Afghanistan: 'laba halis' - Muslimiinta Uyghurs cabsida Taliban oo uga daran midda Shiinaha

Xigashada Sawirka, AFP

Horraantii toddobaadkan, ayay duufaantu billaabatay kaddib markii Taliban ay la wareegeen talada Afghanistan, koox yar ayaa isugu timid guri ku yaalla magaalada waqooyiga dalkaasi ku taalla ee Mazar-i-Sharif. Martida ayaa tiro yar ku timid, hal iyo labo labo, iyaga oo ka baqaya in indhaha dadka ay soo jiitaan.
Waxay ahaayeen duqeyda qowmiyadda Wiigar ee magaalada, iyo xubno qoysaskooda ah iyo kuwo kale oo magaalooyin kala duwan jooga oo shirka ka soo galay qadka Skype. Jawiga gurigu wuxuu ahaa mid cabsi leh. Keliya waxaa laga hadlayay hal mowduuc oo ah: baxsasho.
Nin da' dhexaad ah ayaa bilaabay inuu telefoonno u diro kuwa xuquuqda bani'aadamka u dooda oo Turkiga jooga, isaga oo caawinaad weydiisanaya. Midkood kama uusan jawaabin wicitaanka.
Mid kale oo telefoonka qabtay ayaa sheegay inuu u sameyn doono wax walba oo uu awoodo, balse haatan uusan wax badan u qaban karin.
Kooxda ayaa ninka ku boorrisay inuu wicitaanno badan sameeyo oo uu isku dayga sii wado, balse wax war fiican ah kama soo bixin. Markii xilli habeen ah la gaaray ayay martidii iska kala dareereen, iyagoo u tadaxaraya sidii ay ku yimaadeen.
"Ma heysanno hadda cid ina caawisa," mid ka mid ah ayaa sidaasi u sheegay BBC-da kaddib kulanka. "Waynu naxsannahay," ayuu yiri. "Qof walba wuu argagaxsan yahay."
Sida malaayiinta kale ee reer Afghanistan, qowmiyadda Wiigar ee dalkaasi waxay toddobaadkan la soo toosayeen dhowr dhacdooyin dhab ah, oo ay ka mid tahay in Taliban ay awoodda la wareegtay.
Sida dadka kale ee Afghanistan, Muslimiinta Wiigarka ayaa ka baqaya Taliban. Balse sidoo kale wax kale ayay ka cabsanayaan: saameynta weyn ee Shiinaha.
Ilaa 12 milyan oo Wiigar ah ayaa ku nool Shiinaha, kuwaasoo ku badan gobolka waqooyi-galbeed dalkaasi ku yaalla ee Xinjiang.
Tan iyo sanadkii 2017, iyaga iyo qowmiyado kale oo Muslimiin laga tiro badan yahay ah ayaa waxay la kulmeen ololaha Shiinaha ee xiritaanka, ilaalada, shaqaaleysiinta qasabka ah, iyo, sida ay dadka qaar sheegayaan, dhalmada oo laga joojiyo, jirdil iyo kufsi.
Shiinaha ayaa mar walba beeniya dhammaan tacaddiyada xuquuqda aadanaha ee ka dhaca Xinjiang, waxayna sheegtay in xeryaheeda ay yihiin kuwo waxbarasho oo loogu talo galay in lagula dagaallamo xagjirnimada.
In badan oo ka mid ah Wiigarka Afghanistan - oo loo maleynayo inay dhan yihiin 2,000 - waa jiilka qaxootiga labaad ee waaliddiintooda ay ka qaxeen Shiinaha tobnaan sano kahor, inta aysan bilaaban ugaarsashadan.
Balse kaararkooda qaxootiga ee Afghanistan ayaa weliw axaa ugu qoran "Uyghur" ama "Qaxooti Shiinees ah", waxayna ka baqayaan in haddii Shiinuhu soo galo meesha uu Mareykanku banneeyay, ay iyaguna noqon doonaan bartilmaameedka.
"Taasi waa cabsida ugu weyn ee ay qabaan Wiigarka Afghanistan," sida uu sheegay nin Wiigar ah oo da'da kontomaadka jira kuna nool Kabul, kaas oo sheegay in qoyskiisa aysan ka tegin gurigooda tan iyo intii ay Taliban qabsadeen dalkaas.
"Waxay ka baqayaan in Taliban ay Shiinaha ka caawin doonaan inuu xukumo dhaqdhaqaaqooda, amaba way na xiri doonaan oo waxay noo gacan gelin doonaan Shiinaha," ayuu yiri.
Dhammaan Wiigarka ku nool Afghanistan ee la hadlay BBC-da waxay sheegeen inay guryaha isku qarinayeen tan iyo intii Taliban ay awoodda la wareegeen, iyaga oo mar mar uun telefoonka iskula xiriirayay.
"Waxaynu nahayn hadda sida dad dhintay oo kale," ayuu yiri nin kale oo Wiigar ah oo ku nool Kabul. "Aad ayaan uga baqeynaa inaan xitaa bannaanka u baxno."
Aabbe ku sugan Mazar-i-Sharif ayaa sheegay inay guryaha isku qarinayaan isaga, xaaskiisa, carruurta iyo qoyska intiisa kale.
"Waa 10 maalmood hadda oo aan guriga joogno, nolosheennu dhib ayay ku jirtaa," ayuu yiri. "Waxay si cad ugu qoran tahay kaararka aqoonsigeenna inaynu nahay Wiigar."


