Niyukliyeer: Waa kee Madaxweynhii Mareykanka ee mar waalida u jilay Ruushka?

Richard Nixon

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Richard Nixon

Hoggaanka Ciidamada Qalabka Sida ee Mareykanka ayaa helay amar lama filaan ah bishii Oktoobar 1969-kii si loo dardargeliyo isu diyaarinta iska horimaad suurtagal ah oo lala galo Midowgii Soofiyeeti.

Diyaaradaha Maraykanka ee B-52 ayaa lagu soo raray hubka Nukliyeerka ah, waxaana 18 ka mid ah ay ka duuleen xeebaha galbeed ee Maraykanka, iyagoo ka tallaabay Alaska, waxayna u duuleen meel ku dhow dhulka Midowga Soofiyeeti ka hor inta aysan soo laaban.

Digniintan Nukliyeerka ah ayaa waxaa amray Madaxweynahii Mareykanka ee xilligaasi Richard Nixon ,weliba si qarsoodi ah, inkastoo ay u muuqatay inay lama huraan ahayd in Moscow iyo xulafadeeda ay ogaadaan tallaabadan geesinimada leh.

Nixon, oo ku guda jira dagaalkii qaboobaa ee Vietnam, ayaa markaasi damacsanaa inuu ku qanciyo cadawgiisa inuu diyaar u yahay inuu isticmaalo awood xad dhaaf ah, xitaa hubka Nukliyeerka.

"Waxaan ugu yeeraa waalli," Nixon wuxuu sidaasi ku yiri madaxiisiii shaqaalaha, HR Holdman. Sannado ka dib arrintaasi daaha ka qaaday HR Holdman laftiisa.

Dad badan ayaa dib u xasuustay todobaadyadii la soo dhaafay markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu heegan galiyay ciidamadiisa nukliyeerka ka dib markii uu ku duulay Ukraine bishii Febraayo.

Laakiin waa maxay 'fikradda waalan' maxayse tahay natiijada iskudaygeeda?

Nixon waxa uu xilka qabtay 1969kii isaga oo hadafkiisu ahaa in la soo afjaro dagaalkii Vietnam iyo Mareykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Nixon waxa uu xilka qabtay 1969kii isaga oo hadafkiisu ahaa in la soo afjaro dagaalkii Vietnam iyo Mareykanka

'Badhanka atomiga'

Sida laga soo xigtay khubarada, raadadka istiraatiijiyadda 'Fikrada waalida' waxaa laga heli karaa Nickelodeon Machiavelli oo shan qarni jiray, kaas oo qoray in "mararka qaarkood la adeegsado fikradaha waallida."

Waqtiyada casriga ah, aragtidan waxaa sannadkii 1959-kii soo jeediyay Daniel Ellsberg, oo khabiir ku xeel dheer nukliyeerka. Laakiin Nixon waa uu tijaabiyay "aragtida waalan."

Buugga, la yirahdo The Ends of Power, waxaa qoray HR Holdman, madaxii hore ee shaqaalaha Nixon.

Holdman waxa uu sheegay in madaxweynihii wakhtigaas (Nixon) uu kala hadlay inuu ku mashquulsan yahay ka-hortagga shuuciyadda, oo aan u dulqaadan karin caradiisa, sidaa darteed uu ka faa'iideysan karo badhanka nukliyeerka ee uu gacanta ku hayay.

Sida laga soo xigtay qoraallada Holdman, Nixon ayaa u sheegay Holdman, "Waxaan rabaa in dadku rumaystaan ​​​​in aan gaarey heer aan wax kasta ku sameyn karo si aan dagaalka ugu guuleysto."

La taliyihiisii amniga qaranka Henry Kissinger ayaa sheegay in tan iyo markii uu la wareegay madaxtinimada bishii Janaayo 1969, Nixon uu isku dayay inuu la xaajoodo dawladda hantiwadaaga ee Waqooyiga Vietnam si loo soo afjaro dagaalka shuruudaha wanaagsan ee Washington.

"Nixon waxa rumaysnaa in haddii wax yar oo waali ah uu muujiyo,uu dagaalka joogsanayo," ayuu yiri Rosen McManus, oo ah borofisar cilmiga siyaasadda iyo arrimaha caalamiga ah ee Jaamacadda Pennsylvania.

"Wax kasta waan sameyn karaa, xitaa isticmaalka hubka nukliyeerka," ayuu yiri.

Professor Rosen McManus ayaa haatan ku hawlan qoridda buug ku saabsan 'aragti waalan'.

Laakiin haddii ay taasi dhaci lahayd, natiijadu way ka duwanaan lahayd wixii uu Nixon raadinayey.

Isagoo la hadlayay BBC-da, McManus wuxuu yiri: "Waxay u muuqataa in Midowgii Soofiyeeti iyo xulafadiisa Waqooyiga Vietnam aysan ogeyn in Nixon uu isku dayay inuu muujiyo calaamado waalli ah ama ma aysan rumaysnayn aragtida waallida."

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Way adag tahay in la ogaado dhab ahaanshaha ama been abuurka ah ee dabeecadda Nixon.

Dukumiintiyada rasmiga ah ee Maraykanku waxa ay muujinayaan in Aqalka Cad uu wakhtigaas ka fikirayey adeegsiga hubka Nukliyeerka ah ee Waqooyiga Vietnam, Nixon qudhiisu waxa uu sheegay sannado ka dib in uu diiday si uu uga fogaado in dagaalku sii xoogeysto.

McManus, oo ah falanqeeye hore uga tirsan Hay'adda Sirdoonka Difaaca Mareykanka (DIA), ayaa yiri "Haddii hoggaamiyaha uu awoodo inuu si xaddidan u muujiyo inuu waalan yahay, mararka qaarkood wuu guuleysan karaa."

Laakiin haddii uu u maleeyo inuu gabi ahaanba waalan yahay, ama uu doonayo inuu adduunka la wareego, way ku adkaan doontaa inuu guuleysto sababtoo ah dadku waxay aad uga walaacsan yihiin mustaqbalka." Aad bay u adagtahay in aad nabad ku yaboohdo haddii aad caan ku tahay waalli."

Dhab ahaantii, cilmi-baaristu waxay muujinaysaa in fikirka dadka waalan inta badan aan waxtar lahayn: qaar badan oo ka mid ah madaxdii hore, oo ay ku jiraan Nikita Khrushchev, Mucamar Gaddafi iyo Saddam Xuseen, ayaa isku dayay aragtida waallida balse dhammaantood waa ay gaari waayeen yoolkii ay ka lahaayeen.

Sanadihii dhawaa, madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa abuuray shaki ku saabsan inu adeegsanaya fikaradda waalida iska yeelka ah markii uu sanaddii 2017-kii uu ku hanjabay in Kuuriyada Waooyi ay wajihi doonto carrada iyo kuleyulka dalkiisa hadii ay khatar galieso ammanaka Mareykanka.

Putin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Putin

Wixii intaasi ka dambeeyay, Trump laftirkiisa ayaa la kulmay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un oo noqday kulankii ugu horreeyeya oo dhexmara hoggaamiyayaal Mareykan iyo Kuuriyada Waqooyi muddo 70 sano ah.

Dad badan ayaa hadda u arka in weeerarka Putin uu ku qaaday Ukraine mid lala barbar dhigi kara Nixon dabaacadihiisa.