Shiinaha: Malaayiin Muslimiin oo loo ciqaabo maxaad u cibadeysataan

Shiinaha ayaa xabsiga u taxaabay ugu yaraan 630 Imaam tani iyo 2014-kii howlgallo ay ka wadeen gobolka Xinjiang, sida lagu sheegay cilmi-baaris cusub oo ay sameysay koox u doodda Xuquuqda qowmiyadda Uyghur.
Nuqul ka mid ah warbixintan oo BBC soo gaaray ayaa lagu sheegay cilmi-baarista in lagu ogaaday 18 sheekh iney ku dhinteen xabsiyadii ay ku jireen.
Inta badan culimada iyo Imaamyada u xiran xukumadda Beijing waxa lagu soo oogay dacwad la xiriirta'iney xagjirnimada faafinayeen', 'carqaladeynta nidaamka bulshada', iyo 'abaabul gooni-u goosad.'
Hase yeeshee ehelada Imaamyadu waxay sheegayaan waxa loo haysto iney tahay oo keli ah Muslimiinta oo ay wacdiyeen, waxbaridda ducaadda iyo iney masaajidda Imaamyo ka noqdeen.
Kooxdan u doodda xuquuqda qowmiyadda Uyghur waxaa kale oo ay sheegeen culimada Muslimiinta oo ay tiradooda kor u dhaafeyso 1,046 oo ay intooda badan yihiin Muslimiinta Uygure iney xabsiyada dowladda Shiinaha ku jiraan. Tiradaasi oo ay kooxdu sheegeen iney ka soo xigteen dokumantiyada maxkamadaha, marag furka qoysaskooda iyo xogta dadweynaha ay ka soo uruuriyeen.
630-ka wadaad ee muddada gacanta lagu hayay 304 ka mid ah waxaa loo diray xabsi, tallaabadaas oo kasoo horjeedda ololaha dowladda ee "dib wax u barista" oo laga sameeyo xeryo ay hayadaha xuquuqda u dooda ku qeexeen in dowladda Shiinaha ay ku xareyso Muslimiinta Uyghur.
Dowladda Shiinaha waxay difaacday xeryaha lagu xiray dadka, iyadoo sheegtay in ay yihiin kuwo ku meel gaar ah "oo wax lagu barto" si looga hortago falalka argagixisanimada iyo xagjirnimada dhinaca diinta.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Isku xiritaanka diinta iyo xagjirnimada
Shiinaha ayaa la aaminsan yahay inuu xirxiray in ka badan hal milyan oo qof oo kasoo jeeda qowmiyadda Uyghur iyo Muslimiinta kale ee gobolka Xinjiang, oo ah gobol aad u weyn oo ku yaalla waqooyiga-galbeed ee dalka Shiinaha, hoyna u ah dadka loo yaqaanno Turkic oo qabiillo kala duwan ah.
Dowladda waxaa lagu dhaliilay inay gobolkaas ka geysatay tacaddiyo bani'aadannimo, oo ay ka mid yihiin in dad lagu khasbay shaqo iyo kufsi.
Inta badan dadka la qabtay waxaa lagu xareeyo xeryo la sheegay in "dib wax loogu barayo" - kuwaasoo ah xarumo sida xabsiga oo kale ah oo dadka lagu hayo waqti aan la cayimin. Tirada dadka meelahaas la geeyo ayaa aad u badatay tan iyo sanadkii 2017-kii.

Aad bay u yartahay in la arko xarumo dadka lagu xiro oo la yaqaanno , sidoo kalena lama helo xogta la xiriirta dacwadahooda.
Dabayaaqadii sanadkii 2019-kii, markii ay dunida ka qeylisay xeryaha "dib wax ugu baridda" ee Shiinaha waxay Beijing sheegtay in ay sii deysay inta badan dadkii meelahaas lagu hayay. Tiro badan ayaa lasii dayaay, qaarkoodna waxaa loo baddalay xabsi guri ama qaabab kale oo ay dowladdu kula socoto dhaqdhaqaaqyadooda.
Laakiin hay'adaha xuquuqda aadanaha waxay sheegeen in dadka badankiis loo wareejiyay xabsiyada caadiga ah.


