Colaadda Ukarine: Maxay Tahay maalinta 9-ka May ee ay reer Galbeedka wadna qabadka ku noqotay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xoghayaha Gaashaandhigga ee UK, Ben Wallace, ayaa todobaadkii tegay sheegay in bandhigga Moscow ee lagu xusayo guushii laga gaaray Naziyiinta ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka - ay suuragal tahay inay taageero u raadiso abaabulka ciidammo badan oo hab cusub u riixa dagaalka Ukraine.
Hasayeeshee saraakiisha reer Galbeedka ayaa waxa ay isla dhexmarayeen in Madaxweyne Vladimir Putin uu Bandhigga Guusha ee 9-ka May uu kaga faa'iidaysan doono inuu ku dhawaaqo ballaarinta tallaabadiisa milateri.
Sidoo kale dabbaaldegga sanadlaha ah ee Moscow lagu qabto, ayaa sidoo kale waxaa jiray warar muddo dheer soo socday oo sheegaya in Kremlin-ka uu qorshaynayo in ciidammo kale oo dheeraad ah uu geeyo magaalada Mariupol ee koonfurta Ukraine, halkaas oo inta badan haatan ay gacanta ku hayaa Ruushka.
Ciidammada Ukraine ayaa waxa ay ku sugan yihiin hal aag oo magaaladaasi ah - waa warshadda birta lagu farsameeyo ee Azovstal.
Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka ee loogaga taliyo waddankaasi, Dmitry Peskov, ayaa sikasta oo uu xaalku ahaadaba sheegay in warkaasi uu "gebi ahaanba" runta ka fogyahay
Maxay Tahay Maalintan ay caalamka indhaha ku wada hayaan?
Bandhiga maalinta guusha waxa mararka qaar la xusi jiray xilligii Soviet-ka, waxaana dib u soo nooleeyay Madaxweyne Boris Yeltsin sanadguuradii 50-aad ee 1995-kii, laakiin Vladimir Putin ayaa 2008-dii ka dhigay munaasabad sanadle ah oo lagu soo bandhigayo agab ciidan.
Aqoonsiga Ruushka waxaa si weyn loo abuuray iyadoo maalinta guusha gadaal ka taagan tahay, iyada oo buugaag dugsiyeedka iyo buugaagta taariikhda diiradda saaraya Ruushka oo ah xoreeyayaashii Yurub ee wakhtiga dagaalka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ka dib markii Ruushku qabsaday Crimea 2014, Vladimir Putin wuxuu maalinta guusha isagoo khudbad ka jeediyay fagaaraha cas xusay jabinta Faashiistaha, ka hor inta uusan ku duulin dekedda Sevastopol ee badda madow.
- Madaxweynaha Ruushka oo dalalka reer Galbeedka ugu baaqay inay cadaadis saaraan madaxweynaha Ukraine
- Maxaad ka taqaannaa duuliyaha loogu magac daray 'Rooxaanta Kyiv'?
- 3 Arrimood oo sababi kara in NATO ay ku biirto dagaalka Ukraine
- "Muddo laba bilood ah wax qorrax ma aanan arag, waxay ahayd nolol cadaab ah oo lama ilaawaan ah"
"Sanadkan ujeeddada koowaad waxay ahayd in lagu dhawaaqo guushii la filayay inay dhacdo bishii Febraayo," ayuu yiri Ernest Wyciszkiewicz oo ka tirsan Xarunta Wada-hadalka iyo Fahamka Polish-Russia.
"Magaalooyinka Ruushka iyo caasimadaha gobollada waxaan ku arki karnaa calaamado leh astaanta maalinta guusha," ayay tiri Olga Irisova, oo ah aasaasaha kooxda falanqaynta ee Riddle Russia. "Sida caadiga ah calaamaduhu waxay muujiyaan 9-ka May 1945 laakiin sanadkan waa 1945/2022, sidaas darteed waxay isku dayayaan inay dadka siiyaan fikradda ah in mar kale ay u taagan yihiin la dagaalanka Naasinimada."

Xigashada Sawirka, Reuters
Saraakiisha Ruushka ayaa duullaanka waxa ay ku tilmaamaan uun "howlgal milateri oo gaar ah" si ay "u hubka uga dhigaan" ama "Nazinimada uga saaraan" dalkaasi, iyagoo soo qaadanaya sheegasho aanan sal lahayn oo ku saabsan Naziyiinta dowladda Ukraine taas oo ay Moscow ku bannaysanayso duullaankeeda.










