Sedef Kabas: Waa tee weriyaha la sheegay inay ku dhiiratay in madaxweyne Erdogan ay maah-maah ku aflagaadeyso?

Sedef Kabas

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Sedef Kabas ayaa lagu eedeeyay inay aflagaadeesay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan

Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa xabsiga dhigtay weriyaha caanka ah ee Sedef Kabas oo lagu eedeeyay inay aflagaadeeysay madaxweynaha dalkaasi.

Ms Kabas ayaa Sabtidii lagu xiray magaalada Istanbul, waxaana maxkamad ay amartay in xabsiga la dhigo ka hor inta aan maxkamad la soo taagin.

Waxaa lagu eedeeyay inay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ku beegsatay maahmaah ay ka soo xigatay talefishinada tooska ah ee xiriirka la leh mucaaradka. Balse eedeeyntaasi waa ay diidday.

Ciqaabta eedeyntan ayaa waxa ay noqon kartaa xabsi u dhaxeeya hal ilaa afar sano.

"Waxaa jirta maahmaah aad caan u ah oo tiraahda qofka la boqro inuu cilmigiisa siyaado. Laakiin waxaan aragnaa inaysan run ahayn," ayay ku tiri kanaalka Tele1 . "Dibi boqor kuma noqdo in soo galo qasriga oo keliya, laakiin qasrigu wuxuu noqdaa xero xoolaha lagu xareeyo."

Waxay sidoo kale markii dambe soo dhigtay oraahdaasi barta Twitter-ka.

Af hayeenka guud ee Mr Erdogan Fahrettin Altun ayaa hadalkeeda ku tilmaamay mid mas'uuliyad darro ah.

"Qofkaan Wariye lagu magacaabay ayaa si bareer ah madaxweynaheenna ugu caaysay telefishin aan ujeeddo kale lahayn oo aan ka ahayn faafinta nacaybka," ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Hase yeeshee Ms Kabas waxay ku beenisay inay damacsan tahay inay aflagaadeyso madaxweynaha.

Tafatiraha kanaalka Tele1 Merdan Yanardag ayaa dhaleeceeyay xariga Ms Kabas.

"Xariga Kabas ee la xiray 2-dii habeenimo maahmaah darteed waa wax aan la aqbali karin," ayuu yiri. "Mawqifkani waa isku day lagu cabsi gelinayo suxufiyiinta, warbaahinta iyo bulshada".

Mr Erdogan waxa uu 11 sano ra'iisul wasaare ahaa ka hor inta uusan noqon madaxweynihii ugu horreeyay ee si toos ah loo doorto bishii Ogosto 2014-kii.

Aamusinta dadka dhaleeceya Erdogan ayaa keentay qeylo dhaan dibadda ah, taasoo gacan ka geysatay xiriirkii xumaaday ee uu la lahaa Midowga Yurub, kaasoo hakiyay qorshihii Turkiga uu ugu biiri lahaa Midowga Yurub.

Kumanaan kun oo qof ayaa lagu eedeeyay inay aflagaadeeyeen Mr Erdogan tan iyo markii uu madaxweynaha noqday.

Sannadkii 2020 in ka badan 31,000 oo baaritaan oo la xidhiidha eedaymaha ayaa la gudbiyay, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Haddaba waa kuma Erdogan, hogaaminaya awoodda sii fideysa ee Turkiga?

Madaxweyne Erdogan oo qoorta surtay cimaamad calammada Turkiga iyo Falastiin ay ku wada yaalliin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Erdogan oo qoorta surtay cimaamad calammada Turkiga iyo Falastiin ay ku wada yaalliin

Madaxweyne Rajab Teyib Erdogan oo asal ahaan kasoo jeeda Magaalada Rize, waxaa uu ku dhashay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, 26-kii bishii Febraayo sanadkii 1954, walow dadka qaar ee wax ka qora taariikhdiisa ay ku andacoonayaan in isagoo yar ay qoyskiisa usoo guureen Istanbul.

Waxaa uu wax ku bartay iskoolka hoose dhexe ee Kasimpasa sanadki, halka dugsiga sarena uu kaga baxay iskoolla sare Imam Hatib, halkaas oo uu ku bartay barashada diinta Islaamka. Markii uu dhameeyay waxbarashada hoose, waxaa uu ku biiray mac-hadka Eyub, wuxuuna sidoo kale shahaadada koowaad ee jaamcadda ka qaatay jaamacadda Marmara, halkaas oo uu ka bartay maamulka iyo dhaqaalaha sanadkii 1981.

