Diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada oo hadda Muqdisho ka socda

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda diyaar garowgii ugu dambeyay ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee afarta sano ee soo socota.Doorashadaan oo waqtigeedii dhaanftay wax ka badan sanad ayaa isha aad loogu wada hayaa, waxaana ku tartamaya ku dhawaad 40 murashax oo uu ku jiro madaxweynaha hadda talada haya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Teendhada Afisyooni oo ku taalla aag aad loo ilaaliyo ayay doorashadu ka dhacaysaa,waxaana inta badan ammaanka sugaya ciidamada ATMIS, ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika, ee horey loo oran jiray AMISOM.Waxaase jira ciidamo Soomaali ah oo aan badneyn oo ka qayb qaadanaya sugidda amniga gudaha goobta ay doorashadu ka dhacayso.
In ka badan 300 oo ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dooranaya madaxwewynaha,iyadoo la filayo in wareegayo kala duwan ay doorashadu qaadato maadaama musharrxiintu ay badanyihiin. Qaar ka mid ah musharxiinta ayaa saacadihii la soo dhaafay sheegay inay tanaasuleen halka qaarna ay sheegeen inay isaga hareen tartanka.
Olalihii ugu xoogganaa oo ay wadeen musharraxiintu ayaa xalay laga dareemay Muqdisho,waxaana mid walba uu u xusul duubayaa sidii uu ugu guulaysan lahaa talada dalka Soomaaliya oo muddo ay ka jiraan dhibaatooyin ay ka mid yihiin amniga,dhaqaalaha iyo caafimaadka,waxaana xubnaha tartamaya mid walba uu dhawaan baarlamaanka ka hor sameeyay ballan qaadyo uu wax kaga qabanayo arrimo badan oo dalka ka jira haddii uu xilka ku guulaysto.
Doorashadan, waxaa goobjoogayaal ka noqon doona daneeyayaal ka kala socda hay'addo iyo dad ka socda dalalka Afrika iyo Caalamka intiisa kalaba, kuwaas oo doonaya inay si dhaw ula socdaan daah-furnaanta iyo habka ay u dhacayso doorashadu. Waxaana la filayaa inay soo saari doonaan warbixinno ay kaga falcelinayaan wixii ay ku arkaan doorashada, marka ay soo dhammaato.
"Howsha ugu weyn ee aan magaalada Muqdisho u imaanay waa kormeerka doorashad,doorashadan in muddo ah ayaan sugaynay sanadkii 2020-ka ayaan hay'ad ahaan isku diyaarinay inaan doorashada Soomaaliya ka qayb qaadano innaga oo rabnay in aan ka soo bilowno markii ay dhacaysay doorashada xubnaha baarlamaanka,laakin qorshihii dib ayuu nooga dhacay aad ayaanna uga xunahay." ayuu yiri Cali Saciid Cali oo ka socda hay'ad lagu magacaabo Eastern Africa Standby Force (EASF) oo hoostagta Midawga Afrika.

Xigashada Sawirka, Golaha Shacabka BJFS
Amniga
Xalay waxaa ka dhaqan galay magaalada Muqdisho,bandow ay soo rogeen ciidamada dowladda Soomaaliya, kaas oo ku eg maalinta Isniinta ee barri sida ay sheegeen booliska Soomaaliya. Dadka doorashada ka qayb qaadanaya sida bulshada rayadka ah, kormeerayaasha,suxufiyiin iyo dadka kale ee daneeynaya ayaa xalay ku hoyday hoteelada ku yaalla agagaarka halka ay doorashadu ka dhacayso waxaana jira dhowr illlin ama irid oo laga gali doono Teendhada Afisyooni, kuwaas oo si aad ah ammaankooda loo adkeyay.
Inta badan waxaa xiran waddooyinka muhiimka ah ee magaalada waxaana goobahaas ku sugan ciidamada amniga Soomaaliya,waxaana lagu soo warramayaa in dhaqdhaqaaqa dadweynaha uu koobanyahay.Goobaha la isugu yimaado ee ay dadku ku kulmaan waxa ugu badan ee saaka lagu hadal hayo waa wararka la xiriira doorashada oo si weyn looga dhursugayo.
Bulshada rayadka ah ee Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujinaya in doorashadu ay ku dhamaato si nabad ah ciddi ku soo baxdana ay degganaan kula wareegto xilika. Duniyo Maxamed Cali oo loo yaqaano Duniyo Carshaan, kana tirsan ururada bulshada rayadka ah ayaa BBC-da u sheegtay in dib u dhacyadii ku imaanayay doorashadaan ay xaalka murjiyeen markii hore hadase loo wada han-weynyahay sida wax ku socdaan."Rajadu boqlkiiba boqol way fiicantahay waxaan rajaynaynaa in ay guul ku dhamaato wax khayr qabana ay meeshaas ka soo baxaan." ayay tiri Duniyo.











