Waa kuma Murashaxa Madaxweyne, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ku taamaaya inuu mar kale hogaanka qabto?

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Sanadkii 2017-kii, Maxamed Cabdullaahi Maxamed - oo loo yaqaanno Farmaajo - waxaa loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya, dhowr sano ka hor xilligaasna waxa uu soo noqday Ra'iisul Wasaarahii dowladdii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
Bishii February ee sanadkii 2021-kii ayuu ku ekaa muddo xileedka Farmaajo, balse ma suurtagelin inay qabsoonto doorashada Soomaaliya ee baarlamaanka iyo Madaxweynaha.
Marka la dhiso labada gole ee Baarlamaanka ayay dhici kartaa doorashada xilka madaxweynaha, maadaama hannaanka doorashadu uu yahay mid dadban oo xildhibaannadu ay soo xulanayaan hoggaanka ugu sarreeya ee dalka.
Hadda Farmaajo waxa uu ka mid yahay murashaxiinta u taagan doorashada Madaxweynaha ee lagu wado in ay dhacdo 15-ka bisha May, 2022-ka.
Haddaba maxaan ka garanaynaa Madaxweynaha Soomaaliya ee mar kale u hanqal taagaya inuu xilka ku guulaysto?
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
11-kii bishii Maarso ee sanadkii 1962-kii ayuu Maxamed Cabdullaahi Maxamed "Farmaajo" ku dhashay magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.
Waxbarashadiisa aasaasiga ah waxa uu ku qaatay Muqdisho.

Xigashada Sawirka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Farmaajo waalidiintiisa waxay ahaayeen samafaleyaal gacan saar la leh Ururkii Dhhalinyarada Gobannimo Doonka ee SYL, oo ahaa xisbi siyaasadeedkii ugu horreeyay ee ka hirgalay Soomaaliya.
1970-meeyadii, Farmaajo aabihiis waxa uu ka shaqaynayay wasaaraddii gaadiidka qaranka.
Wiilkiisa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hadda waa 60 jir dhalay afar carruur ah.
Bishii February ee sanadkii 2017-kii waxaa loo doortay inuu noqdo Madaxweynihii 9-aad ee soo maray Soomaaliya tan iyo xilligii xornimada la qaatay ilaa waqtigii burburka iyo dagaallada Sokeeye.
Farmaajo ayaa mar soo noqday Ra'iisul Wasaare intii u dhexeysay November 2010 ilaa June 2011, xilligaas oo lagu ammaanay hagaajinta laamaha amniga ee Soomaaliya.
Sannadkii 2011 -kii, kaddib bilooyin uu socday is -qabqabsi ka dhashay doorashada madaxweynaha, waxa uu oggolaaday inuu xilka Ra'iisul Wasaaraha iska casilo isagoo sheegay inuu "danaha dadka Soomaaliyeed awgood u qaatay go'aankaasi."
Maxamed oo lagu tilmaamay inuu yahay "siyaasiga ugu caansan Soomaaliya" markii loo caleemo saaray madaxweynaha, wuxuu la wareegay xafiiska Soomaaliya iyadoo uu dalka wajahayay abaar daran iyo sidoo kale kacdoon ay wadeen kooxda Al-Shabab.
Baasaboorrada ajaanibta ah ee Farmaajo
Sanadkii lasoo dhaafay Wargayska New York Times ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa baahiyay xog sheegaysa in Madaxweyne Farmaajo uu haysto dhalashada dalka Canada.

Xigashada Sawirka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Farmaajo ayaa tegay dalka Mareykanka, sannadkii 1985, xilligaas oo uu ahaa diblomaasi dhallinyaro ah oo ka tirsanaa Safaaradda Soomaaliya.
Ka dib markii Soomaaliya ay ka bilowdeen dagaalladii sokeeye, wuxuu go'aansaday inuu sii joogo halkaas.
Sida uu qoray wargayska New York Times, nin ay saaxiibo yihiin oo sidoo kalena qaraabo ay yihiin Farmaajo wuxuu sheegay in uu markii hore magangalyo siyaasadeed ka dalbaday Canada, halkaas oo ay ku noolaayeen hooyadiis iyo walaalihiis, markii dambena uu helay baasaboorka Canada.
Wargeysku wuxuu sheegay in uusan wax falcelin ah ka helin dhanka dowladda, laakiin BBC Somali oo la xidhiidhay waaxda warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya waxay kaga jawaabeen in aanay arrintaas, haba yaraatee, waxba ka jirin.
Cabdirashiid Xaashi oo madax ka ah xafiiska warfaafinta Villa Somaliya ayaa yiri: "Waan akhriyey waxa wargeyska uu qoray. Run ahaantii warar aan sal iyo raad lahayn ayaa ku jira."
Hase yeeshee waxaa jirtay in Madaxweynuhu uu haystay dhalashada Mareykanka oo uu muddo dagganaa, waxbarashadiisa qaybo ka mid ahna ku qaatay.
Sanadkii 2019-kii, waxaa soo baxay war ku saabsan in Farmaajo uu iska celiyay dhalashada dalka Mareykanka oo uu baasaboor ka haystay.
Hadalkaas ayaa daba socday digniin kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka oo hoorraantii bishii Maarso ee sannadkii 2018-kii soo saartay amar ku aadan muwaaddiniinta Mareykanka ee xilalka saameynta siyaasadeed leh ka haya dalalka kale ee caalamka.
Digniintaas, oo ah mid shuruucda dalkaas lagu caddeynayo, ayaa lagu sheegay in ay dhici karto in qofkaas uu lumiyo dhalashada Mareykanka, haddii uu u tartamo xil, loona dhaariyo, taasi oo dowladda Mareykanka ay ku tilmaamtay arrin aan waafaqsaneyn shuruucda dalkeeda.
"Kiisaska la xiriira muwaaddiniinta Maraykanka ee haatan madaxweyne ka ah dalal kale, ama wasiir arrimo dibadeed ah, waxaa ka dhalanaya su'aalo adag oo la xiriira sharciyada caalamiga ah. Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa arrimahaasi si gooni gooni u eegi doonta", Ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo lagu daabacay bogga wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Xigashada Sawirka, Thinkstock
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in digniinta aysan quseyn muwaaddiniinta u dhashay Mareykanka ee u shaqa taga dalal kale, balse aan ku lugta lahayn go'aannada siyaasadeed.
Doorashada Xilka Madaxweynaha
Markii uu dhammaaday muddo xileedka Farmaajo oo ku ekaa bishii labaad ee 2021-kii waxaa muddo krodhin labo sano ah u sameeyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, balse go'aankaas oo khilaaf wayn oo siyaasadeed dhaliyay ayaa markii dambe meesha laga saaray.
Ku dhawaad hal sano ayay socdeen khilaafaadka ku saabsan doorashada Soomaaliya oo ay dhinacyada marar badan isku mari waayeen qodobbada qaarkood.
Dadaal dheer kaddib, markii lasoo afjaray doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka, waxaa 15-ka bishan May ku astaysan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
39 murashax ayaa u xusul duubaya in ay xilka kala wareegaan Madaxweyne Farmaajo oo isagana doonaya in mar kale dib loogu soo doorto xafiiska.
Labo Madaxweyne oo hore, Madaxweyneyaal maamul goboleed oo isugu jira kuwo hore iyo kuwo hadda xilka haya iyo siyaasiyiin saamayn badan leh ayaa ka mid ah murashaxiinta la loollami doona Madaxweyne Farmaajo.













