Oscar: Muxuu yahay cudurka ay qabto Xaaska Will Smith ee darteed loo dharbaaxay Chris Rock?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jada Pinkett Smith, oo ah xaaska Will smith oo ku guuleysatay abal marinta Oscar ee atariishada ugu wanaagsan ayaa dhowr maalmood qabsatay warbaahinta iyo baraha bulshada.
Haweeneydan ayaa aad loo hadal hayay kaddib markii majaajaliste Chris Rock uu hadal kaftan ah ka sameeyay timaheeda xiiran, taas oo keentay in ninkeeda Will Smith uu dharbaaxo majaajiliistaha oo masraxa taagan, caalamka oo dhanna laga daawanayo.
Rock ayaa si kaftan ah timo la'aanteeda ugu maadeystay, waxa uuna yidhi: "Jada, Waan ku jeclahay, GI Jane 2, ma sugi karo inaan arko!"
Pinkett oo u dhalatay waddanka Mareykanka, isla markaana magaca filimka loogu yaqaanno 'the matrix franchise' iyo 'gotham', ayaa hore wareysiyo ay bixisay ku sheegtay sababta tinteeda ay u xiiran tahay.
Jada waxaa ku dhacay xanuun timaha jara oo afka qalaad loo yaqaanno "alopecia". Aad ayay u baqi jirtay markii ugu horreysay oo dhibaatadani ku dhaceysay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bishii Diisembar ee sanadkii tegay ee 2021-kii waxay muuqaal soo dhigtay barteeda Instagram-ka, kaas oo ay ku sheegtay inay la dhibtooneysay xanuunka alopecia.
Alopecia waa xanuun noocee ah?
Sida laga soo xigtay waaxda caafimaadka ee UK, alopecia waa xanuun tinta ka xiira qofka. Mararka qaar waxaa uu sidoo kale saameyn ku yeeshaa ciddiyaha.
Waa xaalad iyadoo dadku ay sida kale u caafimaad qabaan ay tintu uun ka buubto, timahaas waxaa ka mid ah sunniyaha iyo xitaa xiribaha indhaha ay go'aan.
Da' walba iyo qof kasta ayuu ku dhici karaa xanuunkan, wuxuuna leeyahay heerar kala duwan sida ay sheegtay Dr. Sonali Chaudhary oo ku takhasustay xanuunnada ku dhaca maqaarka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Noocyada Alopecia.
Dr. Sonali waxay sheegtay inay jiraan noocyo kala duwan iyo heerar kala duwan oo xanuunka Alopecia ah.
Nooc kamid ah ayaa waxaa la yiraahdaa "totalis", kaas oo daadiya timaha ku yaalla jirka oo dhan iyo sunniyaha indhaha.
Dr Sonali waxay sidoo kale soo hadal qaadday nooc kale oo la yiraahdo "non-scarring alopecia", kaas oo ay sheegtay inuu ku dhaco haweenka sababo la xiriira isbedelka hiddaha.
Waxaa kaloo jirta "Alopecia Ariata", taas oo tinta jarta dibna uma soo baxdo, oo waxay noqotaa bidaar.