Xigashada Sawirka, Getty

Cabsida Shiinaha waa mid aan sal lahayn. Dowladda Shiinaha ayaa sanadihii la soo dhaafay ballaarisay ugaarsigeeda Wiigarka ku nool meel ka baxsan dalkaas, iyadoo adeegsaneysa khiddado xaasidnimo ah oo lagu aamusiinayo dadka amaba mararka qaar lagu xirayo dibna loogu celinayo Xinjiang.
Xogta la daabacay bishii June ayaa waxaa ku xusan in ugu yaraan 395 Wiigar ah la musaafuriyay, gacanta loo geliyay Shiinaha, amaba dib loo soo celiyay tan iyo sanadkii 1997, inkastoo laga yaabo in tirada rasmiga ah ay intaas ka badan tahay.
"Shiinaha wuxuu aad u maalgashaday uuna xiriirro dhow oo diblomaasiyadeed la yeeshay dalalka Aasiyada dhexe, natiijaduna waxay noqotay in Wiigarka dalalkaas ku nool ay beegsadaan booliiska iyo basaasiinta Shiinaha," ayuu yiri Mehmet Tohti, oo ah qof u dooda xuquuqda Wiigarka oo caan ah kuna nool Canada.
"Waxaynu ka aragnay tusaalooyinkaas hore in xiriirka dhow ee diblomaasiyadeed ee Shiinaha ay ka dhalatay ciqaabidda Wiigarka."


Shiinaha ayaa laga yaabaa inuu ka fekerayo istaraatiijiyad taas la mid ah oo uu kula dhaqmo Taliban. Isbahaysigan ayaa laga yaabaa inuusan si uun isku mid u noqon - Taliban ayaa xiriir taariikhi ah la lahayd kooxaha Wiigarka, quwadihii ugu horreeyay ee uu Shiinuhu sheegay inay khatar ku yihiin ammaankiisa.
Balse Taliban ayaa sidoo kale iskaashi taariikhi ah la lahayd Shiinaha, oo xudduud yar oo dhulka ah la wadaagta Afghanistan, falanqeeyayaasha ayaana sheegaya in awoodda Shiinaha ay u leedahay inay caawinaad teknolojiyadeed iyo mid dhismo u fidiso dowladda cusub ee Taliban ay meesha ka saari karto xiriirka Taliban iyo Wiigarka.
Bishii July, Shiinaha ayaa wafdi sare oo Taliban ah ku casuumay Tianjin, halkaas oo wasiirka arrimaha dibadda Wang Yi uu sheegay inuu filayo in kooxda "ay door muhiim ah ka cayaaraan nabadda dalka, dib u heshiisiinta iyo hannaanka dhismaha". Taliban ayaa sheegtay "inaysan cidna u oggolaan doonin in ciidda Afghanistan ay u adeegsadaan wax ka dhan ah Shiinaha".


