Dilkii George Floyd: Derek Chauvin oo xabsi lagu xukumay

Xigashada Sawirka, Reuters
Ninkii caddaanka ahaa ee horay uga tirsanaa boliska Mareykanka Derek Chauvin ayaa lagu xukumay 22 sannadood ee badh oo xabsi ah dambiyo la xiriira dilkii George Floyd ee bishii May ee sannnadkii hore.
Floyd ayaa geeriyooday ka dib markiii sarkaalka uu jilibka kaga hayay luqunta muddo ka badan 9 daqiiqadood. Mar sii horreeysay Derek Chauvin ayaa qoyska Floyd uga tacsiyeeyay geerida wiilkooda.
Xeer Ilaaliyaha dacwada ayaa codsaday in lagu xukumo Chauvin xabsi soddon sano ah maadaama uu galay saddex dambi.
Dhinaca kale Bannaanka dhismaha ayaa waxay dadka kaga doodayeen in xukunka uu yahay mid u qalma iyo in kale, waxayna dadka qaar ku doodayeen in sannadada lagu xukumay Derek Chauvin ay yar yihiin halka qaarna ay yirahdeen muddada la xukumay iyo dambiga waa ay isu dhigmaan.
Dacwad oogaha ayaa dalbaday in Derek lagu xukumo 30 sannadood oo xabsi ah. Dhanka kale qaeenka qoyska Floyd Ben Camp ayaa xukunka ku tilmamay inuu yahay mid taariikhi ah oo ku aaddan xal u helidda midab takoorka Mareykanka.
Dilkiisii ayaa waxa uu horseeday dibadbayo waaweyn oo ka dhacay guud ahaan dunida.
Mr Chauvin waxaa lagu soo oogay dacwad dil ah oo loo yaqaanno heerka labaad, taasoo micnaheedu yahay in dilka uu u geystay si aan ku talogal ahayn.
Chauvin ayaa sidoo kale loo sheegay inuu isku diiwaan geliyo inuu yahay dambiile waxaana laga mamnuucay inuu yeesho qori noloshiisa oo dhan.
Qoyska Floyd iyo taageerayaashiisa ayaa soo dhaaweeyay xukunka lagu riday Derek Chauvin.
Mr Floyd walaashiis Bridgett Floyd ayaa sheegtay in xukunka "uu muujinayo in arrimaha ku saabsan naxariis darada booliska ugu dambeyn si dhab ah loo qaatay" laakiin wali "waxaa harsan wado dheer".
Madaxweyne Joe Biden wuxuu sheegay in xukunka "uu u muuqday mid ku habboon" laakiin wuxuu qirtay inuusan ogeyn dhammaan faahfaahinta.
Maxaa la sheegay intii lagu guda jiray dhageysiga xukunka?
Intii lagu guda jiray dhageysiga xukunka, Mr Floyd walaalkiis Terrence Floyd wuxuu dalbaday in Derek lagu xukumo inta ugu badan ee la heli karo, oo ah, 40 sano ah.
"Sabab? Maxaad ka fakaraysay? Maxaa madaxaaga ku soo dhacayay markii aad jilibkaaga luqunta kaga haysay walaalkay?" Ayuu yidhi.
Gabadha uu dhalay Floyd ee Gianna, oo 7 jir ah, ayaa ka soo muuqatay muuqaal laga duubay, iyadoo sheegtay inay u xiistay aabaheed oo ay jeceshahay.
Waxay Tiri "Aabbahay had iyo jeer wuxuu iga caawin jiray inaan cadaydo."
Xaakimka ayaa sheegay in kiiskaasi uu ahaa mid xanuun badan ku reebay bulshada iyo dalkaba, gaar ahaan, qoyska Floyd.