Billowga qorshaha 'Dib u waxbaridda'
Goobta ugu weyn ee Muslimiinta Uighur ee dalka Shiinaha lagu ciqaabo waxay ku taalla dhul lamadagaan ah oo ku yaalla Galbeedka Janjang degma yar oo ku taallo oo la yirahdo Dabacheng.
Darbiga xabsigan ku wareegsan wuxuu gaarayaa 2 kiilo mitir waxaana darbiga ka sii dul dhisan 16 guri oo shub oo kuwa askarta ilaalineyso maxabiista ay adegsadaan.
Waxaana la helay caddeeymo cad oo muujineyso inuu Shiinaha muwaaddiniinta u dhalatay Shiinaha ee aaminsan diinta Islaamka uu qarniyo badan goobtan iyo gooba kale oo la mid ah oo ku yaalla dalka qaybahiisa kala duwan uu ku soo ciqaabeyey.
Sidee lagu ogaaday?
Laga billaabo 2015-kii dhulka lama dagaanka ee xabsiga laga dhisay waxaa ku soo qulqulayey gaadiid fara badan oo sida qalabka dhisamaha loo adeegsado taasoo dadka deegaannadaasi ku nool ay la yaabbanaayeen iyaga oo ugu dambeynti xaqiiqsaday in wax un laga dhisi doono balse dhisamahaasi waxa uu yahay cidna ma sheegi karin.
June 2018-ka wixii ka dambeeyey Dayax-gacmeedyadu waxay billaabeen iney soo saaraan sawir dhismo u eg, dhismahaasi oo ah mid aad u weyn oo dhulka lamadagaanka ah ee galbeedka Shiinaha laga dhisay isla markaana si aad ah loo ilaaliyo.
Darbiga ku wareegsan oo keli ah dhererkiisu waa laba Kiilo Meetir, Waxaana ku nool kumannaan asakari oo aad u hubeysan oo ilaalida xabsiga ah.
Balse cidna ma ogeyn qarniga aan joogno xadgudubyada bani aadamka loo geysta kuwooda ugu xun in xabsigan looga geysto muslimiinta Uighur ee dalka Shiinaha.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Cibaadada Qarsoon
Tani iyo 2019-ki markii ay soo ifbaxday hadal haynta xaruumaha Shiinaha uu ku hayo Muslimiinta dalkaasi waxaa soo ifbaxay baaritaanno caalami ah. Wixii intaa ka dambeeyeyna Shiinaha wuxuu billaabay inuu ku andacoodo dhammaan dadkii xaruumahaasi ku jiray oo dhan inuu sii daayey.
Halka ay kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda ay sheegayaan in qaar badan xaruumahaasi laga soo saaray si fududna loogu wareejiyey xabsiyo rasmi ah.
Wargeyska New York Times wuxuu qoray inti u dhaxeysay 2017-2018 iney dowladda Shiinaha xabsiyada u taxaawday Muslimiin ka badan 230,000.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Musimiintana waxay dowladda Shiinaha ka mamnuucday iney Salaadaan ama Soomaan astaan diineedna ay muujiyaan ciddi sidaa sameysana ay ciqaab adag la kulmayso. Masaajiddi ay Muslimiinta ku cibaadeysanayeen oo dhanna waxay ku xirtay kaameerooyin dhaqdhaqaaqa Muslimiinta lagala socdo.
Beijing waxay burburisay in ka badan 16,000 oo masjid oo ku yaallay gobolka Xinjiang si ay Muslimiinta u waayeen goobo ay ku cibaadeystaan ama ay isugu yimaaddaan.

