Qaraxyo xooggan oo laga maqlayo caasimada Ukraine iyo shacabka oo hubka loo qeybiyay

Xigashada Sawirka, EPA
Qaraxyo dhowr ah ayaa hadda laga maqlay magaalada Kyiv, halkaasoo ay hadda ka socdaan duqeymo xooggan.
Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in 18,000 oo qoryaha daran dooriga u dhaca loo qaybiyay mutadawiciin doonaya in ay duullaanka Ruushka
Muuqaalo laga soo duubay duqeymaha maanta ayaa muujinayay gaadiidka gaashaaman oo ku sii siqaya degmooyinka waqooyi ee magaalada.
Dalalka Midowga Yurub ayaa cunaqabatayn ku soo rogay Vladimir Putin iyo wasiirka arrimaha dibadda Sergei Lavrov.
BBC-du waxay fahamsan tahay inay tahay cunaqabateyntani xannibaad dhanka dhaqaalha ah oo aanay ahayn mamnuuc dhanka safarada ah.
Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa wacad ku maray inuu difaaci doono madax banaanida dalkiisa uu ku soo duulay Ruushka.
Dhanka kale gaashaanbuurta Nato ayaa sheegtay in kumanaan askari oo dheeraad ah ay geyneyso bariga Yurub.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal muujinaya dagaal xooggan oo ka socda magaalada Melitopol.
Wararka ayaa sheegaya in muuqaalkan uu muujinayo qeybta daawaynta kansarka ee isbitaal halkaasi ku yaalla oo lagu dhuftay walxaha qarxa.
In kasta oo barta twitter-ka ee muuqaalka la soo dhigay ay eedaynayso "ciidamada Ruushka", haddana lama xaqiijin cidda soo ridday hubka gabay goobtaasi.
Hoos ka daawo muuqaalka
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Rag u dhashay dalka Ukrain ayaa lagu soo waramayaa in laga soocay qoysaskooda xilli ay isku dayayeen in ay dalka ka baxsadaan.
Ragga da'doodu u dhaxayso 18-60, islamarkana dagaalami kara , ayaa hadda laga mamnuucay inay ka gudbaan xadka.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay kordhinayso howlgallada lagu caawinayo dadka rayidka ah ee uu saameeyay duulaanka Ruushka.
Qiyaastii in ka badan 100,000 oo qof ayaa guryahooda ka qaxay tan iyo intii uu dagaalka bilaabmay.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku gacan seyrtay wadahadalka uu madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ugu baaqay dalka Ukraine, waxaana ay ku tilmaantay "mid aan aheyn diblomaasiyad dhab ah".
Isagoo wariyeyaasha kula hadlayay Washington Jimcihii, af hayeenka waaxda arrimaha dibedda Ned Price wuxuu sheegay in dublamaasiyadu aysan ku shaqeeneyn" qoriga afkiisa".










