Colaadda Ukraine: Waa maxay Golaha Ammaanka ee QM sidee ayuuna u shaqeeyaa?

Ukrainian President Volodymyr Zelenskiy appears on a screen as he addresses the United Nations Security Council via video link during a meeting, amid Russia"s invasion of Ukraine, at the United Nations Headquarters in Manhattan, New York City, New York, U.S., April 5, 2022.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo khudbad ka jeedinaya Golaha Ammaanka ee QM, New York

Qaramada Midoobay ayaa waxaa laga unkay Dagaalkii Labaad ee Adduunka si ay isugu keento dalalka adduunka oo loo xalliyo arrimaha dunida ka taagan.

Golaha Ammaanka, oo markii ugu horreysay kulmay sanadkii 1946, waa guddi muhiim ah oo qaabilsan hubinta nabadda iyo ammaanka dunida.

Kaddib duullaankii Ruushka ee Ukraine, Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa khudbad qiiro leh u jeediyay golaha isagoo ugu baaqay inuu "degdeg u howlgalo" si loo hor istaago militariga Ruushka. Balse qaabka uu goluhu u shaqeeyo ayaa adkeysay inuu wax ka qabto.

Xubnihiisa 15-ka ah - shan joogto ah iyo toban aan joogto ahayn - ayaa awood u leh inay cunaqabateyn soo rogaan amaba ay amraan adeegsiga xoog si loo joogteeyo amaba loo soo celiyo nabadda iyo ammaanka adduunka.

Balse aalaaba, go'aanno adag lama qaadan karo sababtoo ah xubnaha joogtada ah ayaa adeegsan kara codka diidmada qayaxan kuwaas oo aragtiyo loollan leh ka qaba arrimaha dunida.

Marka sidee ayuu u shaqeeyaa Golaha Ammaanka?

Xubnaha joogtada ah

Shan dal ayaa si joogto ah uga tirsan Golaha Ammaanka: Mareykanka, UK, Shiinaha, Ruushka iyo Faransiiska.

Kuwani waa quwadihii loollanku ka dhaxeeyay markii Jarmalka iyo Japan looga adkaaday Dagaalkii Labaad ee Adduunka, markaas oo golaha la aasaasay.

Hannaankan isma uusan beddelin tan iyo sanadkii 1946, inkastoo uu goluhu ku dhaqmayay siyaasado cusub.

Kursiga Shiinaha waxaa markii hore ku fadhisay dowladdii ku dhisneyd mabaadii'da waddaninimo ee uu hoggaaminayay Chiang Kai-shek.

Kaddib kacdoonkii 1949, dowladdiisa ayaa dib u gashay jasiiradda Taiwan balse sanadkii 1971 ayay ahayd markii Golaha Guud ee QM uu go'aansaday inuu lahaanshaha kursiga u wareejiyo xisbiga hantiwadaagga ee Dadweynaha Jamhuuriyadda Shiinaha (PRC).

Kursiga Ruushka waxaa markii hore ku fadhiyay Midowgii Soofiyeetka ilaa laga kala diro sanadkii 1991.

Xaqa codka diidmada qayaxan

Muhiimadda xubnahan joogtada ah ayaa ah inay codka diidmada qayaxan u adeegsan karaan go'aan walba oo uu ka doodo golaha.

Waxay ka dhigan tahay in haddii midkood uu codkaas u adeegsado qaraar, lama meel marin karo. Si kastaba, qaraar ayaa la meel marin karaa haddii xubin joogto ah uu ka gaabsado codeynta.

Tani ayaa gaar ahaan waxar leh markii dalalka leh codka diidmada qayaxan ay si toos ah amaba si aan toos ahayn ugu lug leeyihiin dagaal, sida kan hadda ka socda Ukraine. Wax sharci ah kama yaallo ka hortagga danaha is diiddan ee noocan ah.

