Turkiga: Erdogan "xanaaqiisa" wuxuu dhib u keenayaa waddankiisa

Erdogan 10 safiir oo reer galbeed ah ku amray iga ka baxaan waddankiisa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Erdogan 10 safiir oo reer galbeed ah ku amray iga ka baxaan waddankiisa

Wargeyska ka faallooda arrimaha dhaqaalaha ee Financial Times ayaa maqaal uu qoray tallaabadii uu Turkiga dhawaan ka qaaday qaar ka mid ah safiirrada dalalka Reer Galbeedka waxa uu cinwaan uga dhigay "Carada Erdogan waxay dhaawaceysaaTurkiga."

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa dib uga laabtay hanjabaaddii uu ku sheegay inuu soo saari doono go'aan uu waddanka Turkiga uga eryayo danjiraha Mareykanka iyo sagaal waddan oo kale oo ay xulafo ku yihiin isbahaysiga NATO.

"Sultaanka cusub ayay u suuragashay inuu ka noqdo xanaaq cusub oo heer aad u sarreeya gaari lahaa," sida uu qoray wargeyska.

Erdogan ayaa ku dhawaaqay inuu "ka guuleystay" Mareykanka iyo waddamada kale ee reer Yurub, kuwaas oo dib u xaqiijiyay u hoggaansamidda heshiiskii Vienna lagu kala saxiixday ee ku aaddanaa xiriirka diblomaasiyadeed, kaas oo dalalka ka hor istaagaya inay faraha la galaan arrimaha khaaska ah ee waddan kale.

Madaxweynaha Turkiga waxa uu markii hore ka carooday baaq ay soo saareen dalalka G10 ee ay hoggaamiyaan Mareykanka, Faransiiska iyo Jarmalka, oo dhammaantood si wadajir ah usoo saaray baaq ay ku dalbanayaan in sida ugu dhakhsiyaha badan xabsiga looga sii daayo ganacsade lagu magacaabo Osman Kavala, oo milkiile ka ah hay'ad samafal ah, sidoo kalena ah hoggaamiye ka tirsan bulshada rayidka.

Osman Kvala ayaa Turkiga ku xiran afartii sano ee lasoo dhaafay
Qoraalka sawirka, Osman Kvala ayaa Turkiga ku xiran afartii sano ee lasoo dhaafay

Waddamada ku baaqayay sii deyntiisa ayaa sheegay in uu khalad yahay go'aanka xabsiga loogu hayo isagoo aan maxkamad loo soo taagin, dacwado rasmi ahna lagu soo oogin.

Laakiin Ankara ayaa durbadiiba arrintaas uga jawaabtay inay xiriirka diblomaasiyadeed u jarto waddamadan, safiirradoodana si degdeg ah looga saaro Turkiga.

Markii hal dhinac laga eego, xaaladdan waxay tusaale u tahay siyaasiyiinta sii kordhaya ee kasoo horjeeda hoggaamiyaha Turkiga oo ay tahay inay ficilladooda ka fiirsadaan, kuwaas oo xaqiiqsan kara in aysan wax garab ah heli karin.

Hase yeeshee sida uu qoray wargeyska, dhanka kale waxaa muuqata in xanaaqa Erdogan uu bohol ku ridi karo Turkiga, uuna horseedi karo burbur dhaqaale.

Inkastoo "xabad joojintan diblomaasiyadeed ay si ku meel gaar ah u hakisay burbur xoog leh oo ku imaada lacagta Turkiga," sida uu qoray wargeyska, "Liiraha oo markii horeba hoos u dhac weyn la kulmayay ayay uga sii dartay saameynta ka dhalatay cadhada Erdogan oo sii daciifisay."

Dadka qaar waxay tallaabada madaxweynaha u arkaan isku day uu ku xasilinayo xisbigiisa si uu indhahooda uga weeciyo dhibaatooyinka dhinaca dhaqaalaha.

Erdogan

Xigashada Sawirka, Reuters

Waxaa kale oo uu wargeysku sheegay in taageerada shacabka ee Erdogan ay hoos usii dhaceyso marka la eego qiimeynta ugu dambeysay ee la sameeyay. Laakiin nacaybka uu madaxweynaha u qabo Kavala ayaa sii qota dheeraaday.

Markii uu xisbiga talada haya ee Erdogan aqlabiyaddii baarlamaanka ku lumiyay doorashadii dhacday 2015-kii, xisbiga HDP oo si cad u taageera Kurdiyiinta dowladda laga neceb yahay ayaa markii ugu horreysay soo galay baarlamaanka, iyagoo helay in ka badan 6 milyan oo codad ah oo u dhigma 80 kursi.

Doorashada kaddib, xafladdii ay ku xusayeen guushooda waxay ku qabsadeen makhaayadda Kavala ee magaalada Istambul.

Erdogan ayaa u fahmay in Kavala iyo hoggaamiyaha xisbiga HDP, Selahattin Demirtaş, oo qudhiisa u xiran dowladda, inay ka hor istaagayeen waddada uu ku noqonayay madaxweynaha.

Qoraaga wargeyska Financial Times ayaa maqaalka kusoo gunaanuday, "Erdogan waxa uu Kavala ka dhigay arrin caalami ah oo ku furan dowladdiisa, xilli gudaha waddankiisana ay ka socdaan dadaallo ay siyaasiyiinta mucaaradka ah ku raadinayaan inay xoojiyaan fikirka burburin kara maamulka Erdogan.

Taas waxaa sii dheer in waddamada Mareykanka iyo reer Yurub ay mar walba ku celceliyaan sida aysan u aqbali karin in waddan xulafo la ah oo ka tirsan Nato uusan ilaalineynin sharciga iyo kala dambeynta, ayna ka dhacayaan xadgudubyo dhanka dimuqraaddiyadda ah.