Maxay tahay sababta uu dalkan isaga kireynayo xabsiyadiisa?

Xigashada Sawirka, AFP
Kosovo ayaa ogolaatay in 300 oo qol oo xabsi ah ay ka kireysato Danmark si ay u yarayso ciriiriga ka jira jeelasha Scandinavian-ka.
Danmark waxay bixin doontaa khidmad sanadle ah oo gaareysa £12.8m oo gini shanta sano ee soo socota, waxayna sidoo kale gacan ka geysan doontaa maalgelinta tamarta cagaaran ee dalka.
Qolalka kirada ah ayaa loogu talagalay in lagu hayo dembiilayaasha la xukumay ee ka yimid wadamada aan ka tirsanayn Midowga Yurub.
Kosovo waxay leedahay inta u dhaxaysa 700 iyo 800 ooo xabsi oo aan la isticmaalin. Labada dawladood ayaa Isniintii kala saxeexday heshiiskan oo socon doona muddo shan sano ah.

Xigashada Sawirka, EPA
Dalkan ayaa si iskiis ah ugu dhawaaqay in uu ka go'ay Serbia sanadkii 2008-dii.
Guud ahaan Kosovo ayaa lagu wadaa inay hesho lacag dhan 210 milyan oo Yuuro 10-ka sano ee soo socda iayadoo ka faa'iideysanayso kiraynta xabsiga Gjilan, oo 50km u jirta caasimadda Pristina. Wasiirada Denmark ayaa lagu wadaa inay booqdaan xabsiga Talaadada.
Dhaqdhaqaaqayaasha labada waddan ayaa dhaleeceeyay tallaabadaas oo leh Danmark maaha inay u soo dirto dembiilayaasha ajinabiga ah oo ay ka fogeeyaan qoysaskooda.
Waxa aanu samaynay wixii aanu kari karnay, isla xeerarkaas ayaa lagu dabaqi doonaa xabsiyada Danmark, ayuu yiri wasiirka. "Dambiilayaasha la tarxiilay ayaa weli awood u leh inay soo booqdaan qaraabadooda, inkastoo taasi, dabcan, ay adkaan doonto."
Kuwa Kosovo loo diray ma noqon doonaan maxaabiis halis ku nirta , ayuu yidhi wasiirka cadaalada ee Kosovo Albulena Haxhiu. Qof kasta oo lagu helo dembiyo argagixisanimo ama xanuunsan looma diri doono Kosovo.
Heshiiska ayaa u baahan doona in lagu ansixiyo baarlamaanka Kosovo saddex meelood labo meel.
Fikradda dhoofinta maxaabiista kuma cusba Yurub, maadaama Norway iyo Belgium ay hore u kiraysteen qolalka xabsiyada ee Nederland.
Maxaabiista dalka Denmark ayaa sanadadii u dambeeyay kor u kacayay halka tirada askarta asluubta ay hoos u dhacday.
Tan iyo sanadkii 2015, tirada maxaabiista ku xiran Danmark waxay kor u kacday 3,400 ilaa 4,200, halka tirada askarta asluubta ay hoos uga dhacday 2,500 ilaa 2,000.
Danmark ayaa sannadihii u dambeeyay aad uga adkaysanaysay soogalootiga, waxaanay soo rogtay dhawr iyo toban xannibaado, oo ay ku jiraan amar lagu kala saarayo lammaanaha da'da yar ee magangelyo-doonka ah.
Toddobaadkii hore, wasiirkii hore ee socdaalka ayaa lagu helay dambi ah inuu si sharci darro ah u kala saaray lamaanayaasha iyadoo maxkamad la soo taagayo.
Garsoorayaasha ayaa sheegay in go'aankii Inger Stoejberg ee 2016 uu ahaa mid aan sharci ahayn oo ay ku xukuntay 60 maalmood.
Xildhibaanada Denmark ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyay in Ms Stoejberg laga saaro baarlamaanka talaadadii iyagoo ka jawaabaya xukunka.