United States Deputy Secretary of State Wendy R. Sherman attends a United Nations Security Council meeting, amid Russia"s invasion of Ukraine, at the United Nations Headquarters in New York City, New York, U.S., March 29, 2022.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Shan xubno oo joogto ah, oo Mareykanku ka mid yahay, ayaa awood u leh in codka diidmada qayaxan ay u adeegsadaan qaraar walba oo laga soo jeediyo Golaha Ammaanka ee QM

Xubnaha aan joogtada ahayn

Toban dal ayaa sanad walba la doortaa si ay xubno aan joogto ahayn uga noqdaan Golaha Ammaanka ee QM. Dhammaan dalalka xubnaha ka ah QM ee ka midka ah Golaha Guud ayaa codeyn kara.

Ujeeddadu waa in lagu guuleysto isu dheellitirnaan goboleed, iyadoo shan xubno oo ka tirsan qaaradaha Aasiya iyo Afrikaa, labo Latin Ameerika ah, hal bariga Yurub ah, iyo labo galbeedka Yurub ah amaba gobollada kale ay ka koobnaanayaan xubnaha aan joogtada ahayn.

Hadda oo aan mareyno April 2022, xubnaha aan joogtada ahayn waa Hindiya, Ireland, Kenya, Mexico iyo Norway, oo muddo xileedkoodu ku ekyahay 31 December sanadkan, iyo Albania, Brazil, Gabon, Ghana, iyo Imaaraatka Carabta, oo xilligoodu ku ekyahay 2023.

Dalalka ayaa aad ugu tartama ka mid noqoshada golaha, sababo la xiriira faa'iidada ay ka helayaan, amaba fursadda ay u helayaan inay kusoo qaadaan arrin dalkooda dan u ah. Dalalka qaar ayaa musharraxnimadooda ku dhawaaqa sanado badan kahor si loogu codeeyo.

Dal walba oo xubin ka ah Golaha Ammaanka - ama joogto ha ahaado ama yuusan ahaabe - wuxuu muddo bil ah qabtaa madaxtinnimada golaha si wareegto ah.

Ballaarin

Balse dalalka ay awooddu korortay 75-tii sano ee la soo dhaafay ayaa aad u cambaareynayay dhismaha Golaha Ammaanka, iyagoo sheegay inuusan ka tarjumeyn duni mideysan.

Koox isbeddel ka shaqeyneysa ayaa la dhex dhisay Golaha Guud sanadkii 1993 kuwaas oo arrinta xoogaa horumar ah ka sameeyay.

Hindiya, Jarmalka, Japan iyo Brazil - oo loo yaqaanno G4 - iyo Midowga Afrika ayaa ka mid ah kuwa muddo dheer u ololeynayay in la siiyo boos joogto ah.

Kofi Annan during an interview with the BBC in 2014
Qoraalka sawirka, Xoghayihii hore ee Guud ee QM Kofi Annan, oo geeriyooday 2018, ayaa sheegay in isbeddel la'aanta ay wiiqi karto Golaha Ammaanka

Intii ay doodda ka socotay Golaha Guud ee QM sanadkii la soo dhaafay, wakiillada G4 ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo "dib u cusbooneysiinta wada xaajoodyada".

Waxay isku raaceen in golaha laga doonayo dib u eegista siyaasadaha dhulka, iyadoo muhiimadda la siinayo Aasiya, Afrika iyo Latin Ameerika.

Xoghayihii hore ee Guud ee QM ee heystay abaalmarinta Nobel prize Kofi Annan ayaa ka digay in isbeddel la'aantu ay wiiqi karto golaha.

Qaadidda tallaabo

Golaha Ammaanka ayaa wuxuu leeyahay muhiimad weyn oo ku aaddan ka hortagga marka horeba dagaallada hubeysan. Balse marka uu muran dhaco, ujeeddadiisa koowaad waa in la raadiyo xal diblomaasiyadeed.

Haddii dagaalku uu joogto noqdo, Golaha Ammaanka ayaa laga yaabaa inuu ka shaqeeyo xabbad-joojin uuna dalalkaas geeyo ciidamo nabad-ilaaliyeyaal ah.

