Lix dal oo codsaday in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kulan ka yeesho xaaladda Ukraine.

Xigashada Sawirka, Anadolu
Lix dal ayaa Arbacadii codsaday in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kulan ka yeesho xaaladda Ukraine.
Dalalkaas ayaa waxaa ka mid ah Ingiriis, Albania, Fransiiska, Ireland, Norway iyo maraykanka.
"Ruushku wuxuu galay dambiyo dagaal wuxuuna tilmaameedsanayaa dadka rayidka ah, dagaalka sharci darrada ah ee Ruushku ku hayo dalka Ukraine wuxuu khatar ku yahay dhamaanteen" sidaas waxaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay ergayga joogtada ah ee UK ee Qaramada Midoobay.
Codsigaan ayaa imaanaya iyadoo dagaalka Ruushku uu ku hayo Ukraine uu galay toddobaadkii seddexaad
Dagaalka Ruushka iyo Ukraine, oo billowday 24-kii Febraayo, ayaa soo jiitay cambaareyn caalami ah, taas oo keentay in xayiraad dhaqaale lagu soo rogo Moscow iyo in shirkado caalami ahi ay ka baxaan Ruushka.
Dagaalka Ruushka iyo Ukraine, oo billowday 24-kii Febraayo, ayaa soo jiitay cambaareyn caalami ah, taasoo keentay in xayiraad dhaqaale lagu soo rogo Moscow oo kicisay in shirkado caalami ah ay ka baxaan Ruushka.
In ka badan 3 milyan oo qof ayaa sidoo kale u qaxay dalalka deriska ah, sida ay sheegtay hay'adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay.
Wax ka ogow noocyada hubka ay reer galbeedka siiyeen Ukraine
"Waxaan u baahanahay hub, ma ahan in aan baxsado," ayuu yiri, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky xilli Jimcihii uu ku gacan seyray dalab uga yimid Mareykanka oo ku saabsanaa sidii looga saari lahaa Ukraine.
Waxaana codsigaas uu gaaray dalalka caalamka oo kasoo jawaabay.
Iyadoo Ruushka uu ku duulay dalka Ukraine, kaas oo billowday 24-kii February, ayaa dalal dhowr ah waxay sii wadaan taageerada ay siinayaan dalkaas, tallaabadaas oo aan horay loo arag.
Haddaba yey kala yihiin dalalka hubka usoo diray Ukraine? maxay kala yihiin hubka ay ballan qaadeen?
Tirada hubka

Xigashada Sawirka, Reuters
Sabtidii, Maraykanka, Jarmalka, Australia iyo Netherland waxay ku dhawaaqeen inay qorshaynayaan inay hub u dirayaan Ukraine si ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah duulaanka Ruushka.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ballan qaaday in ay usoo direyso Ukraine hub qiimihiisu dhan yahay $350 malyan oo doolar, oo ay ku jiraan gantaallada Javelin, gantaalada lidka diyaaradaha iyo jaakadaha aan xabadu karin.
Dhinaca kale, Jarmalka wuxuu sheegay in dalkiisu uu hadda hub geyn doono Ukraine. Hoggaamiyaha Jarmalka, Scholz waxa uu sheegay in dawladiisa ay u diri doonto Ukraine 1,000 kamid hubka lidka taangiyada iyo shan boqol oo gantaalaha lidka diyaaradaha ah kuwaas oo loogu talagalay inay soo ridaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee jooga hoose ku duulaya.
Dalka Netherlands wuxuu ku dhawaaqay in hubka, Panzerfaust-3 ee lidka taangiyada iyo 400 gantaallo ah uu siinayo Ukraine.
Labada dal ayaa eegaya suurtagalnimada in Ukraine la siiyo nidaamka difaaca hawada ee isku dhafka ah loo diro kooxda NATO ee fadhigeedu yahay Slovakia.
Sweden oo ku caan baxday dhexdhexaadnimada iyo xallinta colaadaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay gargaar milateri u diri doonto dalka Ukraine, gargaarkan oo noqonaya kii ugu horreeyay tan iyo sannadkii 1939-kii markaasoo Midowga Soofiyeeti uu ku duulay dalka Finland.
Dalka Canada wuxuu dhankiisa u ballan qaaday Ukraine in uu dirayo $ 19.6 milyan oo agab milatari oo isugu jiro (koofiyadaha, jaakadaha rasaasta celiya, maaskarada celisa gaaska iyo qalabka habeenkii ay militeriga wax ku arkaan"
Guddoomiyaha guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa Sabtidii shaacisay in markii ugu horreysay dalalka Yurub ay maalgelin doonaan soo iibinta iyo hubka la gaarsiiyo dalka uu Ruushka duulaanka ku qaaday.
Gaashaanbuurta Nato waxay billowday inay ciidammo u dirto Bariga Yurub si ay si deg deg ah jawaab uga bixiyaan halis kasta.
Ugu dambeyn dalka Australia ayaa Axaddii ku dhawaaqay inuu dhaqaale siinayo Ukraine si uu uga qayb-qaato dagaalka lagula jiro ciidamada Ruushka, balse wax faahfaahin kama uusan bixinin inta ay la egtahay taageerada uu siinayo Ukraine.










