Hindiya: "Waxaa na loo beegsaday in aan Muslimiin nahay"

Ameeruddin ayaa weli ku sugan xaalad murugo ah. Waxaa laga gubay hantidiisa oo dhan taasoo taallay dukaan uu ku lahaa tuulo yar oo ku taalla Hindiya.
Waa nin Muslim ah oo si nada ah muddo dheer ugu noolaa gobolka Tripura ee waqooyi bari Hindiya.
Balse bishii la soo dhaafay, dad Hindu ah ayaa weerar ku qaaday tuuladiisa.
"Waxaan joogay beer bariiska uu ka baxo xilliga ay dadka caraysan soo weerarrayeen suuqa tuuladeena," ayuu yiri Ameeruddin.
"Maadaama aanay gaari karin guryaheenna oo ay ku ilaalo ka ahaayeen booliska, waxa ay caradooda kala dul-dhaceen suuqa oo markaas laga rawaxay."
Hadda waxa uu qoyskiisa oo ka kooban shan xubnood ku biilaa lacag keyd u ahayd, mana jirto wax shaqa ah oo ka socda tuulada Rowa.

Xigashada Sawirka, Panna Ghosh/BBC
Shacabka ku nool gobolka Tripura oo gaaraya 4.2 milyan qof ayaa Muslimiintu wax ay ka yar yihiin 10%. Hadda ka hor wax dhibaato ah looguma geysan deegaankaas.
Magaalo aan sidaa uga fogeyn tuulada Rowe ayaa isla dadkii caraysnaa waxa au weerar ku qaadeen masjid halkaa ku yaalla.
Waxa ay u egeysteen burbur baaxad leh. Masjidka Chamtila waxaa ku hareeraysan guryo ay leeyihiin Muslimiin iyo Hindu.

In ka badan toban dhacdo oo salka ku haya rabshadaha diimaha ayaa bsihii October laga soo wariyay waqooyiga Tripura.
Sarkaal boolis ah oo lagu magacaabo Bhanu Pada Chakraborty ayaa beeniyay in masaajid lagu gubay gobolkaas, balse waxa uu qiray in qaarkood burbur loo geystay.
Sida ay ku billaabatay
26-kii October, kumannaan qof oo ka tirsan ururka xagjirka ah ee Vishva Hindu Parishad (VHP) isla markaana gacan saarka la leh xisbiga talada haya ee Bharatiya Janata Party (BJP) ayaa sameeyay dibedbax ballaaran.
Dibedbaxa ayaa looga soo horjeeday weerarro dad Hindu ah loogu geystay dalka Bangladesh oo saddex dhinac xuduud kala leh gobolka Tripura.
Dibedbaxa ayaa ka dhacay magaalada xuduudda ku taalla ee Panisagar, taasoo u dhaw tuulada Rowe.
"Ku dhawaad 10,000 oo qof ayaa ka qeyb qaatay dibedbaxa, waxaana Hindu-da iyo Muslimiinta uu midba kan kale ku eedeeyay daandaansi, waana arrin aan baaritaan ku wadno," ayuu yiri Chakraborty.
Bijit Roy oo kamid ah madaxda VHP ayaa ku eedeeyay weerarrada ka dhanka ah Muslimiinta tuulada Rowe dad aan heybtooda la aqoon.
"Ma diidanin Muslimiinta Hindiya. Waa dadkeena, oo xuquuq nala mid ah ayay leeyihiin," ayuu yiri.
Degmada Kadamtala waxa ay ku taallaa meel u dhaw magaalada Panisagar.
Kadib markii baraha bulshada lagu faafiyay in masaajid iyo dukaamo la burburiyay, ayaa waxaa isu soo baxay Muslimiin badan oo ku nool Kadamtala.
Waxa ay ku baaqeen in si degdeg au loo xiro dadka ka dambeeyay falalkaas.
Tuulada Churaibari oo u dhaw Kadamtala, dad Hindu ah ayaa sheegay inay beegsadeen kooxo Muslimiin ah.
Gobolka Tripura waxaa tan iyo 2018 ka talinayay xisbiga BJP.
Xisbiyada mucaaradka ah ayaa ku eedeeyay BJP inuu isku milayo diinta iyo siyaasadda si uu ugu guulaysto doorashooyinka, eedeyntaas oo uu beeniyay xisbiga talada haya.
"Waxaan dareemayaa in Muslimiinta laga tirada badan yahay ay dowladeenna ammaan buuxa siisay. Wax laga xumaado ayaa dhacay, balse waxaan nahay bulsho isku duuban," ayuu yiri Biswa Bandhu Sen oo ah kuxigeenka afhayeenka golaha deegaanka ee Tripura.
Todobaadyo kadib markii ay dhaceen rabshadaha, maamulka gobolka Tripura ayaa xabsiga u taxaabay labada haween weriyayaal ah oo uu ku eedeeyay inay "faafinayeen kala qeybsanaan bulsho". Markii dambe maxkamad ayaa ku sii deysay damaanad.

Noolasha gobolka ayaa hadda ku soo laabanaysa si caad ah, balse weli waxaa taagan cabsi ay qabaan dadka Muslimiinta ah.
Islamuddin, oo kamid ah xildhibaannada xisbiga Communist Party of India ayaa sheegay in rabshadaha dhawaan dhacay ay cabsi geliyeen Hindu-ga iyo Muslimiintaba.
"Dedaal joogta ah ayaa loo baahan yahay si labada dhinac looga shaafiyo waxa dhacay," ayuu yiri.