Xigashada Sawirka, AFP
Carruurta Muslimiinta Uighure
Shiinaha ayaa xoog ku kala qeybiyay qoysaska Muslimiinta Uighur, waxaana caruurta yaryar la geeyay xarumaha agoonta ee dalkaas, sida ay sheegtay Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.
Warbixin cusub, ayay Amnesty ku sheegtay in Shiinaha ay ka codsatay in la siidaayo dhammaan carruurta Muslimiinta ee lagu hayo xarumaha agoonta ee aan ogolaansho looga haysan qoysaskooda.
Hay'addan ayaa lahadashay waalidiin caruurtooda ugaga tagay eheladooda Shiinaha, ka dib markii lagu khasbay in ay wadanka ka cararaan.
Urururada u dooda xuquuqda aadanaha waxay Shiinaha ku eedeeyeen inuu xiray in ka badan hal milyan oo ah Muslimiinta Uighur.
Dowladda Shiinaha ayaa sidoo kale la kulantay eedeymo fara badan oo ah xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah oo ka dhan ah qowmiyadda Uighur iyo Muslimiinta kale ee laga tirada badan yahay, waxaana tacaddigaasi ka mid ah, muquunin, isir sifeeyn qasab ah, iyo kufsi.
Dowladda ayaa beenisay in ay qowmiyadda Uighur ku hayso xeryo ku yaal gobolka Xinjiang ee woqooyi-galbeed Shiinaha. Waxay sheegtay in xeryaha ay yihiin "dhaqan celin ah" oo loo adeegsado la dagaalanka argagixisada.
Maadaama marinka Xinjiang uu yahay mid xadidan, hay'adda Amnesty waxay lahadashay Uighur-ka ay u suuro gashya in ay ka cararaan Xinjiang kahor inta aan la xoojin caburinta dadkaas Muslimiinta ah lagu hayo, sannadkii 2017.
Mihriban Kader iyo Ablikim Memtinin waxay ka soo qaxeen magaalada Xinjiang, waxayna haddan deggan yihiin dalka Taliyaaniga, sannadkii 2016 ka dib markii ay booliska dhibaateeyeen isla markaana lagu cadaadiyay in ay ka tanaasulaan baasabooradooda, Amnesty ayaa sidaasi tiri.

Xigashada Sawirka, Reuters
Waxay afar cartuur ah uga tageen xanaanada kumeelgaarka ah ee ayeeyadeed iyo awoogeed, laakiin ayeeyadeed ayaa loo qaaday xero lagu hayo, halka awoowgana ay su'aalo weydiinayaan booliska, ayay hay'adu tiri.
"Qaraabadayada kale kuma dhiiran karaan in ay ilaaliyaan caruurteyda ka dib wixii ku dhacay waalidkey," Mihriban ayaa u sheegay Amnesty. "Waxay ka baqayeen in iyagana xerada la geeyo."
Bishii November ee 2019-kii, Mihriban iyo Ablikim waxay dowladda Taliyaaniga ka heleen ruqsad ay ku keenayaan carruurtooda si ay ula midoobaan, laakiin carruurta waxaa qabtay booliska Shiinaha, waxaana loo diray xarunta agoonta ee ay maamusho dowladdu, sida ay sheegtay Amnesty.
"Hadda carruurtayda waxay ku jiraan gacanta dawladda Shiinaha mana hubo in aan awoodi doono in aan mar kale la kulmo inta aan noolahay," ayuu yidhi Mihriban.
Omer iyo Meryem Faruh, oo u qaxay Turkiga, dabayaaqadii 2016, waxay ka soo tageen laba caruur oo shan iyo lix sano jirro kala ahaa, sababtoo ah ma aysan haysan dukumiintiyo dhanka safarka ah, Amnesty ayaa sidaas ku xustay warbixinteeda.
Waxay ogaadeen goor dambe in ayeeyadii ay uga tageen caruurta la xiray lana geeyay xero oo ilaa iyo hada wax war ah aan laga helin caruurtooda.
Hey'adaha xuquuqda aadanaha ayaa horay Dowladda Shiinaha ugu eedeysay in dadka Muslimiinta ay ku qasabto in ay ka baxaan diinta Islaamka iyo tashkiilin qasab ah, iyo in maskaxdoodana laga masaxo fikirka diinta Islaamka ee ay aaminsan yihiin.
Xaaladda Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighur ayaa sanadihii dambe laga deyrinayay, ka dib markii la soo wariyay in dhibaato joogta ah ay kala kulmaan xukuumadda Shiinaha.