Wuxuu dalalka QM ku amri karaa inay soo rogaan cunaqabateyno, iyo sidoo kale, waxaa laga yaabaa inuu amro in tallaabo militari laga qaado dalkii dhego adkaada.

Dhammaan dalalka xubnaha ka ah QM ayaa laga doonayaa inay u hoggaansamaan go'aannada Golaha Ammaanka.

Ukrainian Ambassador to the U.N. Sergiy Kyslytsya reads a book titled "What's Wrong with Diplomacy?"during a UNSC session to discuss the Russian invasion of his country, 29 March 2022

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Safiirka Ukraine u fadhiya QM Sergiy Kyslytsya oo cambaareyn usoo jeediyay Golaha Ammaanka

Cambaareyn

Golaha Ammaanka ayaa waxaa lagu cambaareeyay inuusan qaadin tallaabo ilaa ay musiibo dhacdo - xitaa marka laga filayay, sida xasuuqii Rwanda sanadkii 1994.

Gaabiska go'aan qaadashada iyo awoodda codadka diidmada qayaxan ayaa ka dhigan in dalalka iyo isbahaysiyada ay mararka qaar qaadan karaan go'aan ficil militari iyagoo aan wax ansixin ah raadin.

Ololihii bambada ee Nato ee ka dhanka ahaa Yugoslavia sanadkii 1999 waxaa la qaaday iyadoo aan wax oggolaansho ah laga raadin golaha.

Dalalka Nato - gaar ahaanna Mareykanka markii uu madaxweyne ka ahaa Bill Clinton - ayaa sheegay in ficilka kelinimada ah sabab loo yeeli karo iyagoo ka jawaabayay eedeymaha xasuuqa bulshada Albania ee Kosovo ay kala kulmeen ciidamadii Yugoslavia.

Ruushka ayaa ku dooday in weerarka bambo ee uusan ansixin Golaha Ammaanka uu ka sii daray xasaradda.

Duullaankii Mareykanka iyo UK ay ku qaadeen Ciraaq sanadkii 2003 ayaan sidoo kale soo marin Golaha Ammaanka.

A Russian tank of the Yugoslav Army sits abandoned 19 June 1999 in the eastern Kosovar village of Klina after having been destroyed by NATO air strikes.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Duqeyntii Yugoslavia ee sanadkii 1999 ayaa lagu dhaqaaqay iyadoo aanoggolaansho laga haysan Golaha Ammaanka ee QM

Dhanka kale, Golaha Ammaanka ayaa dhankiisa qaatay go'aanno adag.

Intii u dhaceysay sanadihii 2006 iyo 2015, wuxuu soo rogay cunaqabateyno la xiriira hub iyo teknolojiyadda nukliyeerka oo uu saaray Iiraan sababo la xiriira barnaamijkeeda nukliyeerka.

Tan iyo sanadkii 2006, wuxuu sidoo kale meel mariyay dhowr qaraar oo ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi oo la xiriira barnaamijkeeda hubka nukliyeerka. Waxay beegsadeen iibka hubka iyo qalabka militari, waxay xaddideen iskaashiga saynis ahaaneed waxayna cunaqabateyno saareen shakhsiyaad ku lug lahaa barnaamijka nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi.

Sanadkii 2001, wuxuu sidoo kale goluhu goob duullimaadka ka caaggan ku soo rogay Libya taas oo si aan toos ahayn gacan uga geysatay rididdii dowladdii Qadaafi.

Dagaal Qabow ayaa si kastaba jiray. Sanadkii 2012, Ruushka iyo Shiinaha ayaa codka diidmada qayaxan u adeegsaday qaraarro badan oo Golaha Ammaanka ah oo looga gol lahaa in cadaadis lagu saaro dowladda madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad - oo xulafo dhow Ruushka kula ah Bariga Dhexe.

Haddana qaraar walboo laga soo jeediyo Golaha Ammaanka oo ka dhan ah Ruushka sababo la xiriira duullaanka uu ku qaaday Ukraine ayaa laga yaabaa in Ruushka qudhiisa uu u adeegsan karo codka diidmada qayaxan.