Xigashada Sawirka, Reuters
Maxaa ku dhacay George Floyd?
Ninkaas oo 46 jir ahaa wuxuu baakad sigaar ah ka iibsaday dukaan ku yaalla Koonfurta magaalada Minneapolis markii ay taariikhdu ku beegneyd 25-kii bishii May ee sanadkii 2020-kii.
Qof ka mid ahaa shaqaalihii dukaanka ayaa aaminsanaa in ninka wax iibsaday uu bixiyay $20 doolar oo been abuur ah, wuxuuna u wacay booliska kaddib markii Mr Floyd uu diiday inuu celiyo sigaarka.
Ciidan ayaa yimid waxayna gacmaha ka xireen Floyd, laakiin markii ay damceen in ay gaarigooda galiyaan wuu diiday. Isjiidjiid kaddib Mr Floyd waxaa af af loo seexiyay waddada dhexdeeda.
Markaas ayey dadkii goobta ka ag dhawaa billaabeen inay muuqaallo ka duubaan.
Mr Chauvin, oo 44 jir ah, ayaa jilibkiisa qoorta ka saaray Mr Floyd, wuxuuna ku hayay in ka badan sagaal daqiiqo, sida ay sheegeen dacwad oogeyaasha.
Labo askari oo kale ayaa ka caawiyay in uu dhulka dhigo, halka mid kalena uu dadkii goob joogeyaasha ahaa ka celinayay inay soo faragaliyaan.
In ka badan 20 jeer ayuu Mr Floyd sheegay in ay neefta ku xirantay. Muuqaalka ayaa laga arkayay isagoo foorara oo lagu qaadayo gaariga booliska.
Saacad kaddib isbitaalkii la geeyay ayaa xaqiijiyay in uu geeriyooday.

Xigashada Sawirka, Reuters
Sidee ayuu Mareykanka uga fal celiyay geeridii Floyd?
Afartii askari ee goobta ku sugneyd ayaa shaqada laga eryay maalintii xigtay, xilli ay dadweyne badan oo mudaharaadaya isugu soo baxeen waddooyinka magaalada Minneapolis.
Saldhiggii ay booliskaas ka shaqeynayeen ayaa dab la qabadsiiyay, mudaharaadyaduna waxay si deg deg ah ugu sii fideen magaalooyinka kale.
Markii la joogay habeenkii lixaad, waxay mudaharaadyo ka socdeen 75 magaalo oo ka tirsan Mareykanka - qaarkoodna rabshado ayey wateen - waxaana si weyn u baahday dood qaran oo ku saabsan sida adag ee ay boolisku ula dhaqmaan Mareykanka-Madow.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa dib usoo cusboonaaday Dhaqdhaqaaq ka dhan ah cunsuriyadda oo la aasaasay sanadkii 2013-kii markii la dilay wiil dhowr iyo toban jir ahaa oo lagu magacaabi jiray Trayvon Martin.
Xitaa magaalooyinka iyo tuulooyinka ay daggan yihiin dadka ugu badan ee caddaanka ah ayaa laga mudaharaaday iyadoo la xusayo Mr Floyd.
Sharci dajiyeyaasha ayaa soo bandhigay xeerar cusub oo wax looga baddalay qaabka ay booliska wax u xiraan iyo sida ay u hayaan dadka la tuhunsan yahay.
Laakiin arrintu durba waxay usii gudubtay mowduucyo kale oo ku saabsan sinnaanta shaqada, kala eexashada iyo is addoonsiga.
Maxaa ka dhacay Mareykanka bannaankiisa?
Mudaharaadyo looga soo horjeedo cunsuriyadda ayaa ka dhacay dalal ka mid ah caalamka, iyadoo looga fal celinayo dhimashadaas.
In badan oo ka mid ah dadka dibad baxayay waxay diiradda saarayeen dhibaneyaal waddamadooda dhexdooda ay boolisku ku waxyeelleeyeen, sida lagu eedeeyay.
Dalka Australia, waxaa diiradda la saarayay dhibaatooyin la sheegay in ay la kulmaan dadka asal ahaan loogu yimid waddankaas. Dalka UK waxaa lagu burburiyay taallo qarnigii 17-aad la dhisay oo muujineysa ganacsigii addoomada.
Shirkado badan oo si gaar ah loo leeyahay ayaa sidoo kale sameeyay barnaamijyo lagu taageerayo la dagaallanka cunsuriyadda ka dhanka ah dadka madow. Sidoo kale ciyaartoy badan ayaa ilaa hadda jilibka dhulka dhigta marka ay billaabayaan ciyaartooda, taasoo ah olole ka dhan ah cunsuriyadda.












