"Maxay walaashay xabsi ugu mutaysatay muqaalladeeda TikTok?"

Xigashada Sawirka, AFP
"Aad ayaan uga naxnay xarigeeda. Wax dembi ah ma aysan geli walaashay," ayay tiri Raxma al-Adham oo ka warramaysa walaasheed ka yar oo caan ka ah baraha bulshada ee Masar.
Mawada oo 22 jir arday jaamacad ah ayaa bishii hore lagu xukumay laba sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay inay meel ka dhac ku samaysay qiyamka qoyska ee dalkaasi.
Waxaa la xiray bishii May kadib markii ay muuqaallo heeso ah oo ay dhar faashon ah ku qaadeyso soo dhigtay TikTok iyo Instagram. Dacwad oogaha ayaa sheegay in muuqaalladeeda ay anshax darro faafinayaan.
Mawada ayaa TikTok ku leh in ka badan 3 milyan oo taageerayaal ah halka 1.6 milyan ay kala socdaan Instagram.
"Waxa ay dooneysay oo keliya inay noqoto qof caan ah," ayay tiri Raxma.
"Gabdhaha TikTok"
Mawada ayaa kamid ah shan hablood oo lagu xukumay min laba sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo ku dhaw $20,000.
Shantaasi hablood oo loo yaqaan "gabdhaha TikTok" ayaa waxaa kamid ah Xaniin Xasaam oo caan ka ah baraha bulshada Masar. Lama shaacin magacyada saddexda gabdhood ee kale.
Raxma ayaa sheegtay in walaasheed ay heshiis la gashay tiro kamid ah shirkadaha dharka xayeysiiya ayna ku hamineysay in maalin uun ay noqoto jilaa filimaanta ah.
"Maxaa loo beegsaday? Waxaa jira dumar filimaanta jila oo ku labista dhar qaawanaan u dhaw. Ma jirto cid taaban karta dumarkaasi," ayay si caro leh u tiri Raxma.
Sida ay sheegtay hay'adda Amnesty International, dacwad oogaha ayaa eedeyntiisa anshax xumida ku saleeyay 17 sawir oo ay Mawada soo dhigtay barahaasi bulshada. Mawada ayaa sheegtay in muuqaalladaasi laga dirsaday telefoonkeeda kadib markii laga xaday sanadkii hore.

Xigashada Sawirka, Reuters
Qareenka Mawada ayaa la filayaa in Isniinta maanta ah uu racfaan ka qaato xukunka Mawada, Raxma ayaana rajeyneysa in walaasheed laga khafiifin doono xukunkaasi.
Qareenka oo lagu magacaabo Axmed Bahkiry ayaa sheegay in Mawada ay suuxday markii ay maqashay xukunka lagu riday.
"Xabsi ma noqon karo xal, xitaa haddii qaar kamid ah muuqaalladeeda ay meel uga dhacayaan dhaqankeena. Dowladdu dhaqan-celin ayay u samaeyn lahayd," ayuu yiri qareenka.
Shacabka Masar ayaa ku kala qeybsan kiiska Mawada. Dalkaasi oo dadkiisu ay u badan yihiin Muslim ku dhagan dhaqankooda ayaa u arka muuqaalladda TikTok ee sida kuwa Mawada inay anshax xumo faafinayaan. Qaar kale ayaa ku doodaya in gabdhaha ay iska baashaalayeen oo aanay mudneyn xabsi.
Ururada u doodda xuquuqda aadanaha ayaa u arka xariga gabdhaha isku-day ay dowladda ku xakameyneyso xoriyadda hadalka. Hay'adahaasi ayaa sheegay in tobanaan kun oo maxaabiis siyaasadeed ah ay ku jiraan xabsiyada Masar, kuwaasoo ay kamid yihiin shakhsiyaad ka tirsan ururo Islaami ah, weriyayaal iyo qareenno u dooda xuquuqul insaanka.
Madaxweynaha Masar, Cabdul-fataax al-Sisi ayaa ku adkeysanaya in dalkiisa aanay ku xirneyn dad loo haysto aragtidooda, dowladdiisuna waxa ay su'aal gelisaa sida loogu kalsoonaan karo warbixinnada hay'adaha xuquuqda aadanaha.
Bilihii la soo dhaafay, xafiiska dacwad oogaha Masar ayaa so saaray warbixinno uu uga hadlayo "khatarta ay leedahay in dhalinyarada lagu sii daayo internet-ka aanay jirin cid dusha kala socota".
Waxa uu xafiiskaasi waalidiinta ugu baaqay inay carruurtoda ka ilaaliyaan "falalka u horseedi kara inay ka habaabaan wadada saxda ah oo ay ku dhacaan wado khaldan iyagoo raadinaya guul iyo caannimo micno darro ah."










