufsigaas ayaa baraha bulshada ku soo bandhigay sheekooyinkooda ayagoo adeegsanaya hashtag-gga #EndRapeinWar.

,

Xigashada Sawirka, AFP

Balse lama aqoonsan karo dadkii dhacdooyinkaas ku lugta lahaa - xataa haddii nus karni dambe la baaro. markaan eegno sheekada Carine way iska caddahay sababta ay u sugaysay tan iyo inta uu cugeedu ka waynaanayo.

Da'da uu haatan wiilkeedu jiro ayay jirtay markii la kufsaday, waxayna ka mid ahayd boqolaalkii kun ee haweenka ahaa kana soo jeeday qawmiyadda Tutsi-ga oo ay fara xumeeyeen maleeshiyaadkii Hutu-ga oo ay wada dagaan.

,

Xigashada Sawirka, Getty Images

Marka la eego dhibaatada gaartay, Carine calaf uun baa u laabnaa oo kaliya.

.

"Carruur la dayacay"

Sheekadaan - ama kuwo la mid ah ayaa 25-kii sano ee la soo dhaafay laga werinayey carruurta reer Rwanda, in kastoo aan marna si daah furan looga hadlin.

"Kufsigu waa xaaraan, inta badanna ceebta haweenka uun bay ku dhacdaa halkii ay ragga ku dhici lahayd" ayuu yidhi Sam Munderere, oo ah madax fulinta ee hay'ad gargaarka ka shaqaysa.

Interahamwe militiamen pictured in 1994
AFP
Rwanda's genocide

  • 6 April 1994President Habyarimana, a Hutu, killed in plane explosion

  • Over 100 days Hutu extremists kill some 800,000 Tutsis and moderate Hutus

  • 4 July 1994 Tutsi-led RPF rebels capture the capital Kigali

  • Two million Hutus flee to Zaire, now DR Congo, fearing revenge attacks

  • 93ringleaders indicted by a UN tribunal

  • 12,000community courts try more than 1.2 million suspects

Source: BBC/UN
Presentational white space

Waxa uu sheegay in mar marka qaar, la takooro hooyooyinka oo ay qaraabadoodu ku tirtirsiiyaan in ay carruurta iska xooraan. mar marka qaarna qoysas ayaaba ku burbura.

Haweenka ayaa arrintan qarsada, sidaas darteedna marka ay carruurtu waawaynaadaan sida Jean-Pierre, ayay ogaadaan in aanay aabbe lahayn.

"Mushkiladdu waa in hooyooyinku ay haatan ilmahooda u sheegayaan in ay dhasheen xasuuqii kaddib. waxaa u fududayd in ay mar horeba dhahaa "aabbahaa waxaa uu ku dhintay xasuuqii."

"Balse markii ay carruurtii koreen, waxa ay iswaydiinayaan su'aalo badan, hooyaduna waxa ay ku khasbanaanaysaa in ay runta sheegto".

Carine waxa ay ugu dambayntii wiilkeeda Jean-Pierre u sheegtay sheekada oo idil oo ku saabsan sidii uu ku uur galay, dhalashadiisii iyo haatan oo uu 20 jir yahay.

Waxa uu sheegay in uu arrintaas aqbalay, balse wali waxa uu dareemayaa in aanu garab haysan oo uu aabbe u baahan yahay.

,

Xigashada Sawirka, Reuters