Aabihii waxaa uu ahaa dadka kaxeeya doomaha, waxaana wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysa dad wax ka qoray madaxweyne Erdogan taariikhdiisa ay sheegeen in yaraantiisa uu rooti iyo liin uu ku iibin jiray waddooyinka xaafadda Kasimpasa ee magaalada Istanbul, lacagta uu ka helana uu isaga bixin jiray waxbarashada.

Dadka wali ku ganacsada wadadad Kasimpasa, madaxweyne Erdogan waxay u arkaan in uu yahay mid kamid ah iyaga. Dhammaan biibitooyinka ku yaalla xaafadaas waxaa ku dhegan sawiradi hore ee Erdogan oo xiran dharka kubadda cagta lagu ciyaaro.

"Aad ayaan ugu faanaa," ayay tiri Adnan Savas oo 45 sano jir, lana hadleysay wakaaladda wararka ee Reuters.

"Waxaad kasoo jeedi kartaa Kasimpasa, walina waxaad noqon kartaa ra'iisul wasaare ama madaxweyne, marka horumarka uu nolasha ka gaaray waxay dhiiragellin u tahay caruurta iyo in ay dedaali karaan".

Dadka ku nool xaafadda Kasimpasa ee degmada Kulaksiz waxay sheegaan in Erdogan ay u arkaan nin kamid ah dadka xaafadda oo waddooyinka rooti ku iibin jiray, kubadana ku ciyaari jiray xaafadda.

Madaxweyne Erdogan ayaa yaraantiisa la sheegaa in uu aad u ciyaari jiray kubada cagta, waxaana hadda lagu tilmaama in uu yahay hogaamiyaha dalalka fara ku tiriska ee Islaamka, dimuqraadiyadana ay ka jirto.

Timothy Ash, oo ah khabiir arrimaha dhaqalaaha ayaa shegay in Turkiga uu yahay dal dhaqaale ahaan isku kalsoon.

"Turkiga dhaqaale ahaan waa uu isku kalsoon yahay oo kobac dhaqaale ayuu sameynayaa, gaar ahaan wax soo saraka gudaha oo aad u xoogan balse waxaa uu walaac ka taagan yahay dhanka awoodda iyo isku adkeynta," ayuu yiri Timothy Ash.

Geesiga hoggaamiya Turkiga oo xeebta Falastiin lagu sawiray taasoo muujineysaa taageerada loo hayo

Xigashada Sawirka, ANADOLU AGENCY/GETTY

Qoraalka sawirka, Geesiga hoggaamiya Turkiga oo xeebta Falastiin lagu sawiray taasoo muujineysaa taageerada loo hayo

Yasar Ayhan, oo madaxweyne Erdogan timaha u jari jiray, aabahiisna ay saaxiibo ahaayeen Erdogan ayaa sheegay in 16 sano uu yaqiinay Rajab Erdogan, waxbadanna uu ka badelay dhaqaalaha Turkiga.

"Markii aan dalka Sacuudiga u aaday Xaj, sanadkii 1998, ma jirin cid qaadaneysay lacagta halka milyan ee Lira ee Turkiga oo waxaan isku dayay in aan sarifto oo aan ku badesho lacagta Sacuudiga balse markii aan dalka sacuudiga dib ugu laabtay 2010-kii, boqolkii Lira waxaan ku badeshay 250 lacagta Sacuudiga, markaa ayaan ogaaday in hadda ay nolal ka jirto dalka Turkiga," ayuu yiri Ayhan.

Inkastoo dadka dhaliila ay ku tilmaamaan "kelligii taliyaha dunida dimuqraadiga ah", haddana waxaa Erdogan lagu tilmaamaa in uu waxbadan ka badelay muuqaalka dunida ka heysatay dalkiisa.

Horraantii sanadkii 2001, muddo dhan afar bilood ayuu madaxweyne Erdogan xabsiga ku jiray, markii lasii daayayna waxaa uu bilaabay hirgelinta mabaad'ida xisbiga uu hogaamiyo ee AK party, maadama xillgaas dalka Turkiga ay ka jirtay guux dadweyne oo ah in uu dalka isbadel ka dhaco.

Waxaa uu marar badan soo noqday ra'iisul wasaare, haddana waxaa uu markii labaad yahay madaxweynaha Turkiga, isagoona baddelay dastuurka dalkaas. Sidoo kale Erdogan waxaa uu horay usoo noqday duqa magaalada Istanbul.

Ka siyaasi ahan, waxaa lagu tilmamaa in uu yahay ra'iisul wasaarihii ugu guusha badnaa iyo shakhsi markii uu xabsiga kasoo baxay ku guuleystay doorasho, sarena u qaada halka dalka Turkiga uu ka taagnaa dunida.