Xigashada Sawirka, Reuters

Wiigarka ku sugan Afghanistan way ka war hayeen kulankan - warka xiriirka diblomaasiyadeed ee sii kordhaya ayaa ku baahay gudaha qowmiyadda Wiigarka dalkaas. Wayna ka war qabaan taariikhdii dhowaan ee ugaarsashada Shiinaha ee Wiigarka dibadda ku nool.
"Dhammaanteen waan ognahay xiriirka Taliban ee Shiinaha, waxaana ka cabsi qabnaa inay marka hore u imaan doonaan dadka qaxay," ayay tiri haweeney Wiigar ah oo ku nool Mazar-i-Sharif oo ku barbaartay Xinjiang.
"Waynu joojinnay dukaameysiga amaba inaan gebi ahaanba guriga ka baxno," ayay tiri. "Cabsi ayaynu ku nool nahay. Waxaynu u baahannahay caawinaad. Fadlan na caawiya."
Si ka duwan kuwa khatarta dhabta ah ku jira ee ku nool Afghanistan, Wiigarka ma heystaan sharci u oggolaanaya inay keligood shaqeystaan, taas oo ka dhigeysa kuwo aad ugu nugul xukunka Taliban.
"Kuwani waa qowmiyad aan waxba ku lahayn dalka," ayuu yiri Sean Roberts, oo ah bare wax ka dhiga Jaamacadda George Washington ahna qoraaga Dagaalka Wiigarka.
"Waxay eegayaan dalalka kale oo la baxaya dadka amaba muwaaddiniintooda ah amaba si uun xiriir ula leh - Kazakhs, Kyrgyz, iyo wixii la mid ah. Balse Wiigarka, waxaan u maleynayaa, inay dareemayaan in cidna aysan iyaga u hadleyn hadda."
Dadaallo ayay sameeyeen ururrrada aan dowliga ahayn si meesha looga saaro Wiigarka, balse waxay wajahayaan isla caqabadaha qof walba oo kale.
Abdulaziz Naseri, oo ah qaxooti ku nool Turkiga, ayaa BBC-da u sheegay inuu ururiyay liiska magacyada isaga oo caawinaad ka helaya Wiigarka dalkaas ku nool uuna u gudbinayo kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha si loogu gudbiyo saraakiisha dowladda ee Mareykanka, UK iyo Turkiga. "Waxaynu sameynaa wixii karaankeenna ah si aan meesha uga soo saarno," ayuu yiri Naseri.
Balse gudaha Mazar-i-Sharif, oo dhowr meyl u jirta Kabul, in meesha laga baxo waa howl dheer. Xitaa haddii ay dhacdo in qoys kuraas laga siiyo duullimaad gudaha caasimadda, waa safar labo maalmood oo gaari ah, iyadoo la dhex marayo bar-koontaroollada Taliban oo ay ka baqayaan inay tusiyaan kaararkooda.
"Muslim ahaan, inaynaan wax rajo ah qabin waa camal sheydaan," ayuu yiri aabbaha ku sugan Mazar-i-Sharif.
"Balse xilligii aan ku dhashay Afghanistan, waxa keliya ee aan xusuusto waa dagaal. Afartan sano oo dagaal ah, midba midka kale," ayuu yiri. "Marna uma baqo nafteyda, keliya carruurteyda ayaan u baqaa, gaar ahaan gabdhahayga. Waxaan rajeeyay inay noqon doonaan kuwo wax bartay ayna noqdaan dhaqaatiir."
Midna qoyskeenna ma uusan tegin Shiinaha. Waxay keliya wax ka ogyihiin xeryaha dadka lagu xiro iyo tacaddiyada la sheegay inay ka jiraan Xinjiang. Aabbaha ayaa ka baqaya in lagu hoos noolaado Taliban sababtoo ah wuu xusuusan karaan. "Balse Shiinaha ayaanu in badan ka baqeynaa," ayuu yiri, "sababtoo ah ma qiyaasi karno."















